Nasiib Daran: W/Q: Sahra Maxamed Cali (Sahra-ladan)

0

Waxaan ahay qofka adduunka ugu nasiibka daran. Waxaan ka dhashay ummad mugdi, adduunka kaga jirta, waxaan ka dhashay ummad is wada cuntay, waxaan ka dhashay ummad is wada qalatay. Waxaan ka soo jeeddaa wadan masiibo ku habsatay, waxaan ka dhashay wadan ay murugo ka buuxdo, waxan ka dhashay oo aan ku noolahay dal uu hoggaankii sii cunay lafihii ummaddiisa oo aanu xitaa wax ba ka tagin.Waxaan maalin walba ku waa bariis taa war dhiilo leh oo dhaca. Adduunyada kale wax ay ka qabataa ma jirto dhibaatadayda oo iyagaaba isku kaaya dirta oo warmaha iskugu kaaya afaysa anaguna sida cawaan ka ayaanu is wada qalanaa oo is wada cunaa arxan na aananu iskugu galin.

Dhaliyaradii waa kuwaa badda ku dhammaaday, badhan waa kuwaa afka duubtay ee dadka gawaraca ee xataa masaajidada isku qarxiya oo waa adduunyo gadoon. Mandaqad xidhan baan ku noolahay oo meel kale oo adduunka ka mid ah uma tagi karo si xor ah; xitaa waddamadda aan jaarka la ahay laftoodu waa kuwa igu mudiciga badan ee aan jeclayn jiritaankayga.
Haddii aan sidan u noolahay qadar dhacay canaan ma le, waxa ba se igaga daran taas oo caloosha i hurinasay in haddana kuwa hoogaanka ii ah ee aan moodayo in ay noloshayda wax tarayaan ay iyagiina miirteen go’bodii dhiiga ahayd ee igu jirtay.
Kufsi baa lagu dhammeeyey hooyadii 60 jirka ahayd waxana ka sii daran in hablo yaryara ee 15 jirka ahaana laga dhigay carmal oo carruurna ay balqsanayso aanay iyaduba waxba dhaamin. Ayaan daraniyaa! oo nasiib xumiyaa maxaa Soomaali iga dhigy illaahay wax kasta wuu arka ee wax uu eegayaa dadkan bahalaha noqday goorta ay dad caadiya noqonayaan. Maxay se noqdaan? Way is wada cuneen oo waligood dad noqonmayaanne inta ay miis wada fadhiyaan ee ay feenanayaan lafaha iyo hilibka walaalahood. Maasiibo idinku dhacay kuwa aanu doornayoow! Xitaa dhimashadayada kam naxdaan; maxay ka naxaan iyaagaba quraac ka dhiganaya baroorta iyo bayhoofka dadkan bee.Maxay sabab xaggiina ka timid ay keentay in halyey, ubax ah oo soo koraya oo mustaqbal iftiin leh hiigsanayey ay baddu liqdo oo maydkiisi yaaxaasku cunay hooyadii na goblantay.
Maxaan yeeli idinkaan idin waydiiyey e’ ? Maalin walab waxaad leedihin ha Tahriibina walaalo inta aad suudh isku soo taagtaan oo aad cadaro udoogn isku soo shubtaan oo aad quraac fiican soo cuntaan oo aad gaadhiba gaadhiguu ka danbeeyey soo kaxaysataan; halka ay anigana daranyo iyo diif isku kay weheshaday iga muuqdaan waliba ay ii dheer tahay inta aan ka fakarayo toloow maanta wax aad ku quraacto maad heli ama toloow wax aad carruurtaadii siiso. Waar isku xiishooda oo keena xal kan dhaama oo aad nala hortimaaddaan. Qoraanlkani wayga dibno guudkoode haddii aan qori karayo waxa uu wadnahaygu tabayo wallee waan qori lahaa balse qalinkaa diidaya kaliya markii aan sheegi kari wayey murugada i haysa waxaan micinsaday in aan hoos iskaga ooyo oo aan afka iska xidho. Samir caal waa iga dheh oo maxaan kale ee aan sameeyaa? Ma wax kalaa ba jir dee. Maya. Ufiirso marka ay madal yimaaddaan ee ay mikirifoonka qabsadaan waxay ku odhanayaan iyagoo tiiqtiiqsi iyo isla wayni ay ku dheehantahay ku tusayana in ay tani ka faanayaan tu kalena baal goray kuu sudhayaan ayey ku odhanayaan ‘Barigii aannu jooganay Yurub ama Markanka’ Bilaa calayk miyey waayeen wax kale oo ay ku soo hal qabsadan? Aniguna gara’oo yaab iyo anfariir baan ku maqanahay goortay halkaa ila mushaaxayaan ee ay afkaa isla waynida iyo yasitaankayga ku naaloonaya ay leeyihiin .
Kuwee baa adduunka uu faani kara oo adduunka hor iman kara? Ma kuwii na kala qoqobay na kala qaybiyey ee qabiil qabiil noo kala xidhay ee carruurtaydii qoryaha u dhiibay ee dumarkayagii warabuhu cunay ee dhaqan-guurka nagu riday. kuwee baa odhan kara waxaanu matalaynaa ummad soomaliyeed? Waar xiishooda calaamo idinku dhacdaye addunka iyo ummadiisuba way idinla yaaban tahaye
Waxaad taqaanaan ayaaba iska yar,wax aad qabatana daa hadalkii balse inta ubaxaygii uu badda ku dhammaanayo ee ay u dhimanayaan sabab aad leedihiin aawadeed; hadda kuwa aan la hadalayaa waa kuwa calooshooda daryeelayaasha ah ee xoolah ummadda cuna ee dhiiga ummadda xalaasha ka dhigtay. wallee meesha laydin ku xisaabinayo Eebbahay naguma simo oo nama joojiyo. Ala! bal yey xukumaan oo ay madax uu yihiin illeen waatan dumarkii iyo carruurtii ba ay dhammaadeen e? Illaahayoow noo naxariiso oo noo danbi dhaaf wax kale garanmaynee.

W/Q: Sahra Maxamed Cali (Sahra-ladan)
Hargeysa, Somaliland
Sahraladan22@gmail.com
19-04-2016

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.