Nin Waalana Live-kiisu Wax ka Soqaad Ma Laha.

0

Abdirahman Dabcasar Anigu waxan u aqaana Nin Suufi ah oo aanay Maskaxdiisu dhamayn, Hadii uu yahay Nin fayow wax badan oo Naftiisa khatar galinaya wuu ka fogaan lahaa, Tusaale ahaan isago Hargeisa jooga SNM Isaaq & Somaliland midna ma caayeen waxna kama sheegeen ee hadii uu Rabo inuu Somaliland & Dadkeeda wax ka sheego wuxu la sugi lahaa wakhtiga uu ka dhoofo Hargeisa balse Maskaxda Dabcasar inaanay fayoobayn waad arkaysan Nin Waalana Live-kiisu wax ka so qaad ma Laha.

Dabcasar waxaynu Hore Live-kiisa ugu aragnay isaga oo caayaa Qof Qoys & Qaranba waxaynu aragnay isaga oo Caayaya Hawiye Daarood & Isaaqba sidoo kale waxaynu aragnay isaga oo caayaa Mareexaan oo ah Qabiilka uu Isagu ka dhashay.

Dadka Somalidu waa Dad walaalo ah oo is dhex yaala waa Dad Xidid & Xigtaba ah waa Dad Ganacsigoodu isku dhex jiro sidoo kalena waa Dad aarsi xun yaqaana Oo qof aan dhib gaysan ugu aara qof wax loo gaystay oo Reerkooda ah. waxan u so jeedin lahaa Police Somaliland & Laamaha amaanka inay Dabcasar uso celiyaan Xoriyadiisii iyaga oo ilaalinaya Muwaadiniinta Reer Somaliland ee kala jooga Somaliya qaybaheeda kala duwan waayo waxa jira Dad maangaab ah oo caqligoodu la mid yahay dhibka saacada taagan.

2008 Anoo Puntland degan kana shaqeeya Ayaa la igu xidhay Oo Qolooyin aan la shaqaynayay Family-na aanu ahayn ay ii sameeyeen warar been abuur ah. markii la i xidhayay ayaan woxoga is waalay oon idhi maxa la igu xidhaya waxa la igu xidhaayo Cadaynteeda ha la i hor keeno Nin ka mid ah Nimankii Askarta ahaa oo Adam la odhan jiray Taliyena ka ahaan jiray Saldhigii Dhakhtarka wayn u dhawaa ayaa madaxa iga saaray Bastolad waxanu igu yidhi naa meesha ma Hargeisaad mooday waar hebelow Madaxa ma kaga dhuftaa xabad walaahi waa Dameer bakhtiyay oo inaan cidi is waydiinaynine! ninkii wuxu yidhi maya ha ku dhufan Naxdin Wer-wer & Cabsi xoogan ayaan dareemay waxana la igu qaaday Laba gaadhi Oo Askar ah
intii la isii waday Saldhiga police-ka ayaan is idhi Naimay maanta kolayba waad dhimatay ee bal afkaaga uun ku sii ciil bax ilayn awood kale ma lihide kadib waxan idhi waaryaadhaheen waar Nimankiinan Majeerteen yibraad tihiin 20 kiinan nin ee Qoryaha sitaa ma naagtaydaa yar ayaad u xayd-xaydanaysaan maydaan dhaqan islaam & Somalinimo midna lahayn. Nimankii mid ka mid ah ayaa iigu jawaabay Idoor ma idinka hadla Madaxwaynayaashiina ayaa Hablahayagii yar yaraa kufsaday oo hadana xidhaye kuwii kalena way ugu markhaati fureen. waxan ku idhi hablahiina la kufsaday waayo waxay yidhaaheen waa Samsam!

Intii Saldhiga Police ka la igu waday ayaa la wacay Maamo Amina Farey oo ahayd Islaan aanu isku baranay Galkacayo balse noqotay Hooyaday labaad waxa loo sheegay in Police ii yimi ina qaadeen Maamo Amina Farey waxay ku dhex dhacday Reerkeedii waxaana ka mid ahaa Hadaladeeda Gabadh yar oo Isaaq ah ayaa la rabaa in Galkacayo lagu cunsuriyadeeyo ka kaca oo Maanta waxad ii qaban lahaydeen Gabadhan ha loo qabto waxa so raacay Odaygeeda Abdirahman Ali Taar & Dumaashigeed Xiif Ali Taar AHN oo ahaan jiray Taliyaha Ciidamada Puntland & Badhasaabkii Magaalada Galkacayo oon filayo magaciisa in Dhuubane la odhan jiray & Ciidan ay wataan waxay iiga daba yimaadeen Saldhigii Police-ka oon saacado yar ku jiray Awood & Xoog ayaanay iigala so baxeen. markii ay iso daayeen waxay igu yidhaaheen Ma doonaysa inaad Puntland sii joogto maya ayaan ku idhi ee iga caawiya sidaanu Hargeisa ku tagi lahayn Aniga & caruurtaydu waayahay ayay dhaheen ilaa Burco nala so gaadhsiinayayna iyaga ayaa naga masuul ahaa Oo dusha nagala socday kuwa i xidhay een lahaa gun baad tihiin Majeerteen ayay aheeyeen kuwa ii dagaalamay ee naftooda ii huray ee ilaa Burco na keenay aniga & caruurtaydana Majeerteen ayay ahaayeen.

Markii aan Hargeisa imid wixii iigu waynaa ee aan baadhaa wuxu noqday gabadha Madaxwaynahu kufsaday ee hadana la xidhay ee Majeerteen ee Godobteedii dusha la ii saaray? in kasta oo sheekada la buun-buuniyay hadana waxaan Ogaaday inay gabadhasi jirtay magaceedana Samsam la odhan jiray Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Dawladii UDUB Ahmed Yusuf Yasen Askartiisiina lagu eedeeyay inay dhibaateeyeen ugu danbayntiina gabadhii ay qaaday Haayad xuquuqda Aadanaha u dooda.

2016 goor fiid ah anoo sumertime ka so baxaaya ayaan si kadisa ugu arkay ragii i xidhay mid ka mid ah kadib intaan u yeedhay ayaan ku idhi ma i garanaysaa Haa ayuu yidhi waxan ku idhi Halkan aad joogtid saw ma ogid inay Hargeisa tahay oo hadaan ku dilo Dameer bakhtiyay aad ka tahay! Ninkii wuu naxay waxanu yidhi khalad wayn oo in badan calooshayda gubay ayaan kaa galay calaal badan kadib wuxu iiga waramay xaaladiisa waxanu ii sheegay inay Rag isku so dileen Galkacayo Oo aano “aarsi” in loo dilo uu ka baqday oo 2013 uu iskaga so cararay Gabadh Ciidagale ahna uu halkan ku guursaday laba caruur ahna ay ugu dhashay Taxi-na uu Darawal ka yahay. Ninkii dhawr bilood ka dib ayuu iso wacay waxanu ii sheegay inuu gaadhigii shil la galay laguna haysto lacagtii oo la yidhi samee labadii Gaadhiba wax lacag ahna aanu hayn Tolkiina aanay Hargeisa joogin inaan wax tarana uu iga codsanaayo, wixii aan tari karaayay ayaan siiyay anoo aaminsan Qofka sun ku siiya Subag sii.

Gabagabadii waxan so jeedin lahaa Ninka Dabcasar xadhigiisu yaanu galaafan Dad aan waxba galabsan..

WQ/Naciima Cabdi Galaxii

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.