Ninkii u heelan Hablaha Asturan Hankiisu ha dhaafo @Still_I’m_Single.

0

Saaka ayay ahayd markii niman dhalin yaro ahi sameeyeen arin ku cusub dhaqanka somalida, horayso iyo danbayso taarikh da kuma hayno wiilal heerin ah, saaka se way dhacday.

Hadaba arinkaa hadii aan dhawr qodob ka idhaahdo waa midda koobaade inaad ninka dhalin yar ahi doob ahaado iyo inuu ka baxo xayndaab kaa doobnimo isaga ayay ku xidhan tahay loomana tiirin karo guur qaaliyoba iyo wax kale toona.
Midda labaad marka hore in hablaha been aad ku maaweeliso xaqiiqdana aad ka meeraysayto waxay keensanaysaa hadhaw runtu run tagto, shakhsiyadaada dhabta ahina soo baxdo.
Midda sadexaad waxay ka dag dageen oo aad moodaa inay ka quusteen kartidoodi iyo awoodoodii, hadii ay kartidooda aamin sanaan lahaayen masuuliyad ilaahay saaray kamay cawdeen.
Midda afraad waxay quus kasoo istaagen deeqda ilaahay, imisa iyo imisa ayaynu aragnay isaga oo fara madhan oo guursaday kuna liibaanay. Midda shanaad arin kani waxa uu meel ka dhac iyo sharaf darro ku yahay nimanka soo istaagay stage ka ee yidhi doob baan ahay.

Mahamed Farah Dahir

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.