Natiijada Doorashada Somaliland Oo Lagu Dhawaaqayo

0

Hargeysa(Sayruuq) Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa la filayaa in ay ku dhawaaqan natiijada doorashada Madaxtooyada ee shacabka Somaliland u dareeray 13 November. xarunta guddida doorashada ayaa lagu diyaariyay madasha lagaga dhawaaqayo waxaana halkaas ku sugan saxaafadda oo qaarkood si toos ah u tabin doonaan.

Xisbiga Waddani ayaa intii tirinta codadku socotay soo bandhigay khaladaad badan oo aanay guddida doorashadu ka shaafiyin laakiin, Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo hoggaamiye Xirsi ayaa shalay bulshada u sheegay in ay dariiq nabadeed ku raadsan doonan wixii ka maqan, islamarkaana aanay xaq darro aqbali doonin.

Natiijada doorashada ayaa raagtay waxaanay maraysa maalintii 8-aad laakiin waxa la filaya in ay ku dhawaaqaan inta ka horaysa 12-ka duhurnimo Geeska Afrika.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@Sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.