Nin Waraabe Xalay Ku Cunay Xaafad Ka Tirsan Magaalada Hargeysa Oo Maydkiisa La Helay

0

Hargeysa (Foore)- Nin mayd ah oo laga cunay wejiga iyo qaybaha sare ee jidhka ayaa saaka lagu arkay agagaarka Buurta Xaarisa ee xaafadda Sheedaha ee waqooyiga magaalada Hargeysa.

Ninkan maydka ah ayaa waxaa cunay Waraabe soo weerary habeennimadii xalay, sida ka muuqata qaybaha sare ee jidhkiias gaar ahaan wejiga oo uu haraga kala baxay.

Taliyaha Booliska Degmada Ibraahim Koodbuur ayaa noo xaqiijiyey in marxuumkan uu Waraabe cunay, waxaanu noo soo bandhigay Aqoonsigii uu watay oo magaca ku qorani ahaa Muxiyadiin Cali Daahir.

Maydka ayaa ilaa saaka yaallay goobtii waraabuhu ku cunay, waxaana aad ugu xoonsanaa dadweyne fara badan iyo ciidan ka tirsan Booliska. Ilaa haatanna ma jirto cid haybta marxuumkaasi aqoonsatay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.