“NICHOLAS KAY Waxaan Leeyahay Annaga Doorashada Soomaaliya Wax Na Khuseysa Maaha” Wasiir Cukuse

0

Hargeysa (Sayruuq) – Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa ka hadlay xogo laga soo xigtay ergayga qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, taasi oo sheegaysa in la isla sugayo doorashooyinka Soomaaliland iyo Soomaaliya.

 

Cukuse

Wasiir Cukuse oo shalay shir jaraa’id ku qabtey xafiiska Hargeysa ayaa isaga oo arrimahaa ka hadlaya yidhi “Nickalas Kay wuxuu aaminsan yahay haddii doorashada Somaliland noqoto xilliga ay Guurtidu samaysay, in doorashada Soomaaliyana ay dib u dhaceyso. Annagu waxaanu nahay Jamhuuriyadda Somaliland , annaga ayaa iskayo uga go’nay Soomaaliya, waxaanu nahay qaran, waxaanu leenahay Golayaal, xukuumad, xisbiyo iyo dastuur. Golayaashaasi ayaa danta dalka ka tashanaya iyo goorta Somaliland ay ka dhici karto doorashadu..”

Wasiir Cukuse waxa kale oo uu sheegay “Nichalas Kay waxaan leeyahay annaga doorashada Soomaaliya wax na khuseysa maaha, hadday dib u dhaceyso iyo hadday hore u dhaceyso, labada doorasho ee Somaliland iyo Soomaaliya wax isa saari kara oo aanu ognahay ma jirto…” ayuu yidhi.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.