Nuxurka Kulan casho ahaa oo Habeenkii Xalay Ahaa Dhexmaray Guddoomiyaha Xisbiga WADDDANI Ee UK Xuseen Aadan Cade Iyo Haldoorka Beesha

0

Hargeysa (Sayruuq)-Waxa Habeenkii Xalay ahaa kulan casho casharaf isku arkay haldoorka beel Weynta Arab ,taas oo ka qabsoonta Hotel Dalxiiska Magaalada Hargeysa, waxaana ka soo qayb-galay wax-garadka dhalinyarada aqoonyahanka Beesha Arab Iyo masuuliyiin xilal kala duwan ka soo qabtay xukuumaddii Daahir Riyaale iyo xukuumaddii ka horeeya.

 

Casho sharaftan ayaa waxa ku maamuusay haldoorka beeshiisa Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee dalka UK Mujaahid xuseen Aadan Cade, waxaan ka soo xaadiray ex Wasiir Cabdi haybe iyo mujaahid Otto biixi, Guddoomiyaha Garabka Hawaanka heer qaran ee xisbiga WADDANI iyo weliba Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee xisbiga waddani gobolka maroodi-jeex iyo haldoor kale oo ka soo jeeda beelaha Arab, waxaana laga wada hadlay ayaaha siyaasadeed ee beesha iyo sidii ay beesha  Arab cudud caqli iyo cuud ugu biirin lahayd xisbiga ay rajadeed ka dhex aragkeen ee WADDANI.

 

Isku soo wada duuboo Kulanka ayaa ahaa mid saacado badan qaatay, isla markaan ay debada ka ahayd saxaafadu ayaa la sheegay inuu ku soo idlaaday is afragad iyo jawi farxadeed.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.