Daawo Khudbadda Mudane Daahir Riyaale Ee Caleemo Saarka Madaxweyne Muuse

0

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa dardaaran u jeediyay Madaxweynaha cusub Mudane Muuse Biixi Cabdi. Hadal uu ka jeediyay xafladda xilwareejinta waxa uu kaga xogwaramay sidii Somaliland ula soo dabaalatay doorashooyinka iyo duruufihii adkaa.

Madaxweynihii hore Daahir Riyaale oo la dardaarmaya madaxweyne Muuse Biixi ayaa yidhi:

“Waxaan xogaa dardaaran ah siinaya madaxweynaha la doortay; kow waxa madaxweynaha looga baahan yahay in uu wax kasta oo adeeg waddanka looga baahan yahay ka qabto laakiin, waxa ugu mudan ee Madaxweyne laga rabo waa isku haynta iyo wada jirka umaddan. Taas waxaan kula dardaarmaya madaxweynaha cusub ee la doortay madaxweynihii horena wixii uu qabtay waan ku ammaanaya.

Waxa kale oo aan madaxweyne Muuse Biixi kula dardaarmaya isaga iyo kuxigeenkiisa, gaar ahaan Madaxweynaha waxaan kula dardaarmaya, waa in dadka reer Somaliland kuu wada siman yihiin oo aanay jirin cid gaar ah oo iska soo qaddinta oo dadka kale ayaanu kaaga dhaw nahay tidhaahda waa in aanay meesha iman.

Waxa muuqatay ololihii doorashadiina, Xisbiyo Ayaan u samaysanay in aan kaga baxsano beelnimada iyo qabyaaladda, qabyaaladdu waa waxa ina burburinaya aakhirka ee ay ka dhammaan la yihiin walaalaheena Koonfurta Soomaaliya, xisbinimada in dib loogu soo dabaalo oo xisbinimadu noqoto wax ka sarreeya qabiilka taasna waan kugula dardaarmaya.

Waxa kale oo aan kugula dardaarmaya Madaxweyne in aad la tashato cid kasta oo aqoon leh iyo cid kasta oo waayo arag ah balse go’aanu noqdo mid adiga ka soo baxa. Waa in aanay meesha jirin cid shaadhkaaga gashata oo Muuse Ayaan ka wakiil ahay tidhaahda. Waxaan kuu rajaynaya guul, Madaxweynaha xilka ka degayana nasiib wanaag iyo caafimaad baan u rajaynaya.”

Sayruuqnews

Hargeysa-somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.