Naciima Oo Wajihi Karta 8 Sanno Oo Xabsi Ah

0
Naciima Qorane Oo Ku Adkaysatay Mawqifkeeda Soomaaliweyn

Naciima Oo Wajihi Karta 8 Sanno Oo Xabsi Ah

Naciima Abwaan Qorane oo ciidamada Sirdoonku magaalada Hargeysa ku xidheen dabayaqaadii bishii January ayay xeer ilaalinta Qaranku maxkamadda u soo gudbisay eedaha loo haysto waxaanay wajihi karta xabsi dhan 8 sanno haddii lagu helo eedaha loo haysto.

Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) madaxa xarunta xuquuqal Iisaanka ee HRC ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Naciima lagu eedeeyay in ay dibadda ka abaabulaysay arrimo Qaranka ka dhan ah iyo in ay xaqiraysay Somaliland. Dambiyadan ayaa haddii maxkamaddu ku hesho ciqaabtoodu noqonaysa 8 sannadood oo xadhig ah.

Xarunta HRC waxay sheegtay in dastuurka Somaliland damaanad qaaday xorriyadda hadalka sidaas awgeedna ay xukumadda ka codsanayaan in la sii daayo Naciima.

Abwaanad Naciima ayaa la xidhay iyada oo Xamar ku sii socota waxaanay hore ugu ololaysay midnimada Soomaaliya iyada oo Muqdisho joogtay sanadihii u dambeeyay laakiin, la qabtay iyada oo u timid Aabaheed oo xanuunsaday sida uu sheegay aabaheed Abwaan Qorane.

 

Naciima Oo Wajihi Karta 8 Sanno Oo Xabsi Ah

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.