“Odayaal Ha Dhexdhexadiyan S.Land & Somalia”Foosiya

0
“Odayaal Ha Dhexdhexadiyan S.Land & Somalia”Foosiya

“Odayaal Ha Dhexdhexadiyan S.Land & Somalia”Foosiya
Ra’isal wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa soo jeedisay in wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ay galaan odayaal ka socda labada dhinac kadibna go’aanka ay hor dhigaan xukuumadaha labada dhinac.

“Waxan la soconaa in mar kale la wado wada hadal Somalia iyo Somaliland lagu wada hadalsiinayo dal kale. Waxaa ka habboon in Odayaal dhaqameed culus labada garab laga keeno oo gogol loo dhigo meel dalka ah oo nabad ah muddo dheer lasiiyo kaddib siyaasiyiinta loo gudbiyo go’aanka,” Sidaas ayay ku tidhi Foosiya qoraal ay ku baahisay boggeeda Twitter-ka.
Madaxweynuhu Ma Waxa Uu Isku Khalday Ankara & Accra?
Intii ay socdeen wada hadallada Somaliland iyo Somalia mar ayaa la sheegay in Turkigu wado dhaqdhaqaaq dhanka odayaasha ah oo wada hadalka laga qayb galinayo laakiin, siyaasiyiinta iyo xukuumadaha ayaa ka hor yimid.
“Farmaajo Muqdisho Madaxweyne Kama Ahanayo”M.Biixi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.