Nolol La Xusuusto Saciid Maxamed Gees – Qeybtii 4aad Nolol La Xusuusto Saciid Maxamed Gees – Qeybtii 4aad

0

Hargeysa(Sayruuq)Dabayshaas is-beddel-doonka aheyd ayaa soo gaadhay xeebaha Soomaaliyeed. Waxa Berbera ka furnaa Urur la odhan jiray SNS (Somali National Society) oo ahaa Ururka Waddaniga ee Soomaaliyeed. Aniga [Saciid Maxamed Gees] Xuseen Cumar-ku-joog iyo Cabdi Axmed Rooble ayaa tagnay xafiiskii ururka si aanu isu qorno. Ayaan-darro, aniga beel ahaan ayaa la igu diiday, kadibna saaxiibaday ayaa ka xanaaqay, sidaa darteed waannu iskaga tagnay.

Mar dambe ayaan ka war helay urur kale oo la odhan jiray SYC (Somali Youth Club) oo magaalada ka furan, kii ayaan is-qoray November 1946. Ururkii ayaan karaani u noqday dhinaca Af-carbeedka oo aan aad ugu wanaagsanaa.

Sannadkii 1947 ayaa ururkii loo beddelay xisbi siyaasadeed oo la baxay SYL (Somali Youth League), ururkii SNS ayaa isna loo bixiyey SNL (Somali National League). Waxa la sheegay in ay Yurub ku kulmeen Cabdullaahi Ciise Maxamuud oo ahaa Xoghayihii SYC iyo Maxamuud Jaamac Uur-doox oo isna ahaa Xoghayihii SNS, kadibna waxay ku heshiiyeen labada magac ee isu eg oo ahaa SYL iyo SNL, iyo is-kaashi siyaasadeed oo Soomaaliyeed.

Xisbigii SNL oo loo soo raray xaruntiisii Hargeysa oo hadda noqotay magaalo-madaxda Somaliland, ayaa si laxaad leh u hanaqaaday, gaar ahaan markii la sheegay in Soomaaliya (Koonfur) loo ballanqaaday gobanimo, iyada oo ka mid ahayd dalalkii uu guumaysan jiray dalkii Talyaanigu ee laga adkaaday dagaalkii labaad ee Adduunka.

Calanka SNL ayaa meel kasta laga taagay ilaa tuulooyinka. Billaddii ahayd astaanta SNL ayaa la wada qaatay. Waxa dhexgalay hab qabiil oo maamulkii isticmaarku u soo maray kala furfuridda xisbiga. Naadiyo beeleed ayaa la furtay.

Beesha Waqooyi iyo Galbeedka Hargeysa degta ayaa Jimciyad ka furatay Maqaaxidii Heegada agteeda. Beesha Beriga iyo Koonfur/Bari ee Hargeysa degtaa iyana waxay Jimciyad ka furteen xaafadda Sekata Liire, dadkii aan labada reer ahayn cidla ayaa lagaga dhaqaaqay. Halkaas waxa ku shiiqay oo ku bes beelay Xisbigii Waddaniga ahaa ee loo hanweynaa, sidii isticmaarka Ingiriisku doonayey ayey u dhacday arrintii.

Tartan dhoola-tus ah oo heer beeleed ah ayaa Hargeysa ka dhashay, waana la kala baxay oo la coloobay, ilaa nabaddii faraha ka baxday. Arrintii waxay gaadhay in gacanta la isula tago. Dagaal culus ayaa Hargeysa ka dhacay oo dhimasho iyo dhaawac badan geystay.

Dagaalkaas oo socday bishii 16-kii, 17-kii iyo 18-kii bishii Oktoobar ee sannadkii 1948. Waxa Maamulkii Ingiriisku ee Maxmiyadda Somaliland dalbaday ciidamo dheeraad ah, kuwaas oo laga keenay Cadan, una badnaa qadaad weyn ama siinga-siinge (Sikh) ee reer Hindiya.

Dadku hub ma haysan oo hore ayaa maamulka Maxmiyaddu uga mamnuucay in hub la qaato, cid aan dawladda ahayn, sidaa darteed waxa dagaalka la isu adeegsaday biro, budad, baangado iyo faashash. Shaqaalahayagii cusbitaalka ayaa la faray inay ku sugnaadaan cusbitaalka.

Tirada faraha badan oo dhimasho iyo dhaawac leh oo la keenayo cusbitaalka awgeed. Inkasta oo dagaalkii qaboobay marka la keenay ciidankan badan, haddana waa la is ugaadhsanayey. Nin reer magaalka ka mid ahaa ayaa bixiyey hadal-hays, markii la weydiiyey meesha uu ku maqnaa dharaarahii dagaalka ee la colloobay oo yidhi; ‘Saw tii laba bahal oo kala jaad ah aynu noqonay.’

Markii Dhulkii la odhan jiray “Hawd iyo Reserve Area” ay dawladda Ingiriisku u gacan gelisay Xabashida (1954) oo heshiiskii hore ay ula gashay kaga dhabaysay, ayaa dadkii hambaabiray oo qulquladdii dagaalada beelaysan laga toosay.

Wadatashi iyo is-abaabul ayaa bilaabmay oo untuntii hore ayaa la illoobay. Shirweyne dadweyne oo laga soo wada qaybgalay oo loo dhan yahay ayaa la qabtay. Waxa la sameeyey Jabhad Qaran oo Soomaaliyeed (National United Front) oo loo soo gaabiyey NAFTA. Lacag ayaa la iska ururiyey, waxanna la diray wafti ka kooban laba suldaan iyo laba aqoonyahan oo kala ahaa;

1. Suldaan Biixi,

2. Suldaan Dhicis

3. Garyaqaan Maykal Maryamo iyo

Cabdiraxman Cali (Dubbe Cali Yare).

Laba safar ayey ku tageen London, way u suurtageli wayday inay NewYork iyo madasha Jimciyadda Quruumaha ay gaadhaan. Jabhaddii ayaa mar danbe Xisbi Siyaasi ah isu beddeshay, taasoo aan la isla ogayn, lagana xanaaqay, kadibna xisbigii hore ee shiiqay (SNL) ayaa soo laba kacleeyay, markii hoggaankiisii wax laga beddelay.

Koox yar oo gaar u sheekaysan jirnay, ayaanu ku tashanay in aanu urur samaysano oo uu qarsoodi ahaado ilaa inta uu hirgelayo. Waxa aanu u samaynay ururka dastuur, waxa aanu shiri jirnay galbaha Axadaha, marka dadku hurdaan ama qayilayaan. Waxa aanu ku shiri jirnay qol ka mid ah Huteelka (ORIENTAL) oo mulkiiluhu oo naga mid ahaa.

Ujeeddada ururku waxa uu ahaa sidii dadweynaha looga dhaadhicin lahaa qaranimo oo looga reebi lahaa habkan beelaysiga ah ee ay isku dilayaan. Waxa la isla falanqayn jiray sida dadka wax loo gelinayo oo looga dhaadhicin karo.

Ururka waxa aanu ku asaasnay toban qof oo kala ahaa; 1-Maykal Maryano 2-Ibraahim Xaaji Xasan (Prof) 3-Muxumad Cabdi (Mulkiilihii Oriental Hotel) 4-Cabdullaahi Oomaar 5-Maxamed Buraaleh Ismaaciil, 6-Maxamed Axmed Cabdulle (Sakhraan), 7-Saciid Maxmed Gees, 8-Maxamed Xaashi Cabdi, 9- Maxamed Cabdi Siciid, 10- Cali Sheekh Maxamed (Cali Jirde).

Waxa qof waliba gooni ahaantii ugu qoray arji Maamulkii Maxmiyadda Somaliland in xeerka beeshu aanu qaban oo qofku muwaadin iskii u jira uu yahay. Sirdoonkii ayaa ka war helay in aanu isku xidhan nahay, isaga hore dhibaato uga timmi ururkii qarsoodiga ahaa ee Mawmawga ee dalka Kenya, markaa isaga oo ka digtoon arrintaas ayuu olole nagu qaaday kooxdayadii oo intii shaqaalaha dawladda ahayd ka beddelay Hargeysa. Qaar naga mid ahaa dalka dibaddiisa ayaa loo diray, aniga waxa la ii diray Nairobi, Cali Jirde waxa loo diray Yugaandha (Uganda ). Sidaas ayaa loo burburiyey ururki

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.