Nairbi oo si wayn looga Dareemay Soo dhawaynta Obama

0

Hargaysa(Sayruuq)-Magaalada Nairobi ee xarunta Wadanka Kenya ayaa maanta ah mid is badashay Gabi ahaan waxaa xidhan Goobihii Ganacsiga waxaa laxayiray inta badan Jidadkii waawaynaa ee magaalada, waxaana Joog saday isu socodkii dhinaca Gaadiidka marka laga reebo Gaadiidka gaarka ah ee la Ogol yahay.

Townka magaalada waxaa Qulqulaya kumanaan kun oo shacab ah waxaana meel kaste Taagan noocyada kala duwan ee ciidamada Amaanka, kuwaasi oo si feejigan ula socda dhaq dhaqaaqa Kumanaanka shacabka ah oo intooda badan dhan u wada Jeeda.Wajiyada dadka waxaa kamuuqata Farxad iyo Bara riyaaq aan laqiyaasi karin waxayna wataan Calamo iyo caleema Qoyan hadana way isu Hambalyaynaayaan oo waxaad moodaa inay Joogaan maalin Ciid ah, kooxdii is Haleeshana waxay wada Qaadayaan Heeso ay Jidka dhexdiisa Dance iyo Niiko ku QabsanayaanWaxaan oo dhan waxaa loo samaynayaa waa soo dhowaynta madaxwaynaha Wadanka Maraykanka Brack Obama oo shacabka Kenya ay aaminsan yihiin in uu Gurigiisii Rasmiga ahaa ama dalkiisii rasmiga ahaa dib ugu soo Laabtay, Erayada ugu badan ee ku Qoran boodhadka ay dadku wataan ayaa ah “Obama wuxuu yimi Gurigiisi”
Dhanka kale xaflad lagu soo dhawaynaya habeenkii xalay ahaa ayaa waxa uu ku qaabilay xubnaha qoyskiisa oo uu dhexda u galay xubnaha qoyskiisa oo ay ka mid ahaayeen ayaydii ,iyo walaashii.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.