“Ninka Ka Been Abuuray Taariikhda Dahabiga Ah Ee Madaxweyne Siillaanyo, Waa Qof Sacabkiisa Cadceeda Ku Qari Is Yidhi.” Cabdirisaaq Ciyaale

0

Maqaalkan waxa igu kalifay markii aan arkay Maqaal ku soo baxay Wargeyska Ogaal oo uu qoray nin la yidhaahdo Ibraahim Hawd, Qoraagani wuxuu si badheedh ah uga been sheegay taariikhda Dahabiga ah Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siillaanyo.
Hawdoow, Adiga oo aan ka wada jaahil ahayn, ayaad u badheedhay xiqdiga, Buqdiga iyo Been Abuurka aanad u miidaan dayin, hadaba si aanad u khaldin da’yarta waxaan si kooban halkan ugu xusayaa taariikhda dahabiga ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siillaanyo.

image
​Madaxweynuhu waxa uu ka mid ahaa dafcaddii u horeysay ee waxbarashada Dugsiga sare kaga baxay Somaliland, markii ugu horeysay Dugsiga sare ee Camuud 1957.
​Waxa uu ka mid noqday ardaydii ugu sareysay ee fursada Waxbarasho ku tegay Cariga Ingiriiska, kuna dhamaystay waxbarashada Jaamacadeed, kana qaatay Shahaadada Master-ka ee Jaamacadda Manchester.
​v Wadaniyadiisu waxay fartay in uu aqoonstiisa uga faa’iideeyo dadkiisa, waxaanu ku soo noqday dalka, waxaanu ka mid ahaa Saraakiishii sare ee Dawladda Dimuqraadiga ahayd ee la odhan jiray Somali Republic.
​Waxa uu ka mid ahaa Aqoonyahanaddii Wasiirrada ka noqday markii Askartu Inqilaab ku qabsatay taladdii dalka, isaga oo ka mid ahaa Wasiirradii ugu magaca weynaa dalkana ku soo kordhiyey mashaariic, Qorsheyaal horumar lagu gaadhay.
​Waxa uu ahaa Shakhsiyad hal adag oo aan marnaba madiidin u noqon Siyaad Barre.
​Mashaariicda uu hir geliyey ee ay Siyaad Barre iskaga hor yimaadeen, waxa ka mid ahaa Wershada Sibidhka ee Berbera, waana dhacdo taariikhi ah.
​Madaxweyne Siillaanyo markii Siyaad Barre la soo baxay Shakhsiyadiisii dhabta ahayd, laguna qancay in aan qori mooyaane si kale lagu beddeli Karin ayuu ka dhaqaaqay, isaga oo dugsan kari waayey siyaasadda majaraheedii leexday, madaama aanu dhaqan u lahayn Eex, Qaraabo kiil iyo hanti urursi toona
​Madaxweynuhu waxa uu ku biiray Ururkii xaq u dirirka ahaa ee SNM, isla markiiba waxa loo doortay Guddoomiyaha Ururka 1984, taasi oo ay sababtay shakhsiyaddiisa shariifka ahayd iyo waayo-aragnimaddii Siyaasadeed ee uu lahaa, waxaanu noqday hogaamiyihii SNM ee ugu muddada dheeraa.
​Waxa uu ahaa rug cadaagii suurto geliyey inuu xal u helo marxaladdii ugu adkayd ee SNM la soo derista, markii Mingiste iyo Siyaad Barre gaadheen heshiiskii SNM Xuduudda Itoobiya lagaga saarayey, waxa uu qaatay go’aan geesinimo leh oo uu ku saxeexay dagaalkii guddo galka ee SNM dalka ku soo gashay May 1988, isla markaana si dublamaasiyadda ah uga baxay dalka Itoobiya, si ay u suurto gasho in hogaankii Siyaasadeed ka hawl galo Dibedda
​Madaxweynuhu waxa uu ahaa hogaamiyaha keliya ee Jabhad inta badan dhulkeedii oo xor ah ku sugan kuna qabsanaysa Shirweynaheedii guushiina soo dhowdahay go’aansaday inuu ka tanaasulo inuu Shirweynaha isu soo sharaxo, waxaana dhacdadii ka dhacday Degmada Balligubadle oo ahayd xarunta SNM, laguna doortay Cabdiraxmaan Axmed Cali May 1990. Muddo ku siman sideed bilood, taasna cadaynaysa in iyada oo guushu dhowdahay wuu wareejiyey xilkii Guddoomiyenimada SNM, waxaana marag ma doon ahayd in haddii uu tartami lahaa cidna ka hesheen.
​Waxa uu ka mid ahaa golihii dhexe ee SNM ee Burco ku ansixiyey Go’aankii ay Ergooyinka Beelaha Somaliland ku gaadheen Burco ee ay ku dhawaaqeen gooni-isutaaga Somaliland Goluhuna ansixiyey 1991, 18 May Magaalada Burco.
​Madaxweyne Siilaanyo, waxa uu ahaa murashaxii aqbalay doorashadii Madaxtooyadda 2003, ee lagaga helay 80 cod oo muran ku jiro, isaga oo u tudhay una tanaasuley nabad gelyada iyo xasiloonida dalka
​Siillaanyo, waxa uu ahaa Madaxweynihii isaga oo ku guuleystay doorashadii madaxtooyada 2010-kii ku wareejiyey bil gudaheed xilka Guddoomiyenimada Xisbiga Kulmiye, isaga oo fulinaya Xeerka Xisbiga Kulmiye.
​Madaxweynuhu waxa uu ahaa hogaamiyaha keliya ee soo maray Somaliland ee si badheedh iyo hal adagyga ah ku diiday David Cameron (Raysal Wasaaraha Ingiriiska), markii uu ka dalbaday inuu ka qayb qaato Shirkii qaadhaanka loogu ururinayey Dawladda Somalia, isla markaana si wada jir ah u hogaaminayeen Raysal Wasaaraha Ingiriiska iyo Madaxweynaha Somalia, taas oo dhaawac gaadhsiinaysay madax banaanida Somaliland, taas oo cadeysay in ay dhiigiisa ku talaalan tahay Qadiyada madax banaanida Somaliland.
​Madaxweyne Siillaanyo isaga oo noqday Madaxweynihii ugu waxqabadka badnaa ee Somaliland soo maray ayuu haddana ku dhiiraday inuu ka tanaasulo inuu isku soo sharaxo Jagada madaxweyne-nimo, iyada xilligiisii labaad ee uu xaqa u lahaa u hadhsan yahay, ayuu hogaansaday inuu fursada siiyo Siyaasiyiintii uu u tababaray in ay halkaas ka sii wadaan Siyaasaddii iyo aragtidii uu jeexay, waxaana dhacdo mar labaad taariikhda ku suntay.
Gunaanad, Aniga oo ku hadlaya Magacayga shakhsiga ah oo aan ku metelin Guddida Diiwaan gelinta Ururrada iyo ansixinta Axsaabta Qaranka haddii ay tahay xilka Guddoomiye-nimo iyo ta xubinimo-ba, waxaan kula dardaarmayaa shacabka in aan lagu marin habaabin taariikh laga been abuurayo oo lagu baabiinaayo taariikh ay leeyihiin oo ay uga tegayaan Halyeyadoodii oo uu ka mid yahay Madaxweyne Axmed Siillaanyo. Taariikhdaasi oo la miisaan ah tii uu uga tegay Mandel Koonfur Afrika iyo Qaarada Afrikaba.
Waxaan u soo jeedinayaa Ninka la yidhaahdo Ibraahim Hawd inuu ku qanco taariikhdan xaqiiqda ah, haddii ay mugdi kaga jirtay, haddii uu badheedhayeyna If iyo aakhiradiisa ha u tudho, waxaanan ku geba gebaynayaa guushaada waa lala jiraa ee gaar ha ka ahaanin Hawdoow.
Madaxweynuhu marka uu arko maqaalada noocaas oo kale ah ee Been abuurka ah waxa suurto gal ah inuu xusuusto Maansaddii ay ka mid ahayd:
Waxba ayaanu Xeerkay I marin Xoolo-na I siine.
Xaash’ee nin libin kaa xistiyey xumihii waa yaab
Ee uu lahaa Salaan Carabey
Qalinkii: Cabdirisaaq Ciyaale

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.