Nebigii Allow Nacab Kugu Kufriyey Nuurkaaga Demin Waa (SCW): Kamaal A. Cali (Q:1aad)

0

Suurtogal ma’aha in qoraallo lagu soo koobo qiimaha shakhsiyadeed ee uu lahaa Nebigeennii Muxamed (SCW), waayo ilbidhiqsi kasta oo noloshiisa ka mid ah waxaa ku kaydsan duruus aan gudhayn oo taabanaysa dhinac kasta oo nolosheenna ka mid ah.

 

Nebi Muxammed (SCW) oo ah shakhsiga ugu fadliga badan tafiirta Aadam, waxa Alle soo diray xilli ay ummaddu qaybsan tahay, colaado kala irdheeyeen, dulmiga lagu faano, xaqdarrada la isugu laan-dheere sheegto, boobka iyo isu-itaal-sheegashaduna ay yihiin astaan geesinimo, xilli dembiga iyo dhagartu faafeen oo kuwii maalka, awoodda ama tolka badnaa ku amar-ku-taagleeyaan inta dhul-yaalka ah iyo masaakiinta. Markaasuu hirgeliyey isbeddel aan taariikhda hore u soo marin, timaadadana cidi ku riyoon karin suurtogelintiisa. Dul iyo Samir, daryeel iyo daacadnimo, dhibirsanaan, hal-adayg, anshax iyo hoggaamin nebinimo ayaanu ku beddelay jidkaas qalloocan ee ab-ka-ab la soo kala dhaxlayey. Waxa uu dhidibbada u taagay ummad awood badan oo ay hagayso diin dhamaystiran, muhiimaddeeda koowaadna tahay in ay qofka, qoyska iyo qarankaba farxad u horseeddo, diin cadaalad iyo badhaadhe ku salaynaysa siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, arrimaha bulshada iyo dhinac kasta oo ka mid ah nolosha aadamaha, ummad midaysan oo noloshooda oo dhami ay ku dhisan tahay  jacayl; Jacaylka Alle, Jacaylka Ergada (Nebiyada) Alle soo diray, Jacaylka Khayrka, jacaylka aadamenimada iyo Jacaylka wanaagga iyo dadka wanaagsan. Laakiin jidka uu guushaas u maray ma’ uu qodax iyo hadimo la’ayn, mana uu helin bulsho bilowgiiba ubax iyo sacab ku fooladaysay.

 

Rag la yaqaannay oo aan dabadood la hadli jirin ayaa markiiba waxaa amakaag iyo u qaadan waa ku noqotay in agoon, caydh ah oo adhiga u raaci jiray reer Maka, uu habeen iyo dharaar dhexdooda la sara kaco dhawaaq isbeddel doon oo waxba kama jiraan ka dhigaya Ilaahyadii dhaxal-ku-sheegga ahaa ee ay awoowyadood ka soo gaadheen, markaasaa sokeeye iyo shisheeyaba dadkiisii isu garabsadeen dagaal ka dhan ah oo baday gaajo, oon, guhaadin, dhaawacyo iyo go’doomin uu xamili waayey ku sii negaanshaha dhulkii xudduntiisu ay taallay, ee uu qarniyada ku abtirsanayey.

 

In kasta oo tolkii iyo kuwii uu dad ugu jeclaa ay dhabarka u jeediyeen, haddana cuqdadi ma’ay gelin, colaadna kuma uu qaadan, jidkiisa kama uu waaban, habeenna cabasho, calaacal iyo caloolyow midna lagama sheegin, balse waxa uga sii siyaaday in uu u samro xad-gudubka iyo deel-qaafka jaahiliinta iyo in uu ka fikiro tubtii uu ku soo hadayn lahaa. Ku darso oo abidkiina ruux shakhsigiisa wax ka sheegay ama dhib-gaadhsiiyey uma uu cadhoon, naftiisa uma uu aargoosan, kamana calool xumaan cid aan meel kaga dhicin xaqa Alle iyo xurmada Rabbi. Anshaxaas wanaagsanina waa sirta caddaynaysa in Muxammed (SCW), aanu ahayn rasuul iyo nebi keliya, balse uu ahaa hoggaamiye, garsoore iyo hanuunshe, uumiyaha u siday dhambaal adduunkooda iyo aakhiradoodaba badhaadhe u horseedaya oo uu inoo sheegay in uu yahay, dhaxal iyo xujo cad oo habeenkeedu dharaarteeda oo kale yahay, ruux hallaagsamayaa ha joogo ee, cid kalana aanay ka habaabi karin.

 

Waa kaas Maxamedkayagu, waa kaas Nebigayagu (SCW), waa nuurkaas gudcurkii dunida ka fayday, waa taariikhdaas cad ee beenta ka dheer, xaqiiqadaas ka duwan hafarka iyo ribaynta ay kuwa ilbaxnimada sheegtaa dacaayadda ka dhigaan, waa naxariistaas xaq-soorka taqaan oo aan lala masayn karin ta laba-bogleysa ee fircoonnada dunida maantu ay dadka qaarna gaadhsiiyaan kuwo kalana ka xaarrimaan. Waa karaamadaas ay qireen kuwoodii indheer-garadka ahaa ee uu ka mid yahay Faylasuufkii reer Scotland, Thomas Carlyle oo yidhi, “Muxammed waxa uu yidhi waxa aan ahay rasuul Alle soo diray, in uu hadalkiisu run yahayna waxa uu ku caddeeyey, diin uu dunida ku faafiyey, oo ay qaateen boqollaal milyan oo dad ahi, iyada oo ay qarniyo badani ka soo wareegeenna ay weli jecelyihiin, xamaasad aad u weynna u qabaan. Markaas waa maxay caddaynta intaas ka weyn ee nebinimadiisa loo doonayaa?” (Tixraac: On Heroes, Hero-Worship, and The Heroic in History.. 1841).

 

Waxa aynu nahay Muslimiiniin aaminsan Ilaaha keliya ee runta ah iyo in Muxammed uu yahay naxariis iyo Nuur uu Alle Ergo ugu soo diray dunida jinkeeda iyo insigeedaba, naftayada ayaanu ka jecelnahay, dhimbiil wadnaha ku taalla ayaanay nagaga kaar badan tahay, in xitaa wax dhadhan ama humaag aflagaado leh lagula kaco shakhsiyaddiisa. Laakiin, sidoo kale Muuse iyo Ciise (CS) oo kuwa lumay badhkoodba mid gaar u sheegtaan, annagu waxa aanu u aragnaa laba ergey oo iyagana sida Muxammed (SCW) oo kale uu Alle u soo diray ummad hanuun uu la doonayey, xanuun iyo gef ayaanay nagu tahay in jaahil damiirkiisu dhintay uu erey qaldan u quudho. Nebiyada Alle soo diray oo dhan ayaanu xurmaynaa, xishmadna u haynaa, cid kasta oo erey gef ah ku tuurta ama rumayn weydana ka go’aynaa.

 

Tan iyo bilowgii nolosha adduunyadaba waxaa jiray kuwo karkaarka weydaartay oo hadba Nebiyada uu Alle dhambaalka xaqa ugu soo dhiibo u samaynayey dacaayad iyo cay aanay haddana ka gaadhin ujeedadooda, waana kuwaas ay tafiirtoodii, sannadihii u dambeeyey sii laban-laabeen dagaalkii afka ahaa ee ay la beegsanayeen Nebi Muxammed (SCW).

 

Tan iyo markii uu wargeyska Jullands Poste nee Denmark uu sannadkii 2006da baahiyey sawirr-gacmeedyo lagu aflagaadaynayo Nebi Muxammed (SCW), waxaa warbaahin u badan ta qoraal ka ah oo reer galbeedku leeyihiin ku soo baxayey sawir-gacmeedyadaas hore oo lagu celiyey ama kuwo la mid ah, waxaana ugu dambeeyey wargeyska Cherlie Hebdo ee Faransiiska oo ku andacooday in uu kaga jawaabayo weerarkii lagu dilay 12 ka mid ah warfiyiyeennadii ugu sarreeyey ee wargeyskan oo laba nin oo walaalo ahi ay ku dhex dileen xarunta wargeyska iyaga oo qudhooduna uga aarayey sawirgacmeedyadan oo uu hore wargeysku u daabacay.

 

La soco…

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.