Nuclear-kii Iiraan Oo Heshiis Laga Gaadhay+ Dareenka Israel iyo Waddamada Carbeed

0

Hargeysa(Sayruuq)- Wada xaajoodkii u socday wadama isku magacaabay quwadaha dunida iyo Iiraan ayaa laga gaadhay Heshiis rasmi ah kadib markii wada hadalo la isku mari la’aa bilo badan.

 

Bilowgii kulankii ugu dambeeyay ee wasiirada arrimaha dibadda Iran iyo 6-da dal ee quwadaha adduunka ee Vienna, ayey madaxa siyaasadda Midowga Yurub, Federica Mogherini, sheegtay in heshiiska lagu arkay in diblomaasiyadda ay wax ka qaban karto xiisado tobanaan sano taagnaa.

 

Faahfaahinta qodobada lagu heshiiyay ayaa shir jara’id lagaga dhawaaqi doonaa kulanka kaddib.

Wariyaha diblomaasiyada BBC-da ayaa sheegaya, inay u muuqato in Iran ay ogolaatay in baarayaasha Qaramada Midoobay ay xaqiijiyaan, meelmarinta hakinta howlaha Nukleerka Iran.

Heshiiska ayaa la filayaa inuu dajiyo jadwal cunoqabateynta caalamiga looga qaadayo Iran.

 

Ra’isal wasaaraha Israel ayaa heshiiskan ku tilmaamay khalad taariikhi ah oo ay sameeyeen dhinacyada heshiiska wada gaadhay.waxa uu ka soo horjeedaa in dalka Iiraan fursad loo siiyo samaysashada hubka Nuclear-ka.

Wadamada carabta gaar ahaana Sucuudiga ayaan sidoo kale la dhacsanayn in Iiraan laga khafiifiyo cuno qabataynta dhaqaale iyo tayaynta Nuclear-ka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.