Obama Oo Si Bilaa Xamaasad Ah Loogu Qaabilay Ethiopia iyo Arrimaha Hor Yaala

0

Addis Ababa(Sayruuq)-Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama, ayaa galabnimadii Axadda ka degay garoonka diyaaraddaha ee Addis Ababa, waxaana halkaasi ku qaabilay ra’isal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Desalegn.
Soo dhawaynta Obama ee Itoobiya ayaa lagu macneeyay mid aan loo buunbuunin sidii Kenya, iyadoo jawigu kala duwanaa soo degista Obama ee Madaarka Nairobi iyo kan Addis. Madaxweyne Obama ayaa markii uu diyaaraddiisa ka soo degay Madaarka Nairobi ee uu salaamayay Madaxweyne Uhuru Kenyatta waxaa is qabsaday Sacab iyo xamaasad lagu soo dhawaynayo balse arrintaasi ma dhicin xilliga uu Hailemariam Desalegn salaamayay Obama.
2

Madaxweyne Obama ayaa wada xaajood la galaya dawladda Ethiopia ee ay xulufada dhaw yihiin, inkasta oo Ethiopia ku hoosayso hanaanka dimuqraadiyadda iyo ilaalinta xuquuqda Aadamaha.
Obama ayaa sidoo kale noqonaya madaxweynihii u horeeyay ee Maraykan oo khudbad ka jeediya dhismaha xarunta u ah Midawga Africa. Waxaa xaruntaasi dhisay China oo ay Maraykanka ku xafiil tamaan qaaradda Africa iyo dunida kaleba.

Sidoo kale waxaa la filayaa inuu hogaamiyeyaasha Africa kala hadlo xal u raadinta dagaalka sokeeye ee ka socda dalka dunida ugu da’da yare e South Sudan.

Madaxweyne Obama, ayaa arrimaha hor yaala ee Ethiopia ku saabsan waxaa ka mid ah hoosaynta hanaanka dimuqraadiyadda, waxaanay xukumaddu 100% ku guulaysatay Kuraasta Baarlamaanka ee doorashadii dhawaan dhacday oo muran dhalisay.
Sidoo kale kooxaha xuquuqal Iisaanka ayaa Obama ugu baaqay inuu la kulmo iyagoo Twitter-ka dhigay sawirro muujinaya jidh dil iyo ku xadgudub xuquuqda Aadanaha.
Obama ayaa soo dhammaystay socdaal laba maalmood qaatay oo uu ku soo maray dalka Kenya, waxaanu noqon doonaa socdaalkiisa Addis Ababa kii ugu dambeeyay ee Qaaradda Africa kaga ambabaxo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.