NIDAAMKA WANAAGSAN IYO ANSHAXA CAAFIMAADKA .

0

NIDAAMKA WANAAGSAN IYO ANSHAXA CAAFIMAADKA .
THE GOOD HEALTH SYSTEM AND MEDICAL ETHICS :

W/Q Dr Abdillahi Mohamed

Haddii maqaalkan ku bilowno bisinka alle SWT , iyo saliga nabigeena Muhamed NNKH , waxaynu kaga hadli doonaa habka nidaamka caafimaad ee wanaagsan u shaqeeyo iyo anshaxa iyo dhaqanka caafimaadka ee looga baahanyahay dhamaan mihnadlayaasha caafimaadka . Haddaba marka laga nidaamka caafimaadka ee waddan ku dhaqmo waxaa jira xaalado faro badan kusaas oo jaan iyo cayn gooya nidaamka caafimaad ee waddankaasi yeelanayo tusaale ahaan , haddii waddanku uu leeyahay diimo kala gadisan . Aynu soo qaadano qoomiyad kamida ku kuwa ku nool waddanka Ethiopia qaar mid ah ayaa baan dhaqankooda iyo diintoodu ogolayn in dhiig lagu shubo oo weliba dastuurku ku waafaqsan yahay , markaasi haddii ay ku qabsato in dhiig lagu shubo adigoo anshaxii illaalinaya dhaaankii iyo sida loo maareeyo eegaya ayaabaad xaaladaasi ka gudbi kartaa balse haddii ay xaajadu murugto adigana saamayn ayay kugu yeelan doontaa sharciga ku hor gayn doonta .
Nidaamka wanaagsan ee caafimaadka , anshaxa iyo asluubta waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee caafimaadka intooda badani way siman yihiin ay jiraan waxyaabo kala gadisan oo u dhaxeeya nidaam sharciyeedyada waddamada . Haddaba nidaamka wanaagsan ee caafimaadka waxa korin kara ama hormood ka noqon kara dad aqoon , karti , khibrad iyo dulqaad leh . Tani haddii la horumariyo waxay korinaysaa xaqa bukaanku leeyahay oo dhamaystiran , oo weliba noqonaya muhiimada koowaad ( First the patient ) inuu tix galin buuxda ka helo daweeyihiisa ama dhakhtarkiisa , iyo farxada iyo badhaadhaha dhakhtarka ama daweeyaha uu arkayo baahida bukaanka oo uu si fiican uga jawaabo taasi oo inoo micnaysa in aanu dhakhtarku lacag uu bukaanka ka helo ku faraxsanayn balse uu ku faraxsan yahay bogsiimaha iyo bukaankii uu daweynayay oo ladnaaday oo xaaladiisa caafimaad kasoo raysay .
Nidaamka caafimaadka wanaagsan waxaa jira hay ado u xil saaran inay haqab tiraan tusaale ahaan wasaarad caafimaadka , xafiiska mihnadlayaash caafimaadka , Hay ada shaqaallaha , iyo Golaha baarlamaanka oo dajiya xeerarka caafimaadka marka loo soo gudbiyo .
Intaas kadib su’aasha meesha taal ayaa noqonaysa : Waa maxay haqab tirk looga baahan yahay wasaarada caafimaadka , si ay hagto una horumariso wax qabad aayo leh oo nidaamka caafimaadka ee waddankeenu u hano qaado . Si fiican u dhugo waa kuwan qodobada laga rajaynayaa :
1 . Waa inay wasaarada caafimaadku leedahay shaqaale caafimaad oo tacab ka galay oo muwaadiniin ah
2 . Waa in ay wasaaradu samaysaa hab nidaam oo lagu hagi karo shaqaallaha caafimaadka oo noqonaya mihnadlaayshii bahda caafimaadka ee tabobarnaa . Taas oo noqonaysa in uu dhakhtarku uu haysto ugu yaraan buug uu raaco , kaasi oo markuu bukaanka u adeego dhibaatada ama Diagnosis ka uu bukaanka ka daweeyay laga tix raaci karo , ilayn xaalada uu bukaanka ka dawaynayo dawadiisii buugaa ama Guideline kaa ay wasaaradu samaysay ayuu ku yaalaye .
3 . Inay wasaaradu leedahay hano qaad ah dhinaca tacliinta caafimaadka taas ah inay dhakhaatiir takhasus diyaarinaysaa oo adeeg fiican bulshada siin kartaa ay hospitals ka ka muuqdaan ugu yaraan seddexda magaalo ee waaweyn ( Governmenal Teaching Hospitals and Residency programs ) taas oo ay la kaashanayso wasaarada waxbarshada , sayniska iyo tacliinta sare .
4 . Waa in ay wasaaradu si hagar la’ aan ah uga soo baxdaa waajibaadka ay seniors ka ama dhakhaatiirta speciality yada kala duwan soo diyaariyay ay ku leeyihiin , oo ay heli karaan xarun cilmi baadhiseed oo ay adeegooda ku fushan karaan ( Research center ) taas oo ay kusoo gubin karaan buugaagta ay qoraan dhaxalna uga tagaan ummadooda(senior approved medical protocol Guidelines ) .
5 . In ay wasaaradu dhamaystirto waxyaabaha aasaasiga ah ee bukaanka u sahlaya inuu faaiido ka helo ( Basic necessity for the patients ) sida qof neeftu qabatay inuu isla markaaba helo intra nasal oxygen .
6 . Waa in xarun kastoo caafimaad yeelato waxyaabaha aasaasiga ah sida gaadiidka ambalaaska , oxygen iyo dhiig lagu shubo bukaanku inuu helo haddii uu dhiig baxayo .
7 . Sidaynu ognahay waddankeenu malaha xarun dhiiga lagu keydiyo oo taas oo dabooli karta in mar walba dhiig diyaar ah la helo caasimad ilaa gobol ( National Blood Bank ) . Sidaynu ognahay waxaa maanta waddankeena la istivmaalaa in marka qofku dhiig baxayo dad ay isku dhiig yihiin ama nooca dhiigiisa la raadiyo ( Direct Blood Transfusion ) , runtii wakhti xaadirkan lama isticmaalo ee wadamada dariskeena ee inoogu dhawi waxay leeyihiin Baan dhiiga lagu keydiyo .
Run ahaantii halkan laguma soo koobi karo qodobada laga rabo inay wasaaradu fuliso balse waxaynu soo qaadanay qodobo dhowr ah oo muhiima si loo horumariyo nidaamka caafimaadka ee dalkeena . Kaas oo runtii ay aan odhan karno qorshayaal aad u liita ayaa lagu wadday 30 kii sannadood ee aynu xoriyadeena lasoo noqonay .
Waxaa dhab ah inaynu burbur iyo degaalkii afwayne aynu iskaga xoreynay kasoo gudubnay balse waqti xaadirkan ahayd inaynu tubta horunarka u wadda gudubno .
Haddaynu dib milicsano qawaaniinta caafimaadka iyo hab ku dhaqankooda runtii waxaa muuqata gaab wayn kaasi oo ka muuqda dhinacyo kala duwan . Qawaaniinta muhiimka ah waxaa ka mid ah kuwan soo socda kuwaasi oo dhamaantood lagu tabobato mihnadlayaasha caafimaadka waddan kasta :
1 . Autonomy : waxaa uu bukaanku xaq leeyahay in doonitaankiisa ama odhaahdiisa loo aqbalo weliba marku wayn oo tashanaya yahay . Dib u raac tusaalihii ugu horeeyay ee aan ku bilownay maqaalkan .
2 . Dont harm the the patient of you are not treating very well . Ha dhibaatayn adigu bukaanka haddii aanad dhibaatada uu kuula yimiday waxba ka tarayn ama maarayn karay. Tusaale ahaan wax way kaa khaldami karaan oo binu aadam weeye dhakhtarku . Bale haddii aanad garayn qofkaasi dhibaatada uu ka cabanayo u bilaabi meysid dawada tiibiida ( Anti TB drugs ) adiga oo aan hubsan aan ogayn dhibaatada uu ka cabanayo amaba ay kuula eekaatay dhibaatadu in qofkaasi qabo tiibii .
3 . Confidentiality : inaanad bukaanka sirtiisa ama mushkilada uu ka cabanayo aanada qof kale la wadaagin taas oo mamnuuc ah . Balse ay jiraan dad badan oo kugula soo boodi doona maxaa laga helay dhakhtar bal noo sheeg walal . Taasi waa inaad ka taxadirtaa inaad qofkaas la wadaagto si fudud .
4 . Beneficience : waa in dhamaan bahda caafimaad dhamaantood ee bukaanka caawinayaa ay ku dedaalaan sidii bukaankaasi xaalad kasta oo soo food saarta uga bixi lahaa aya awooda saaraan .
5 . Justice : inaad u cadaalad fasho bukaanada adigoon eegaynin midabkiisa , mabda
iisa , Diintiis iyo qabiilkiisa . Ilayn waatan meel walba qabyaaladu ina biyo dhigtee . Bukaanadu umma baahna iska yara eega wasiir hebel ayaa meesha marayee , waraaaqdaada waan kuu qori barito imika wasiirkaan warqad u yar qorayaaye .

Si loo saxo dhamaan nidaamka caafimaadka ee waddankeena sidaynu soo sheegnay waa in wasaaradu la timaadaa nidaam ummadeeda ay uga hagar bixi karto
Dhamaanteen masuuliyad ayaa in saaran taas oo aad moodayso qaar badan oo innaga mid ahi inay ilaaween . Runtii khaladaadka waa la sixi karaa oo way fududahay taasi balse haddii geedku qaloocsamo isagoo yar hadhawto waa geed maroora oo la toosin kara maayo .
Wasaarada caafimaadku way maroortaa oo haddii aad talo soo jeediso waxay ahay in ay kula qaataan balse kuwii hore ee aan qoray ee waxa saxda ah ka hadlayayba dheg ummay dhigin .
Dhaliili haddii ay jirto waa la saxayaa qofka ina horjooga ee maroorsamay ee ummada hogaaminaya mid toosan oo dib u dhis ku samayn kara ayaabaa lagu bedeli doonaa . Qof kasta oo wanaagsan oo wax qabadka waddankiisa jecel oo doonaya horumar runtii waxay ila tahay inuu akhriska maqaalkan wax badan oo innaga qabyo noqday inuu ka dhugan karo jawaabtiisana halkaa aan ka dheehan karo . Maqaalku qof gaar ah ma weerarayo mana dhibaataynayo balse waxa uu saxayaa oo faaiido kusoo kordhinayaa nidaamka caafimaadka wasaarada caafimaadka somaliland iyo hawl gabkeeda muga leh ee aynu indhaheena ku aragno . Thanks all

Dr Abdilahi mohamed Abdi
MD, Advanced trianed of forensic medicine .

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.