ONLF Oo Diiday In Ay Hubka Dhigto

0
ONLF Oo Diiday In Ay Hubka Dhigto

ONLF Oo Diiday In Ay Hubka Dhigto
Jabahadda Waddaniga Xureynta Ogadeniya (ONLF) ayaa sheegtay heshiiska ay la galeen Dowladda Fedraalka Itoobiya ay ku jirin in hubka laga dhigo jabhadda ONLF.

Hoggaanka Warfaafinta ONLF Maxamed Ibraahim oo war saxafadeed amuurtan ku saabsan oo ay jabhadda soo saartay akhriyey ayaa wuxuu sheegay “wadahadalladii iyo heshiiski Jabhadda ONLF iyo Dowladda Itoobiya ay wada galen inuu ka mid ahaa in ciidamada Jabhaddu ay ka mid noqdaan ciidamada amniga ee deegaanka”.

“Ciidamada Jabhadda iyo kuwa deegaanka sababta loo mideynayana ay tahay si nabadda iyo xasiloonida dalka loo wada ilaaliyo.”

Jabhadda oo ay ka go’an tahay meel marinta heshiiska ay la gashay dowladda Itoobiya mideynta ciidamadana waxaa ku howlan ayuu yiri “guddi isku dhaf ah laguna wado hab wada tashi ah lagana ilaaliyo wax kasta oo meel marinta heshiiskaasi wax u dhimayo”.
Halkan guji oo ka bogo falanqayn BBC-du ku samaysay cidda ay metesho ONLF iyo diidmadeeda hub ka dhigista

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.