Obama Oo La Taliyay Madaxda Dunida Ee Isticmaasha Facebook,Twitter Iyo Whatsapp

0

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynihii hore ee Maraykanka Mr Barack Obama ayaa Jimcihii sheegay in barkulanka bulshada (Social Media) sida Facebook, Twitter iyo WhatsApp yihiin awooddo si dhakhso ah loogu  xukumo arrimaha adag waxaanu uga digay madaxda dunida in aanay waxyaabo dhib keeni kara ku faafin.

“Waxa aan leeyahay Facebook, Twitter, WhatsApp dhammaan waa fagaareyaal leh awood xad dhaaf ah. Waa fagaareyaal loo adeegsan karo wanaagga, waana fagaareyaal loo adeegsan karo xumaha,” Sidaas ayuu yidhi Mr Obama. Mar la waydiiyay sida uu ula macaamilo 100 milyan oo twitter-kiisa ku taxan iyo kuwo si kale farriimihiisa u hela waxa uu ku jawaabay “Waxay ila tahay waxa muhiim ah in aad maanka ku hayso Awoodda fagaareyaashan(Social Media) leeyihiin iyo xadkooda labadaba.”

Farriinta Madaxweynaha hore ee Maraykanka ayaa imanaysa maalmo kadib markii Madaxweynaha talada uga dambeeyay Barack Obama weerarro afka ah ku qaaday ra’isal wasaaraha Ingiriiska, sidoo kalena baahiyay dad Ingiriis ah oo hadallo nacayb ah faafinaya. Arrimo kale oo uu Twitter-ka ku qoray ayaa sababay muranno xooggan oo loo arkay in ay dagaal abuuri karaan.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.