Paul Kagame Oo Ka Hadlay Qaddiyadda Somaliland

0

Paul Kagame Oo Ka Hadlay Qaddiyadda Somaliland

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa markii ugu horreysay ka hadlay arrinta aqoonsi raadiska Somaliland, ka dib markii gabadh reer Somaliland ahi ay ka codsatay in Rwanda ay aqoonsato Somaliland.

Paul Kagame ayaa arrinta aqoonsiga Somaliland ku tilmaamay su’aal adag, isagoo sheegay in marka aqoonsi la doonayo loo maro nidaam caalamiya oo uu hagayo sharci iyo siyaasad. Anigu waxba kama qaban karo shaqsi ahaan imikadan aan hadlayo waa mid loo baahan yahay in shuruudaha la buuxiyo. Ayuu yidhi Kagame oo ka hadlayay shirka dhalinyarada Afrika oo ka socda magaalada Kigali ee dalka Rwanda.

Waan maqlay in Somaliland ay ka go’day dawladda federaalka Soomaaliya, waxaa sidoo kale abuurmay dawlad gobolleedyo kale, dawladda federaalkuna ma ogola go’itaankiina laakiin waa mid ku xidhan sida aad shuruucda caalamiga ah iyo nidaamka dawladaha lagu aqoonsado aad u buuxisaan, ayuu intaas ku daray hadalkiisa madaxwyne Paul Kagame.
Xigasho: Suxufi Khaalid Foodhaadhi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.