Nuxurka Khudbad Garnaqsi Ah Oo Dr Edna Aadan Ka Jeedisay Baarlamaanka Yurub

0

Hargeysa(Sayruuq)- Marwo Edna Aaden Ismaaciil, ayaa bulshada caalamka ugu baaqday inay ku dhiiradaan aqoonsiga qaddiyadda Somaliland,Marwo Edna Aaden Ismaaciil ayaa ka mid ahayd wefti Somaliland ka socday oo kala ahaa wasiirada arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, qorshaynta Sacad Cali Shire  iyo Cabdiqaadir Xaashi Cilmi, kuwaas oo khudbado u jeediyay  guddiga arrimaha dibadda ee Baarlamaanka Yurub. Fadhigaas oo ka dhacay xarunta Brussels ee Belgium, wuxuu qabsoomay 20/1/2015 oo ah maalinta loo asteeyay Dimuqraadiyadda Adduunka.

Marwo Edna Aden Ismaaciil, ayaa khudbadda ay jeedisay oo uu Geeska Afrika helay nuqul ka mid ah, waxa ay kaga warantay marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay tan iyo sannadkii lixdankii, iyadoo xustay in Somaliland ahayd dalkii u horeeyay ee Somali xoriyada qaata, sidoo kalena kaalinta 12aad kaga jira liiska wadamadii xorriyada qaatay lixdankii ee qaaradda Afrika.

Hase yeeshe waxa ay Somaliland la midowday Somaliya, balse dhibaato ay shacabka Somaliland la kulmeen ka dib waxay dib ula soo noqdeen xorriyadoodii sida wadamo badan oo caalamka ka tirsan. “Waxaynu dhammaanteen xasuusanahay Midowgii Senegal iyo Gaambiya ee jiray lix bilood oo keliya, kii Masar iyo Suuriya oo saddex sannadood jiray. Sida aanu samaynay wadamadani waxa ay galeen Midow mutadawacnimo ah. Laakiin markii ay midowgoodii ku fashilmay inuu qanciyo himilooyinkii shacabkooda way kala baxeen iyadoo aanay bulshada caalamku ciqaabin. Taas cakiskeed Somaliland waxa loo ciqaabayaa muddo dheer sidaas (sida ay wadamadaasi sameeyeen).”

Edna Aden waxay sheegtay inay Somaliland ka baxday midowgaas ka dib markii ay dhibaato la kulantay,  waxay tidhi “Waanu ka baxnay midowgii, markii ay diyaaradihii dawladu si toos ah u duqeeyeen magaalooyinkayagii waaweynaa. Waxaanu ka baxnay markii ay kaarayaashii iyo hubkii cus-cuslaa si xishood la’aan ah loogu garaacay guryihii dadka. Waxaanu ka baxnay  markii la baabiiyay iskuuladayadii, cisbitaaladii, masaajidadii iyo 90% magaalooyinkayagii. 10 sannadood oo uu socday xasuuq iyo laynta shacabku, dunidu waxba may samayn ay ku joojinayso laynta shacabkayaga. Dimuqraadiyadu xaggay jirtay markii kumanaan dumar iyo carruur ah la xasuuqay, markii in ka badan milyan badhkii ay barakeceen.”

Waxa ay Marwo Edna Aaden khudbadeeda  kaga hadashay dib u heshiisiintii beelaha Somaliland iyo sidii ay Somaliland u samaysay hub ka dhigis iyadoon wax caawimo ah ka helin beesha caalamka. Iyadoo soo xigatay aftidii distoorka Somaliland ee 2001 oo ay shacabku 97% ugu codeeyeen madaxbanaanida Somaliland. “Bishii December ee 2002, waxaanu qabanay doorashooyinkii u horeeyay ee goleyaasha deegaanada. Bishii April 2003 waxaanu qabanay doorashadii u horaysay ee madaxtooyo.” Ayay tidhi Edna Aden oo cadaysay in doorashooyinkaasi ku qabsoomeen xor iyo nabadgelyo.

Marwo Edna, waxay tidhi  24 sano kadib, Somaliland waa dal rajo iyo hal-adayg. Miinadii dhulka waa laga saaray, in ka badan hal milyan oo qaxoonti ah ayaa laga soo celiyey xeryo qaxoonti iyo qurbaha oo dalka dib loo keenay.  Kumannaan guryo ah ayaa dib-u-dhis lagu sameeyey inta badan ee kaabayaashii dhaqaalahana dib ayaa loo dayactiray.

Maanta waxa aanu leenahay dhaqaale si isa-soo-taraysa u soo jiidanaya maalgashadayaasha shisheeyaha ee xiisaynaya in ay ka shaqeeyaan Somaliland. Intaas waxaa dheer in Somaliland ay imika abuurayso bulsho ku dhisan nabad, caddaalad iyo in sharcigu taliyo.

Uma soconno goosasho, iyo dib u-eegis lagu sameeyo xuduudaha Afrika midna, waxa aannaan mar kale caddaynaynaa wacadkayagii ahaa dhowrista nabadda iyo xasiloonida gobolka, oo ay ku jirto in aanu tixgelin aan gabbasho lahayn u heyno midnimada iyo is-raacsanaanta dhuleed ee qaramada Afrika. Somaliland waxa ay ka mid ahayd dalalkii Afrika ugu horreeyey ee ka xoroobay gumaysiga, doonista aanu aqoonsiga ku raadinaynaana waxa ay caddaynaysaa tixgelinta buuxda ee aanu u hayno xuduudkii jiray markii madaxbannaanida aanu ka qaadannay Ingiriiska.”

Iyadoo ka hadlaysa xidhiidhka Somaliland iyo wadamada Jaarka waxay tidhi  “Xidhiidhka fiican ee aanu la leenahay dalalka deriska nala ah ayaa sees u ah siyaasaddayada dibadda, oo hiigsigeedu yahay, Geeska Afrika oo xasiloon, dimuqraaddi ah oo barwaaqoobay.”

Waxay hadalkeeda raacisay  “Markii hore, horumarintayadu waxa ay ku jihaysnayd dib u dhiska guryaha gaarka loo leeyahay, meheradaha ganacsiga, dugsiyada, cisbitaallada, dekedaha, gegooyinka diyaaradaha iyo hantida kale ee dadweynaha.

Nidaamkayaga ah dhaqaale ku dhisan suuq xor ahi, waxa uu u muuqdaa in uu si buuxda u waafaqsan yahay dabeecadda baayac-mushtar ee dadkayaga, waxaana laga arkay horumarka dhaqaale ee mucjisada ah ee jira oo aanu ku kasbannay in lanagu tilmaamo, “Mucjiso Afrikaana oo dhif ah”

Maanta,  waxa aanu markii ugu horreysay taariikhdayada haysannaa sariirihii cisbitaal ee ugu badnaa, jaamacado badan, iyo da’yartii ugu tiro badnayd ee dugsiyada ku biirta. Waxa aanu leenahay isgaadhsiin aad u casriya, iyo nidaam lacag-isu-dirid Elegtarooni casriya ah oo aan ka jirin Afrika inteeda badan.

Somaliland waxa ay leedahay macdan dabiici ah, oo aan weli la maalgashan, waxa aanu leeanahay shidaal, Gaas, dhuxul-dhagax iyo keydka ugu badan dunida ee macdanta Jibsamka (gypsum), waxaa noo dheer, xeeb dhererkeedu yahay 850 kiloomitir oo hodan ku ah khayraad macdaneed oo diyaar u ah in la soo saaro.

Dekeddda gunteedu fog tahay ee Berbera ayaa ah marin biyoodka ugu muhiimsan ee uu adeegsan karo dalka aan badda lahayn ee Itoobiya oo dadkiisu ay ka badna yihiin 70 Milyan oo ruux. Sidoo kale gegida diyaaradaha ee Berbera ayaa leh dhabbaha diyaaradeed ee ugu dheer Afrika, Maraykanka ayaa u dhisay in ay noqoto mid ka mid ah lixda garooon ee haba gegida diyaaradaha ee Columbia.”

Edna Aden oo khudbadeeda ay aad ugu sacabo tumeen xildhibaanadii Midowga Yurub ee madasha fadhiyay waxay ku soo gunaanaday  “Waxaa wax la qoomameeyo ah, inkasta oo ay Somaliland tahay dal loo tixgelin karo in uu yahay guul Afrikaan oo nooceedu dhif yahay, in ururkii hore ee midnimada Afrika, iyo ururka hadda ee midowga Afrika, ay waqti badan iyo dadaal ku lumiyeen guuldarrooyinka Afrika, xasaradaha iyo colaadaha, halkii ay ka ahayd in ay tixgelin iyo qiraal siiyaan guulaha ay Afrika gaadho ee la midka ah, tusaalaha widh-widhaya ee aanu maanta Somaliland ku hayno.

Waxaa murugo leh, in wiiqitaanka iyo hoos u dhigga qiimaha guulaha Somaliland ay sidoo kale qiimo tirayso dimuqraaddiyadda, isla markaana waxaa murugo leh in ay dhantaalayso horumarka, nabadda, xasiloonida iyo dowladwanaagga Afrika.

Madaxbannaanida iyo Qarannimada Somaliland waa xaqiiqa aan ogolayn in saacadda dib loo celiyo. Waxaa hadhayna waa in bulshada caalamku ay fahamto xaqiiqadaas oo ay gaadhaan go’aanka keliya ee suurtogalka ah ee jira oo ah: In Somaliland loo aqoonsado xubin xuquuq buuxda leh oo ka tirsan qaramada dunida. In ay taas yeeli waayaanna waxa ay ceeb ku tahay, xuquuqda aadamaha iyo dimuqraaddiyadda lafteeda. Waxa ay burburin doontaa, xasiloonida sida adag lagu helay ee ay maanta Somaliland haysato, waxaana ka dhalan doona baro-kac ballaadhan oo mar kale ka dhaca Geeska Afrika, kaas oo dadkayaga mar labaad u kala firdhin doona afarta jiho ee dunida.

Dadka Somaliland waxa ay doonayaan waa ay caddeeyeen, su’aashuna hadda waxa ay tahay, bulshada caalamku ma tixgelin doontaa doonista dadka Somaliland.”

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.