Nin aan la Aqoonsan oo Laascaanood Badhtankeeda ku Toogatay Dirawal Booliiska Somaliland u sheegay laba nin oo Puntland ku soo dilay sheikh Caan ahaa.

0

Sababta ninka loo dilay waxa lala xidhiidhinayaa labadii nin ee Somaliland u dhiibtay Puntland ee Garowe lagu toogtay
Xukuumadda Somaliland iyo warbaahinta oo cabsi darteed u sheegi weyday iyo madaxda Somaliland ee Laascaanood oo cabsi soo food saartay
Laascaanood (Sayruuq) nin aan la aqoonsan illaa hada ayaa habeen hore badhtamaha magaaladda Laascaanood goor salaadii maqrib kadib ah ku toogtay nin dirawal ahaa oo watay Bas NOHA ah, kaasoo hore ciidamadda Booliiska Laascaanood ugu gacan galiyey laba wiil oo Alshabaab ahaa oo magaaladda Garowe ku soo dilay sheikh caan ahaa. Dirawalka la dilay ayaa Booliiska u gacan galiyey labada nin kadib markii ay garowe iyagoo baxsad ah ka soo kiraystay, waxaanay xukuumadda Somaliland u dhiibtay labada nine e Dilka soo gaystay maamul goboleedka Puntland. Maamul goboleedka Puntland ayaa labada nin toogtay kadib markii ay ku heleen dilka sheekha, waxaana tan iyo markii dilalkaasi dhaceen oo ku beegnayd sanadkii 2014-kii dabayaaqadiisii dabagal iyo sahan lagu waday Dirawalka fashiliyey labadaas nine e la dilay, iyadoo aakhirkii habeen hore lagu dhex toogtay badhtamaha Laascaanood. Wararka Laascaanood laga helayo ayaa sheegaya in dilka dirawalka uu fuliyey wiil lagu qiyaasay in uu ka yaraa labaatan jir, kaasoo markii uu dilka fuliyey si badheedh ah uga baxsaday goobta, kadib markii dadkii ka ag dhawaa argagax ku dhacay. Magaaladda Laascaanood oo dhawr sano ka bad qabtay dilalka qorshaysan ayuu dilkani ku soo kordhiyey cabsi, waxaana laga dareemayey labadii habeen ee u danbeeyey inay saraakiisha kala duwan ee xukuumadda soo food saartay cabsi lala xidhiidha inay nafahooda uga baqeen hawl-gal kaas oo kale ah in lala beegsado.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.