Nabsi iyo nabar jeceyl(Qalin maal Cabdinaasir Axmed Ibraahim)

0

Samiira waa agoon. Waxay wax ka baran jirtay dugisiga agoomaha. Samiira waxay ka dhalatay qoys danyar ah. Waxay la dhallatay laba wiil. Samiira hooyadeed waxay miis jaad ku haysatay xaafad kamid ah xaafaddaha magaalada Djibouti. Khamiista iyo jimcaha hooyadeed ayay ka nasin jirtay miis ka jaadka, Maadaama ay waxbarashada fasax ka tahay labadaa maalmood ee usbuuca ugu danbeeya. Miiska jaadka waxay isku barteen wiil magaciisa, ay naanaystiisu ka weyn tahay, waxa lagu naanaysi jiray “Gooshee.” isaga laftiisu wuxuu ahaa arday dhigta dugisiga-sare.

Gooshee khamiista iyo Jimcaha ayuu Jaadka cuni jiray. Waxaanu jaadka ka iibsan jiray miiska Samiira hayso. Maalmihii hore haasaawahoodu kaftan guud ayuu ku koobnaa. Muddo kadib na intii waa la iskaga soo dhawaaday. Markuu Gooshee doonayo inuu qayilo waxuu Jaadka ku cuni jiray, meel aan ka dheerrayn halka Samiira fadhido. Intaa kadibna waxu u soo guuray Samiira barbarkeeda.

 

Habeenkii marka ay Samiira rawaxaysana uu sii dhaweyn jiray. Wakhtigaas Gooshee waxuu ku jiray sannad kii sii ugu danbeeyay dugsiga sare, waxaanu isku diyaarinayay inuu galo kullayadda tababarka macalimiinta. Markuu dugsigii sare ka baxay, waxuu markiiba ku biiray kulliyaddii tababarka macalimiinta, muddo markuu dhiganayayna waxaa loo diray (Layli -macalinnimo, teacher training) isagoo tababarkaa ku soo qaadannayay gobal ka mid ah gobalada ku yaalla cidhifka xadka Djibouti iyo Eretria ay wadaagaan.

Macalimiinta cusub intay tababarka ku jirtaan, mushahar kooda lama siin jirin, muddo lix bilood ah, markay dhammaystaan ayaa la isku raacin jiray 6 bilood lacagtood. Muddadii uu tababarku u socday, Gooshee waxay Samiiri khamiis kasta u diri jirtay $20. Si uu ugu iibsado waxuu u baahan yahay.

Samiira adduun badan ma haysan ee waxay u urrurin jirtay nusasaacaha loo siiyo waxbarashada. Gooshee muddadii uu tababarku u socday muu darreemin wax baahi ah. Qoys ka uu ka dhashayna may ahayn qaar awoodda inay wax u diraan, marka laga yimaaddo wax kale oo dhan, xitaa saabuunta uu ku maydhannayo waxaa u diri jirtay Samiira.

 

 Gooshee markii uu soo dhammaystay Layligii macalinnimo. Waxaa lagu soo celiyay magaalo madaxdii (Djibouti) mushaharkiisii lixda bilood na, waa la isku raaciyay hal mar. Gooshee markuu magaalada yimid. Waxuu halkii ka sii bilaabay xidhiidhkii jeceyl ee ka dhaxeeyay isaga iyo Samiira. Gooshee haddii uu magaalada ka shaqaynayay muddo dhan sannad ee mushaharkiina loo kordhiyay ayay Samiira la soo hadal qaaday arrin guur. waxaanay ku tidhi;

 

Waad ogtahay xidhiidhkeennu inuu in badan soo jiitamay, waxa kale oo aad ogayd garabkii aan ku siiyay muddadii aad ku jirtay Layliga Macalinnimo. Sidaa darteed waxaa ila qurux badan inaad I soo doonto, si uu xidhiidhkeennu iskugu baddalo mid midho dhal ah. Waxaad intaa ku darsataa inaanan wax shuruud ah kugu xidhayn haba yaraatee!.

Gooshee: waa si wanaagsan walaal macaan in badanna waad ii samirtay ee hadana maadaama oo gurigaygii xaalad adag ama duruufo kakan oo maaliyeeddeed ku jiro, oo xitaa jiingadda kor saarran gurigaygu aanay celinayn roobka. Anna masuuliyad weyni iga saarran tahay, cid kale na aanay u maqnayn. Waxa kale oo aad Samiiraay ka war qabtaa in aan ahay reer curadkii ahay, la iga na rabo inaan xaafadda wax u qabto. Markaa waxaan kaa codsan lahaa inaan teena ka horreysiiyo tan xaafadda. Sannadka danbana Hadduu Allah yidhaahdo aan hawsheenna dhammeeyo oo aan ku soo doono.

Samiira: gurigiinu waa gurigayga ee raali baan ka ahay, Inaad hawshiisa dhammayso. Samiira iyo Gooshee haasaawahoodii sidaa ayuu ugu socoday.                                                         

 

Sannadkii ballankuna si lama filaan ah ayuu u dhammaaday.Waxaana la soo gaadhay ballankii ahaa inuu Gooshee soo doono Samiira. Habeen dhan ayaa la isla qorshaynayay hawsha oo la xisaabinta kharashka meherka baxaya, waxuu qaatay wakhti badan, ilaa uu waagu ugu baryay. Samiira waxay arrinta u sheegtay asaxaabteedii oo dhan iyo ehelkeedii iyadoo aad ugu faraxsan Meherka. Dhammaan qoyska Samiira ka dhalatay way diyaar garoobeen.

 

Maanta oo kale waa Arbaca, gu’gu waa 2000. Waxuu ballanku ahaa inuu khamiista soo doono Samiira, arrintii oo sidaa loo og yahay ayaa iska badashay dhinaca Gooshee, waxaana soo baxday khiymaayo uu Gooshee sannadkii ugu danbeeyay ba qarsanayay oo ahayd inuu Gooshee la sheekayso gabadh kala oo la yidhaah Ubax, labadabana waxuu u sheegay inuu soo doonayo maaiinta khamiista. Laakiin Gooshee waxuu si xad dhaafa u jeclaa Ubax, walow Samiira abaal badan u gashay. Halka Samiirana ay aad ka u jeclayd Gooshee.    Sheekaduna waxay ahayd, naftaydu nafbay rabtaa, naftuna nafkalay rabtaa iyo Naftaadoo naf jecel, naftii jecel nasiibkeeda seed u aragtaa?!

markii ay gaadhay habeenkii khamiista ee subaxa oo kale ballankii meherku yahay, ayuu Gooshee soo maray meel ku beegan guriga Samiira ku nooshahay, waxuu ka weecday waddadii iftiinka ahayd, waxaanu maray waddo madow oo luuq-luuq ah isagoo is leh Samiira ayaa halkaa kaa soo arki doonta. Waayo guriga Samiira degan tahay wuxuu ku qummanaa jidkan weyn ee iftiinka ah. Habeenkaa in yar ka hor waxaa da’ay roob oo dhulku wuu sii qoyanaa. Gooshee waxuu xidhnaa kabo sandal ah iyo macawis. Markuu ka dhammaan rabo waddadii madoobayd ayay kabi la siibatay, waxaana muday “musbaar daxalaystay” oo intuu cagtiisa midig halka hoosta ka soo galay dhinaca sare uga baxay. Qayladii Gooshee baxday waxaa ku soo baxay dadkii jaarka oo dumar iyo carruur u badnaa, in yar ka dibna waabu joojiyay qayladii oo jidhkiisoo dhan ayaa garriiray. Yaab iyo ammakaag ayay ku noqotay haweenkii iyo carruurtii u soo gurmaday Gooshee. Waxay ka fikireen in middi la galiyay oo tuug dishay, waayo dhiig badan ayay arkaan. Rag dariiqa marayay ayay qalyo dhaan u dirteen si bal iftiinka luugu qaado dhaawaca in la aqoonsado wajigiisa ka dibna ehelkiisa loola xidhiidho. Markii iftiinkii la hoos keenay waxaa soo baxday in musbaar muday, imikana uu ku jiro oo uu aad u dhiig baxayo.  waxaanay ula hadleen taxi oo waxay geeyeen dhakhtarka.  tilifoonkii ugu horreeyay ee u soo dhaca Gooshee intay la hadleen ayay u sheegeen sida ay wax ugu dheceen iyo inuu hadda dhakhtarka yaallo oo loo baahan yahay waalidkii ama cid ugu dhaw. Waxaa lagu muday irbaddii daxalka dhakhtarkuna waxuu sheegay in laga yaabo inuu daxalku ku sii fido lugta oo dhanna la jaro.

 

Waxaa loo baahan yahay qof masuuliyaddiisa sexeexa dhiig na waa lagu shubayaa, maadaama u aad u dhiig baxay. Intaa ka dib Gooshee adeerkii ayay u yeedheen dhakhaatiirtii ku hawlannayd xaalka caafimaad ee sii xumaannaya ee Gooshee. Waxaa masuuliyaddii siday u dhammayd dusha u ritay Gooshee adeerkii. Dhammaan ehelka iyo qaraabada Gooshee waxay ka warwar qabeen in uu Gooshee suuxdinta ama miyir-doorsanka ka soo noqon doono. Dadku wali way anfariirsan yihiin oo xataa wali iyagu isma-tooyan.  Badankoodu isma muuq iyo magac yaqaannaan. Hasayeeshee, waxay ka simanyihiin “ U damqashada dhaawaca Gooshee soo gaadhay,” inta badan way sheeko wadaagayeen, walow qoloba meel ka fekerrayso oo qaar leeyihiin;

– waa qalliin culus oo malaha ka soo noqon maayo.                                                                        

– Lugta in la jaro ayaa laga yaabaa.                                                                                            

-maya farah hore ayaa la jarayaa.                                                                                         

 Nasiib wanaag lugta lama jarin’e, suulka midig ayaa gunta lagu gammuuray. Waxaa badhaadhe ah in aan suntan daxalku ku faafin lugta oo dhan.

Subaxnimadii khamiiseed ee ay ahayd inuu soo doono Samiira iyo Ubax oo midba midda kale aannay ogayn. Mid kastana dhinaceeda diyaar garow ballaadhan kaga jirto. ayaa warkii dhiillada lahaa gaadhay oo ay ogaadeen in Gooshee dhaawacan yahay cisbitaalkana yaal. Waxay mid ba mar soo garaacday tilifoonkii Gooshee oo uu markaa gacanta ku hayay adeerkii. Waxaana garaacista ku hormartay Samiira.

Odaygii isku sheegtay waxaanu ugu hal celiyay, adeer sawtii la I lahaa inanta waxaa magaceeda la yidhaa Ubax. Ma laba magac baad leedahay?

Samiira: maya adeer ee magacaygu waa Samiira, waxaa suuro gal inaad is moodsiisay’e  Gooshee maxaa ku dhacay? Ilaa xalay waan soo garaacayay oo lama qabannayn tilifoonkiisa?

Adeeer: Wax wayn kumay dhicin’e musbaar baa cagta ka yara muday oo halkan dhakhtarka ayaan dhignay. Qadar saacad ah ka dib. Waxaa si deg deg ah u soo garaacday Ubax oo markii ay aragtay inuu tilifoonka qof waalid ah hayo isku sheegtay oo ku tidhi adeer waa Ubax, waa inantii uu soo doonnayay Gooshee.  

Adeer: oo adeer sawdigii goor dhowayd ila hadlayay maxaa dhacay? Hadana number kale ayaad iga soo garaacday? 

Ubax:  adeer ku ma soo garaacin ee hada ayaa iigu kaa horreysa.  

Adeer: waan ku wareeray sheekadan. Waxaan u malayn inuu inan kaygu wax isku qasayo oo meesha igu ceebaynayo. Ciyaalka wakhtigan joogaa, way dhib badan yihiin. kama baqayaan Il iyo cawritoona. Subaxnimadii khamiiseed ku dhowaad10:00. Dhakhtarka waxaa iskugu yimiday Samiira iyo Ubax oo labadooduba iyagoo ilmaynayee. Dhakhtarkuna umuu ogolaan, inay u galaan maadaama uu wali suuxsan yahay oo suul laga jaray. Waxaanay Samiira iyo Ubax la fadhiisteen oohintii albaabka “qolka adeega degdegga ah” markii ay midba geeskeeda waxoogaa u oyday midibana midda kale moodayso dumaashideed, ayay isku yimaaddeen oo is warraysteen, waxaana hadalka bilawday Samiira oo tidhi dumaashi wuu ladnaannayaa ee iska aamus. Waxay intaa Samiira ku darsatay, dumaashi hore kuu ma arag’e ma mabahda kale ayaad tahay?!  

Ubax: maya walaal waad igu khaldamaysaa ee anuu Gooshee walaashii ma ahi ee waxaan ahay inantii uu maanta u soo fadhiisanayay ama soo doonnayay.  

Samiira: … maanta soo doonayayaa!? Maad iigu ciyaarreysaa dumaashi. Goob kaftan iyo ciyaarreed ma joog no’e.? 

Ubax: maxaad ku hadlaysaa ma meel lagu ciyaarro ayaan joognaa? Miyaanay kuu muuqan waxa indhahayga ka socdaa in ay illin tahay? Waxaad arkaysaa inuu gacaliyahaygii xanuunsanayo oo dhakhtar uu yaal xaalkiisu siduu noqonna warwar badan iga hayo.  

Samiira: hadaba labadeena mid ayuu been u sheegayay ee adiga arrinkaagu ma waxaad afka iska tidhaahdeen uun buu ahaa mise ilaa waalidka waad gaadhsiiseen? 

Ubax:  Miyaad kaftamaysaa walaal afku waa maxay ballanta meherku saaka ayay ahayd oo dhammaan reerka ayaa diyaar ahaa oo sugayay’e? Ilaa jaarkaa Og! Inuu Gooshee i soo doonayo‘e.

 

Samiira iyo Ubax markii ay ogaadeen xaqiiqdii aasnayd, waxay isku dhex qabsadeen cisbitaalka markii la kala kaxeeyayna. Samiira oo ooyaysa ayaa albaabka ka booday iyadoo ku dhawaaqaysa. uu i khiyaameeyay, daacad baan u ahaaa, waxuu iga lumiyay wakhti dheer, muxuu ku ilaabay abaalkii badnaa ee aan u galay, haddaan rag danbeba dib u aamino. Maxaan imika waalidkay ugu jawaabaa? Markii ay guriga soo gaadhay Samiira waxay sariirta ugu dul dhacday sidii qof xanuunsanaya oo guriga dirqi iyo tu’baas ku soo gaadhay. Tabcaan ayay ahayda. Xaafaddiina waxay u sheegtay inay hawshii maanta baaqatay oo Inan kii nabar ku dhacay. Markii ay casarkii gaadhay ayay Samiira hooyadeed uga warrantay siday u wax u dheceen iyo waxay kala kulantay dhakhtarka.

Markii Samiira hooyadeed ay sidaa ugu warrantay, hooyadeed aad bay u canaanatay oo waxay ku tidhi ninkaad intaas oo dhan la sheekaysanaysay ayaanad ogayn inuu ku jecelyahay iyo in kale. Hadda ma garanayo waxaan dadka ku qanciyee inan kii uu xanuunsanayaa mooyaane sheeko kale cidna ha la soo hadal qaadin.                                                                                                                                   

 Samiira:  waayahay hooyo macaan. Aynnu ku noqono dhincaa iyo Gooshee oo dhakhtarkii yaal, isla markiiba Gooshee waxuu dareemay halka uu ka soo qaatay qodaxda nabsigu, sidoo kale wuxuu garwaaqsaday inuu gef  ka galay Samiira oo jeclayd oo intuu xayraanka ahaa uun doonayay inuu kumeel gaadho ee aanu si dhaba u jeclayn. Codsigiisii ugu horreeyay ee uu codsadaa wuxuu ahaa in Samiira luugu yeedho, si uu u raali galiyo. Markii codsigiisaa uu ku madax adaygayna waxaa loo diray Samiira inan Gooshee inaabtidii ah. Waxaanu Gooshee siiyay tilmaan saxa meesha uu ku yaal guriga Samiira ay dagan tahay. Kaltuun tilmaantii way heshay oo waxay toos u timiday gurigii waxaanay irridda guriga kula kullantay Samiira hooyadeed oo sii shaqo tagaysa, lana jarmaadaysa tiiraanyo iyo qalbi jab weyn.Waxaanay ku tidhi Samiira hooyadeed hore u dhaaf gudaha ayay ku jirtaa Samiiri.

 

Kaltuun gudihii ayay u soo socotay, waxay maqsinkeedii ugu soo gashay Samiira oo sariir ku jiifta oo laba hablood oo asaxaabteeda ah na ay hareeraha ka fadhiyaan. Waxay is waydaarsadeen Samiira iyo kaltuun.

Kaltuun: walaal dhammaantiin subax wanaagsan. idin mana kala yaqaanee Samiira inanta la yidhaahdo ayaan u socdaa.                                                                                                         

Samiira: waa I kan’e soo dhawoow walaal                                

Kaltuun: waan dhawahay walaal waanad mahadsantahay, waxaan u socdaa arin aanan waxbadan ka ogayn oo wakiil la iiga soo dhigay.                                                                       

Samiira: ii bilaw                                                                                      

 Kaltuun: aan iskaa baro, magacaygu waa kaltuun, waxaan ehel nahay Gooshee, inanka xanuunsan ee dhakhtarka ku jira ee suulka laga gooyay. Markaa si ay wax hore u jireen ma aqaanni. Hasayeeshee, inankii waxuu leeyahay Samiira iigu yeedha. Waliba uu ku madax adaygayaa. wuxuu sidoo kale rabaa inuu kaa raali galiyo wixii dhacay.  Sidaa dartaad ayay hooyadii iigu kaa soo dirtay, inaad cisbitaalka ii raacdo ayaanan rabaa, waan codsi naxariis leh.  Ka hor intaanay Samiira hadli ayay inan saaxiibaddeed ah oo ag fadhiday tidhi ninkaasi in la soo siyaarto maba istaahilo nasabna maaha. 

Samiira: walaal waan isku cusub nahay oo ma doonayo inaan hadal xun ku idhaahdo. Adna waxaad noqotay sakaaradii budka la kullantay. Walaal inan baad tahay ila mid ah cawro sidayda oo kale ah, iga filo waxaad yeeli lahayd haddii dhibtaa iyo sumcad xumadaa kuu gaysto wiil.  Waxaanan kaa codsanayaa inaanad mar danbe magaciisa igu soo hadal qaadin.  

Kaltuun: waayahaywalaal jawaabaa la iga sugayee, waxaan odhan doonaa inantii way I soo raaci Kari wayday.                                                                                                                             

 Samiira: kullanti danbe oo xiise kaltuun.                                                                          

 Kaltuun: mid la mida Samiira, sidaasi ayay kaga soo baxday kaltuun gurigii waxaanay bas u soo raacday dhakhtarkii. Markii albaabka dhakhtarka ay ka soo gashay kaltuun waxay garan wayday wax ay jawaab ku celiso dadkii soo wakiishay, waxaana niyaddeeda ku soodhacday inay been samayso, hadana way ula ekaan wayday oo waxay go’aan ku gaadhay inay runta qadhaadh sheegto. Laakiin hadalladii kakanaa ee cadhada xambaarsanaa ay qariso.  Waxay gudaha u soo gashay maqsinkii uu yaala Gooshee. Gooshee iyo kaltuun waxaana dhexmaray hadalkan.  

Gooshee: waan ku sugayay ee soo gudub, war khayr leh na ii sheeg.                                                 

Kaltuun: soo gudbay, laakiin warka aad jeclaan lahayd kuuma hayo.                                         

 Gooshee: maxaad ka waddaa, warka ii balballaadhi.  

Kaltuun:  horta waxaanad sababtooda lahayn ma dhacin. Haddaan kuu bilaabo kulankii na dhex maray aniga iyo inantii aad ii dirtay ee Samiira, bilawgii si fiican ayay ii qaabishay si diiranna salaanta way iiga qaaday, walaw ay u eekayd qof xanuunsan oo aan ka dareemayay niyad jab badan. Hasayeeshee waxaa ka muuqatay geesinimo iyo adkaysi, laakiin dilaac qalbigeeda intuu leekaa iska daa qof weyn’e xataa carruurtu way arki karaysay, waxba yaan hadalka ku dheeraan’e, markaan sheekadaadii u bilaabay way dhibsatay, waxaanay igu tidhi iga jooji nin kaa warkiisa, hadana waa isla inagii’e waxaa kugu jirta nafta khiyaantay qofkii daacadda kuu ahayd sannaddada badan, qofkii aad wakhtiga dheer ka lumisay, waxaanad noqotay qofkii qaniinay gacantii wax lagu siin jiray.                                                               

 Gooshee: intaas oo dhanba waan ogahay ee hadda ayaan ka soo noqonayaa.      

Kaltuun: way wanaagsantahay haddii aad kici karto ee markaad caafimaaddo aduu af-kaaga ku raali gali. Samiira cid danbena ha u dirin, waa iga talo, haddaan dumar nahay waan qalbi jilicsanahay oo waa laga yaabaa inay ku saamaxdo‘e.        

 Gooshee: hadalkaagu waa macquul inaabti.

 

Intaas markay is waydaarsadeen kaltuun iyo Gooshee, waxaa qolkii Gooshee ku jiray soo galay “kalkaalisada nabarkiisa dhayda” waxaanay u sheegtay in muddo bil ah aanu suuliga dhaafi Karin iska daa bixitaan kale oo bannaanka ah’e. Gooshee cisbitaalka ha inoo sii dhex jiifo.  Bal aan ka war doono halkuu marayo nabarkii gaadhay qalbiga Samiira.  

Samiira intaa waxii ka danbeeyay way niyad jabtay, waxaanay ka aamin baxday raggii oo dhan, oo ay mooday inay wada beenaalayaal yihiin, sidaasi waxay ahaataba waxaa la gaadhay dhalashii Samiira oo ku beegnayd October.7th .2006 maalinta noocan oo kale ah waxaa Samiira looga bartay inay farxad la damaanshaaddo,  asaxaabteeda tilifoon ugu wada sheegto oo habeen kaa ku qaadato farxad iyo qosol inaasiba may samayn sannadkaa.  Hablo ay Samiira ahaayeen asxaab aad iskugu dhaw ayaa habeenkaa Samiira casuumay oo u kexeeyay huteel magaciisa la yidhaa (Nile blue) habeenkaasi waxuu ahaa habeenkii ugu horreeyay ee ay Samiira dibad u baxdo tan iyo intii Nabarku qalbiga ka gaadhay.  

markii qadar kooban la iska soocasheeyay, ee habluhu ay damceen in ay Samiira ku igadh salaaxaan sheekooyin hore oo ay ogaayeen inay macno weyn u sameeyaan, sheeko kasta oo la soo qaado Samiira waxay ku darsanaysay qosol aan labada dibnood waxba uga hoosayn. Sawir maskaxeeyada ay rabto in ay is ilowsiiso waxaa kolba ku soo gadaal celinaya, wiil iyo gabadh da’doodu tahay 19 jir, oo kursiga Samiira iyo asaxaabteedu fadhiyaan kaga began waqooyi bari. Mucaashiqiintan da’a yari cuntada ayay afka iskugu gurayaan.

 

In cabbaara ayaa la caweeyay, cawayskii markuu dhammaaday, waxaa loo soo kicitimay dhinacaa iyo internetka, oo ku yaalay  meel u dhaw guriga Samiira ay gasho habeenkaasi internerku aad buu u buuxay, waxay na ahayd maalin fasax ah oo dhallinyaradu internetka iskugu wada yimaadeen, sidaa daraadeed waxay la kulmeen internterkii oo mashquul ah dad badanna ay sugayaan, saf dheer baanay halka danbe ka qabseen, halka ay Samiira fadhidaya meesha ku beegan waxaa fadhiyay wiil dhalliinyaro ah kaasoo isha Samiira markiiba ay ku dhacday. Wiilku wuxuu xidhan yahay surwaal madow, shaadh cad, dhexdana surwaalka ayuu shaadka ka mariyay, kabo af dhaadheer oo madow na waa xidhan yahay. Waa goor xagaa ah, dadka reer xeebeedka ah ee Djibouti ku dhashay ama ku barbaaray dhammaan waxay xidhan yihiin garamaan khafiif ah iyo kabo sandal ah. Halkaa waxaa ka muuqata in labis ahaan aanu wiilkani Djibouti la haysan. Waxuu safkii socdo oo qofka soo baxaba qof kale badallo, waxaa la soo gaadhay markii ay Samiira gali lahayd.

 

Waxay Samiira ku tidhi inantii ku xigtay walaal qof baan sugayaa ee iga horree oo iska gal markii safkii uu soo yaraaday ee ay hadheen uun Maxamed Amiin iyo Samiira, waxaa hadalkii furtay Samiira oo tidhi walaal iga raali ahaw reer Djibouti ma tihid ‘e halkee baad ka timiday?! 

Maxamed Amiin: sababtuna maxaad ku garan kartaa inaan reer Djibouti ahay iyo in kale.

Samiira: sidan quruxda badan ragga reer Djibouti uma labistaan.                                     

Maxamed Amiin: intuu qoslay ayuu yidhi ragga reer Djibouti ma dhar iyo labis u gaara oo ay xidhaan baa jira?  Samiira: haa dadka waxaa lagu kala gartaa waa labiskooda haddaad intaa ku fahmi waydana hadalkooda, markaa adiga labiskaaga iyo hadalkaaguba waxay u eeg yihiin kuwii reer Hargeysa.                                                         

Maxamed Amiin: runbaad sheegtay waxaan ahay reer Hargeysa, magaaladan waxaan joogaa muddo (Shan bilood ah) laakiin waxaan is lahaa waxaad u eekaatay reer Djibouti ee waxaad I dareensiisay caawa inaanan is badalin waanad ku mahadsan tahay ka gudub xaafaddeed gashaa?

Samiira: xaafadda 5aad, adna xaafaddeed gashaa?                                                             

Maxamed Amiin: waxaan galaa xaafada 1aad.                                                                    

 Samiira: halkeed ka shaqaysaa?                                                                                           

Maxamed Amiin: waxaan ahay macalin waxka dhiga Dugsi gaar ah oo ku yaala xaafada 3aad.  

Samiira: si fiican abaan u sheekaysan doonaa ee horta internetka iska soo dhammayso oo markaa haddii aad iga soo hor baxdo I sug, haddaan kaa soo hor baxana halkan barandaha ayaan kugu sugayaa.                                                                                                    

 Maxamed Amiin: waa yahay. 

Habeenkaa markii internerka ay ka soo baxeen Maxamed Amiin iyo Samiira, halkaa ayaa laga soo wada jaanqaaday. Samiir oo maalmo yar oo kooban ka soo kabanaysay dhaawac iyo dhurbaaxadii xanuunka badnayd ee dhowaan gaadhay, hadana waxay diyaar u tahay inay bilawdo haasaawe ugub ah. Halkaa haddii dadka qaar wax iska waydiiyaan sababta Samiira iyadoo niyad jabsan hadana diyaarka ugu tahay in ay haasaawe cusub ula bilowdo Maxamed Amiin. Waxaa jirta aragti dalka Djibouti si wanaagsan uga shaqaysa taas oo ah, haddii qof aad is jeceshihiin ku xumeeyo oo nabsi kaagalo, sida ugu wanaagsan ee aad isku ilowsiin karto in ay tahay, inaad xidhiidh kale oo cusub bilowdo. Aragtidan dhowr goor oo la tijaabiyay na waxay noqotay xalka ugu macquulsan.

Isla Habeenkii ugu horreeyay ee Samiira iyo Maxamed Amiin isbartaan, waxay soo tustay xaafaddooda. Sidoo kale waxaay kala qorteen lambarro ay ka wada xidhiidhaan.  Sidaa ayaa la isku nabad galyeeyay. Kulankoodii labaad xigay waxaa lagu kulmay guriga Maxamed Amiin galo oo ku yaalay xaafadda 1aad, waxaa haasaawaha ibbo furay oo sheekada qaatay Samiira waxaanu hadalkeedu u dhignaa sidan; habeenkaan is baranay ee aan ku kullannay goobtii internernet ka aad iyo aad ayaan u niyad jabsanaa, waxaan dareemayay qalbi xanuun badan. Habeenkaa baahi internet ilma hayn, manaan doonayn ee waxaa igu qasbayay asaxaabtayda, markaan sidaa u soo istaagay daarradda internetka waxaan isha ku dhuftay dhalliin yaro badan oo saf ugu jirta internerka dhallintii halkaa fadhiday cidna kaamay labis fiicanayn, taas ayaa keentay in ishaydu ku qabato, wuxuu wajigaaga iigu ekoonaa mid iftiimaya oo daacadnimo ka soo burqanayso, sidoo kale waxaa iiga muuqatay inaad wiil daacad ah tahay oo aan wax balwad ahi ka muuqan, isla markaana nadiif ah.               Waxaan marnaba kaskayga ka baxayn labiskii bilicda-samaa ee habeenkaa aad gashanayd. Shaadkaagu cadaan qurux badan ayuu ahaa, halka surwaalkaaguna madaw buluug xiga uu ahaa. Intaa waxaa u dheerrayd saacad aad moodo inay ka samaysan tahay dahab iyo mobile ka gacanta oo ahaa mid aad u dhalaalayay dananka muusiga ee heesta macaanka badan ka danbayso ee kuu soo dhacaysay Mobile kaagu erayadeeda waxaan ka xasuustaa;

“Jeceylkaan maalay een,                                                                                                                

 miskeedu annuu ku idhi,                                                                                                           

macaankiina dhadhami,                                                                                                                 

maxaad uga maarantaayood,                                                                                                    

qadhaadhka u muudsataa ?!”

Dhinackasta markaan ka eegay, waxaad iila muuqatay qof macquul ah, annaa waxaan jeclaystay inaan xidhiidh kula bilaabo. Xidhiidhkaas oo aan rabo inaan ku ilaabo dhibaatadii uu ii gaystii Gooshee!.

Maxamed Amiin oo in badan dhagaystay, u qushuucay hogo-tusaalayaasha farashaxannimadu ku dheehantahay ee ay adeegsanayso Samiira, ayaa hadalkii qaatay waxaanu yidhi;

 

Habeenkii 1aad ee aan kullannay waxay ahayd habeen khamiisa oo aan aad u faraxsanaa jawiguna uu macanaa, ku dhowaad saacad waxaan sugayay internet ka, goordanbe ayaad safkii ku soo biirtay, seddex hablood ayaa kula socday, dhexda ayaad ugu jirtay hablaha waxaanay mooday dherer ahaan inaad isku sar jarnaydeen seddexdiinuba, waxaa kale oo aad ka sinnaydeen labiskiina oo ahaa cabbaayado, midab casaan dhallaalayana waad wadaagayseen. Marka laga yimaado bilicsamaantaada haddii si qoto dheer laguu sii eego waxaa lagaa dareemayay inuu wajigaaga ka muuqdo fikir iyo walbahaar aad xeelad ku qarinnayso hasayeeshee ka soo burqanaya wajigaaga.  siday doontaba ha ahaatee hadalka adigaa  igaga  horreeyay, waxaanad isku keen bartay si kaftan ku dheehan yahay oo qurux daban. intaa kadibna waxaynu kala qoranay tilifoonnada, xaqiiqdii waan raagsanayay intaad i soo garaacayso waanan ka xishoonayay inaan ku dag dago tilifoonkaaga inaan soo garaaco.  Isla habeenkii 2aad rabbi weyne wuxuu qadarray inaan kullanno. Waxaa ii muuqatay inaad tahay qof daacadda oo ku jirta taxadir faro badan. 

Muddo kooban markay haasawayeen Maxamed Amiin iyo Samiira, sheekadooduna ay marayso meel aad u fican, waxaa dhakhtarka ka soo baxay Gooshee, waxaanu u soo kacay dhinacaa iyo Samiira isagoo doonaya inuu Samiira ka codsado inay iska saamaxdo waxaanu ku rajo waynaa inay Samiira saamixi doonto. Kullankoodii ugu horreeyay tan iyo intuu cisbitaalka galay. Waxaa dhexmay dooddan;  

Gooshee: Samiira iska warran?                                                                                           

Samiira: waan fiicanahay ee maanta waad soo dheeratay. laakiin waxaan u malaynaa inaad soo doonatay aflagaaddo, sababtoo ah innaga ma dhexayso naxariis iyo jiljileec.          

 Gooshee: maya walaal sidaa ha odhan. Waan ogahay inaan khaldamay, laakiin hadda ayaan rabaa inaan ka soo noqdo ee ha iga aarsan.                    Samiira: ma xuma haddaad khaladkaagii ka soo noqotay ee mid kale ayaa jirta oo u baahan in laga hadlo “anigu intii aan kaa maqnaa waxaan bartay inan bini’aadminimada wax ka yaqaan oo sharaf leh aad na aan u jecelahay. Waxaanan kaa codsanayaa inaanad na soo dhexgalin. wax xumaan ah oo uu wiilkaasi igu sameeyayna ma jirto.  Markaa walaal waxaan kaa codsanayaa inaad Ubax iska guursato.                                                                                                 

 Gooshee: Samiiraay qof aan aniga ahayn inuu nolol kula wadaago geeri baan ka xigaa. mana dhacayso ee taa ku seexo oo ku soo toos!                                                                        

 Samiira: mar labaad baad khaldamaysaa. Cidda aan la noolaannayo go’aankeeda anigaa leh waana wax aniga ii yaal, mana aha mid aan adiga kaala tashanayo.    

 

Gooshee isagoo cadhaysan buu ka kacay meesha,Samiira uga ma baran hadalka noocan oo kale ah aad iyo aad ayay u ixtiraami jirtay. Waxaa lagu kala tagay khilaafkaa iyo cadaawaddaa bilawga ah.

 

(Waxuu ballan ku qaaday Gooshee inaanay isaga oo nool Samiira cid kale la sheekaysan karin).  

Gooshee waxuu sameeyay daba gal ballaadhan oo uu ku soo ogaanayo taariikh nololleedka Maxamed Amiin baadhitaankaa ka dibna waxaa u soo baxay in Maxamed Amiin uuna awood buuran ku lahayn Djibouti dhexdeeda. yahay na nin reer Hargeysa ah oo macalin ka ah dugsiyada gaarka loo leeyahay oo waliba aan asaxaab badan ku lahayn magaalada Djibouti. Markii uu intaas oo xog ah soo helay uu arkayna heerka uu marayo jeceylka ka dhexeeya Maxamed Amiin iyo Samiira.

 

Habeen khamiis ah oo Maxamed Amiin iyo Samiira ay soo wada cashaynayeen ayuu Gooshee oo mooto wataa, xaga dhabarka kaga yimid waxuuna mootadii ku dhuftay Gooshee oo habeenkaas dhaawacyo yaryar ay soo gaadheen. Samiirana way fahantay ninka mootada jiidhsiiyay Maxamed Amiin inuu yahay Gooshee oo ahaa jeceylkeedii hore arrintaa uma sheegin Maxamed Amiin ee si madax bannaan ayay dacwad uga furatay saldhiga koobaad ee xaafadda koobaad ee Djibouti.

Dacwaddaana waxaa loo qaaday si caddaaladdi ku jirto oo Samiira waxaa lagu yidhi hadduu meesha aad joogto uu soo ag istaago, saldhigga kuugu dhow la xidhiidh. Goosheena digniin adag ayaa la siiyay. 

Maxamed Amiin waxaa ku batay weerarro aanu garanayn dhinaca ay kaga immanayaan iyo shirqoollo, waxaana la xidhay ilaa shan goor. Intaa waxii ka danbeeyay Maxamed Amiin  Waxuu dareemay, dhinaca ay wax kaga socdaan iyo dhibkani maalintii ay u bilaabmatay inay ahayd maalintii uu Samiira bartay. Waxa kale oo raadeeyay taariikh nololleedkii Samiira iyo inta wiil ee ay la soo sheekaysatay, si uu cadawgiisa u aqoonsado iyo inta jaho ee warmaha lagaga soo ganayo, wuxuu wakhti siiyay baadhitaanka dhacdooyin Samiira soo maray oo uu u arkaayay in ay ka dahsoonaayeen marka. Waxuu soo helay dhawr sheeko oo yaab leh oo Samiira hore ugu dhacay, Maxamed Amiin waxuu la kulmay nin Axmed la yidhaah oo Samiira ilaa yaraanteedii yaqaannay. Waxaana dhexmaray warraysigan:  

Maxamed Amiin:  saaxiib inanta Samiira la yidhaa aqoon intee leeg ayaad u leedahay?                       

 Axmed: ilaa xad waan aqaan Samiira, maxaa soo galay?                                                 

 Maxamed Amiin: saaxiib gabadhaa waxaa na dhexmartay sheeko, muddo sannad ah hadda socotay, intii aan bartay waxaan ka bixi waayay dhibaato, markaa waxaan rabaa inaan waxbadan ka ogaado nolosheedii hore ee aduu waxaad ka taqaan iiga sheeg.                            

Axmed: waa hagaag ee si fiican u dhagayso, marka hore Samiira waxay dhalatay 1975kii waxaanay ku dhalatay Saudi Arabia, Samiira waxay la dhalatay laba wiil wax hablo ah na lamay dhalan. Samiira aabbeheed waxuu geeriyooday 1995kii waxuunu ku dhintay magaalada Djibouti. qoys ahaan Samiira waxay ka soo jeedaa reer sabool ah, hooyadeed na waxay iibisaa Jaadka. Samiira 1992kii waxaa la keenay madarasad lagu barto carabiga iyo culuumta islaamiga oo ah meesha aan isku baranay wakhtigaas, anuu meesha waxaan ka ahaa macalin iyaduna waxay ahayd ardayd.  “Dabeecad ahaan Samiira waa ka hodan” oo cidna isma diidaan, laakiin waxaan u maleeyay in Samiira nasiibkeedu aanu fiicnayn!, ilaa maalintii ay ku soo biirtay madarasadda ilaa maanta waxaan Samiira u aqaan si wanaagsan.                                                                         

Maxamed Amiin: saaxiib Samiira ma waxay dhalatay 1975kii imikana waa 2009kii markaa da’deedu waa 34 jir saw maaha?                                                                                            

 Axmed: haa saaxiib.

Maxamed Amiin: waa yaab laakiin aniga way iga qarisee… Maan waydiinba… Waan wareeray!                                                                                                                          

 Axmed:  saaxiib hore waxaa loo yidhi, gabadh na dadeed ha waydiin nina mushaharkii ha waydiin ma gabadhbaa dadeed la waydiiyaa?

Maxamed Amiin: haye maxay kale oo aad ka og tahay Samiira?

Xaamud: Samiira da’aad u yar ayay sheekada ku bilawday, ninkii ugu horreeyay ee ay la sheekaysataana waxuu ahaa nin macalin ah oo da’diisu ahayd 40jir, wuxuu daganaa xaafadda todobaad ee Magaalada Djibouti. Ninkaasi Samiira waxuu la sheekaystay oo uu wakhtiga ka lumiyay muddo dhan lix sanno, wakhtigaa Samiira 17 jir ayay ahayd oo dhib badan umay arkayn wakhtigaa ka lumay. Gabo-gabadiina waxuu guursaday inan Samiira saaxiib la ahayd la na odhan jiray Muna.

 

Intaas ka dib waxa kale oo ay la sheekaysatay nin magaciisu ahaa Saleebaan kaasina markay muddo laba sanno ah sheekaysanayeen ayuu iskaga dhoofay, intuu cabbaar tilifoon iyo internet wakhtiga kaga riday ayuu Djibouti ku soo noqday isagoo ilmo iyo xaas wata. Markii uu dhoofayayna waxuu ku yidhi adiga ayaan kuu maqanahay. Haddaan wali ku sii socono taariikh haasaaweedkii dheeraa ee waayaha badnaa ee Samiira, intaa ka gadaal waxay Samiira la sheekaysatay Nin magaciisa la odhan jiray Maxamed kana shaqayn jiray Djibouti telecom ka kaana way iskhilaafeen iyagoo muddo seddex sanno ah sheekaystay.

 

Isku soo wada xoori oo Samiira ragga ay la sheekaysatay way gaadhaan todoban Nin intuba nabsi ayay ka galeen, waxaanan u malaynayaa inaad adiguna nabsi ka gali doonto gaba-gabadii hadalkayga, gabadhaasi waa wado calaf, ninkay la sheekaysataba markay sheekadoodu ugu macaantahay ayuu gabadh kale guursadaa. Laakiin naxariista Rabbi kama quusato ee isla markaaba waxay bilowdaa haasaawe ugub ah.  bal si ay ka cusub na nasiib keeda uga qaado.                                                                                                                      

 Maxamed Amiin: wax badan baad caawa ii sheegtay, waanad ku mahadsantahay laakiin shayga kaliyaata ee aan is waydiinayaa, waxa weeyaan Samiira maxay kuugu sheegi wayday waxaas oo dhacdo ah?!                                                                                                         

Axmed: saaxiib miyaanad maqlin in soomaalidu ku maahmaahdo dumerna badhaadhahooda ayay ka sheekeeyaan ragna ba’iisa.                                                                                  

Maxamed Amiin: gartay waanan kaa sii kacayaa ee aad baad u mahadsantahay.                        

 Axmed: saaxiib intaanad kicin midbaan kaa codsanayaa, waxaa Ina dhexmaray ee sheeka ah inaanad waxba uga sheegin Samiira. Waayo gabadhaasi xumaan bay ii qaadaysaa, Waanad iska kici kartaa. Joog… joog… joog. Waxaan kaa ilaabay sheekadii ugu murugada badnayd ee Samiira qabsatay, haddaad diyaar u tahay aan kuu bilaabo inkastoo goordanbe ay tahay. Haddii kale oo aad deg degsan tahay, goor kale ayaan ka sheekaysan doonnaan.

Axmed: saaxiib isku kay raaci caawa yaan waxba ii kala kaboobin’e.

Maxamed Amiin:  Inkastoo aan arrimo door ah isku dul furfuray hasayeeshee Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa halkaad ku qoydo uun baa lagu qalajistaa ee mar uun ha innaga ahaato sheekada taxanaha ah ee noloshii Samiira.

 

Gu’gii 2010kii. Samiira waxay haasaawe la bilowday wiil macalin ah, oo ku dhashay magaalada Boorama, magaciisa la odhan jiray Guuleed, wuxuu wax ka dhigi jiray xaafadda ay ka Samiiri ka degan tahay Djibouti, dugsi aan sidaa uga sii dheerayn. Barashadooduna waxay ka bilaabmatay isla dugsigaa. Samiira wiil ay walaalo yihiin oo da’diisu ahayd 16 jir ayay luuqadda ingiriisigu ku adkayd, Samiira na dugsiga waxay u keentay in luuqadda uu ku barto. Isla maalintii dugsiga la qorayay Cabdirixiin yare, indhaha Guuleed waxaa soo jiitay quruxda, bilicda, daganaanta iyo akhlaaqda ka muuqatay Samiira iyo siday wax ugu sharraxayso.  Guuleed wuxuu qalbiga ka jeclaaday Cabdirixiin, sababtuna waxay ahayd isagoo u arkayay dawga kaliya ee isaga iyo Samiira isku xidhaya inuu yahay. Cabdirixiin si wanaagsan ayuu wax u baray intii tamartiisa ahayd.

Cabdiraxiin wuxuu ahaa wiil aad u akhlaaq badan, ku filan casharradiisa oo soo xiftiyo, qalqaali ma ahayn. Guuleed ‘se wuxuu raadinayay fursad uu khalad ku galo Cabdirixiin si ugu diro walaashii. Nasiib darro waxaa Guuleed ku noqotay, gef yaraanta Cabdirixiin. Afar bilood markuu dhiganayay Cabdiriin dugsigii ayay maalin is khilaafeen wiil da’aan isaga leeg.

 

Waa meel aan rabay, roob ma igu heley’e.  Guuleed wuxuu markiiba Cabdirixiin u diray waalidkii, waxaanu ku adkeeyay inuu u yeedho inantii maalintii hore keentay, Waa Samiira’e. Cabdirixiin u yeedh walaashii Samiira. Guuleed wuxuu markiiba si diiran oo ka geddisan sidii maalintii hore uu u qaabilay, ayuu ugu soo dhoweeyay xafiiska, sharaabna dukaan aan dugsiga sidaa uga sii durugsanayn ayuu uga doonay. Arrinta ugu weyn ee uu ugu yeedhay kuna mudnayd muddo’ba waxay ahayd inuu helo lambarka tilifoonkeeda gacanta. Guuleed wuxuu u galay araar dheer. Wuxuu uga sheekeeyay in uu Cabdirixiin wiil wanaagsan yahay. hasayeeshee dagaalamay. Wuxuu Samiira ku canaantay in aanay ka soo war doonin oo aanay dugsiga la soo xidhiidhin. Gabo-gabadii wuxuu Samiira ka qortay lambarkeedii, waxaanu halkaa ku unkay xidhiidh tilifoon oo isku baddalidoona xidhiidh jeceyl iyo mustaqbal.

 

Is-araggii ugu horreeyay ee ay haasaawe ugu kulmaan Samiira iyo Guuleed, waxuu ahaa habeen jimce ah, waxay u wada casho tageen Hudheel la yidhaa “Nuugabarik,” hudheelka halka ay ka fadhiyaan meel aan sidaa ugu sii dheerrayn ayay carruur yaryari ku ciyaaraysaa. Hasayeeshee Guuleed wuu dhibsanayaa jabaqda agabka carruurtu ku ciyaarto ka soo baxaya.

Waxa kaliya ee dhagahiisu in ay maqlaan uu jecelaan lahaa waa Codka macaan ee xabeebta yar ku jirto ee xabeebta yar ee qurxisay lagu badhxay ee ka soo baxaya afka Samiira midibkiisu luulka u eeg yahay ee Samiira.

 

Samiira habeenkaa taariikh nololleedkeedii oo dhan intii ay ka gaadhi karaysay ayay uga sheekaysay, iyadoo badhtanka kaga jirta sheekadii, ayay saacadda tilifoonkeeda gacantu si lama filaan ah isha ugu dhufatay. Goorsheegtu waxay caarada ku fiiqaysay 12:00 habeennimo. Waxaanay xasuusatay in ay hudheelka soo fadhiisteen 7:00 fiidnimo. Intay mar kaliya joojisay hadalkii ayay tidhi Guuleed waa goor danbe. Waxaa ila wanaagsan inaan sii dhowaanno. marar kale oo badanna waynu kulmi haddii xagga rabbi laga helo. Raalina iga ahow haddaan kullankii ugu horreeyay sheekooyin dhaadheer oo dhibaatooyin badani ku jiraan kugu qarqiyay.

 

Dhib uma arko walaal runtuna waa qadhaadh laakiin laga ma raysto. imikana waan sii kacaynaa. Khamiista danbe ayaa inoo ballan ah haddii rabbi xukmo. Waxba yaan sheekadu ila sii durkin’e, Samiira iyo Guuleed markay seddex bilood oo xidhiidha haasaawayeen oo waliba seddex bilood kala ahaayeen Jun- jully iyo August. Cimilo’ahaanna ah bilaha ugu kulka badan Djibouti.

Samiira waxay Guuleed u keeni jirtay baraadad ama jalxad biyo qabow iyo sharaab ku jiraan, saacaddu markay tahay 9:00 habeennimo ee xiisadii qaar na uu dhigay qaarna u hadhsan yihiin.

 

Habeen salaasa ah ayay Samiira gabadh ay aad iskugu dheeraayeen arooskeedii tagtay. Waxay guriga timid goor danbe oo qiyaastii 12:40 habeennimo ah. Irriddii gurigooda markay garaacday ayaa si dhakhso badan looga furay. Waxaanay daaradda guriga ku aragtay Hooyadeed oo ilma ka tiraysa walaalkeed Cabdirixiin.

 

Markiiba Samiira waxaa maskaxdeeda ku soo dhacay in Cabdirxiin uu dagaalamay oo cid ka xoog badan ay is-dileen. Intay shandad gacmeed ay sidatay tuurtay ayay dusha kaga soo dhacday, Hooyadeed iyo walaalkeed oo dhabta isku saaran. Samiiri waxay ku dhawaaqaysaa, YAAD IS DAGAASHEEN?  YAAD IS DAGAASHEEN?  YAAD IS DAGAASHEEN?

Cabdirixiin ayaa cod kore ku yidhi “cidna ismaanu dagaalin. Laakiin, Macalinkaygii Guuleed ayaa dhintay oo wadnahu istaagay.!”

Samiira markay intaa maqashay ayaa miyir igu danbaysay. saacaddii ayaa Taxi loo doonay oo Samiira hooyadeed ilowday xaalka Cabdirixiin. Waxaan Samiira loo qaaday dhinacaa iyo  dhakhtarka.

 

Samiira laba maalmood ayay suuxsannayd, seddex maalmood na illinta kama ingagin indhaheeda. Habeenkii uu geeriyooday Guuleed, waxaa dhacayay kullayl badan. Samiira na maadaama ay ka mashquushay oo aanay sharaabkii qaboobaa u gayn, isla markaana aanay u sheegin inuu meel kale wax ka doonto oo uu sugayay. Waxay u qaadatay inuu haraad dartii wadnuhu u istaagay.

Geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Macalin Guuleed dad badan ayaa ka naxay oo arday u badan. Qaar kale na waxay joojiyeen waxbarashadii dugsiga, si aanay ugu soo xasuusan Guuleed.

Boqollaal qof oo aqoon u lahaa Guuleed, wali waxaa qalbigooga ka dhex guuxaya, sheeko macaanaantiisii, furfurnaantiisii, deeqsinimadii, kalgacal badnaantiisii iyo akhlaaqdiisii.

 

“Wali Axmed ayaa warbixintii iyo taariikh nololleedkii Samiira xididka ka waraabinaya Maxamed Amiin’e. Bal aan eegno mahadhadii ugu danbayso ee uu Axmed Samiira uga soo warriyo Maxamed Amiin…”

       September 17th 2010. Samiira waxay ka soo kabatay dhaawacii ay gaadhsiisay geeridii Guuleed. Waxaanay u xamaan xidhatay in ay nolosha halkii ka sii amba qaaddo oo xidhiidh kale bilowdo.

 

Dhinaca kale Samiira waxaa dadajinaya haweenku waa gu’tirsadaane, waxay maagan tahay inay ka faa’iidayso cimrigeeda. Si kastaba ha ahaatee. Waxay sheeko wadaageen, wiil kale oo reer Boorama ah Djibouti na bookhasho ku jooga, Magaciisuna ahaa kaynaan. Run ahaantii Kaynaan wuxuu la dhacay hub-qaadka Samiirka ama qaab dhismeedka jidhkeeda. Qodobada ay Samiiri ugu soo istaagtayna waxaa ugu mudnaa in uu ku yidhi Djibouti iyo nolosheeda ba waan kaa dheeraynayaa oo Somaliland ayaan ku wada noolanaynaa. Dhulkaa qabow ayaan iska tagaynaa.

Maadaama Samiira dhowr dhacdo oo qalafsan ay Djibouti kala kulantay, waxay door moodday in ay ka diga rogato. June 23th 2011. Waxaa safar soo galay kaynaan, Samiira na waxay isla meel dhigeen in in bil ka dib ay ka soo daba baxdo. Lambarkiisii Boorama ayuu uga yimid, kalsooni xad-dhaaf ah ayuu galiyay.

 

       July 23th 2011. Samiira waxay ka soo ambabaxday magaalo madaxda Djibouti iyadoo ku sii jeedda magaalo madaxda gobolka Awdal ee Boorama. Ka hor intaanay soo bixin waxay la xidhiidhay Kaynaan si uu safarkeeda uga warqabo, isla markaana u soo dhoweeyo. Muddadii bisha ahayd ee ay Kaynaan iyo Samiira kala maqnaayeen, xidhiidhkoodu wuxuu u badnaa Internet. Inkastoo mararka qaar ay tilifoon ku wada hadli jireen. Samiira iyadoo reerkooda u sheegtay in ay xagaa baxayso oo kaliyaata, misna waxaa u qarsoonaa in aanay Djibouti dib ugu soo noqon. Maalin khamiis ah casar gaabay ayay Samiiri Djibouti ka soo baxday.

 

Gaadhigii wuxuu habeenkii oo dhan soo guureeyaba. Tuulo yar ayuu gaadhigii istaagay si rakaabka gaadhga saaran uga casheeyaan ama uga shaahaan. Samiira markuu gaadhigu sidaa u istaagay ba, waxay tuulada uga kacday dhinacaa iyo koonfur galbeed. Waxay Samiira raadinaysay Suuli, musqul ama baytalmay, qofba siduu u yaqaan. Waxay meel dheer ka aragtay, waxay u malaysay inuu suuli yahay. Markii ay ku soo dhowaatay waxay kala garan wayday meel laga galo. Wuxuu u muuqday mid aan dhowaan la isticmaalin oo sii dumaya. Samiira siday u doondoonaysay albaabka suuliga, ayaa waxay maqashay qaylo dhawaaqeedu aad u sarreeyo.

waay Ey yaryar oo qiyaastii laba habeen ka hor uu meesha Eyaddi ku dhashay. Samiira oo wali ka naxsan, aan garanna waxan ay ku istaagtay, ee qayliyay ayaa waxaa ku soo booday Eyaddii dhashay eydan yaryar. “Mise Samiira ayay lugta midig muruqaa kubka, siduu u dhan yahay kala baxday,”

markaliya ayay Samiira kor u dhawaaqday, rakaabkii gaadhiga saarnaa oo aan sidaa uga sii durugsanayn ayaa ku soo orday. Samiira way fadhidaa oo qaylinaysaa. Eyaddiina dhasheedii ayay afka ku guranaysaa. Rakaabkii oo dumar u badnaana qof ku dhaca oo intuu Eyadda dhaafo Samiira garabsiiya ayaa laga la’yahay. Kirishboygii gaadhiga ayaa loo yeedhay, isagaa Eyaddii ka eryay, meeshana Samiirana ka soo qaaday, goobtii ay ku dhaawacantay dhiig ayaa sida buux dhaafiyay.

Samiira muruqa lugtu inyar ayuu iska haystaa, intiisa baddanna waabay laa’laaddaa. Intaa waxaa dheer irbad dhiiggan qulqulaya lagu joojiyo tuuladan iyo mid ka sokaysa Boorama toona laga heli maayo.

Safarkana intiisa badnayd ayaa hadhsan, waa habeennimo, baabuurka si xad-dhaaf ah ayaa loo soo buuxiyay. Waxaad mooddaa in dadku dusha iska saarsaaran yahay.

 

(Guurrihii habeennimo, oohintii Samiira iyo naxariistii ama jidh dabacii rakaabka waxaa la soo nabad soo gaadhay magaalada Boorama).

Samiira waxaa la waydiiyay inay garanayso xaafaddii ay ku dagaysay, maadaama ay dhaawacantahay oo aannay is dabari Karin. Si loo geeyo guriga. Markii gaadhiga laga degayay ayay Shandaddeedii gacanta baadh baadhay, tilifoonkeedii gacanta ayay ka wayday. Waxaa markiiba maskaxdeeda ku soo dhacay in ay meeshii Eyaddu ku cuntay tilifoonkii kaga timid.

 

Cabbaar markii hadalka la isku celceliyay ee dhinaca Samiir xal ama jaho loo kaxeeyo laga waayay. Waxaa xal keenay gabadho rakaabka ka mid ahaa waxaanay soo jeediyeen inta Samiira cid loo helayo in cisbitaalka la geeyo. Cisbitaalkii ayaa la dhigay, Samiira lacag waxay wadataa $50.

lacagtii ay wadatay waxay noqotay dhaymadii ugu horraysay oo keliya. Samiira waxay codsatay in gaadhigii siday uu tilifoonkeedii gacanta uga baadidoono halkii Eyaddu ku cuntay bal inuu kaga dhacay. Wali Samiira waxay rajo weyn ka qabtaa in haddii ay hesho lambarkii Kaynaan ay caqabaddahan haystaa kala fududaan doonnaan.

 

Gaadhigii Samiira Boorama keenay markuu ku noqday Tuuladii Samiira Eyaddu ku cuntay waliba isla goobtii. Nasiib darro inankii meeshii wax tilifoon ah kuma arag meeshii. Gaadhigu wuxuu habeen ku dhaxay Boorama. Laba habeen oo kale na waxuu ku dhaxayaa Djibouti. Samiira jawaabta waxuu u keenayaa seddex habeen ka dib. Cisbitaalka Samiira ku jirto wuxuu rabaa lacagtii jiifka ee habeenkii. Dhaymadiina uu ba ka joojiyay. Gaadhigii ayaa Boorama soo gaadhay.

 

Waxaanu Samiira u sheegay in meeshii wax tilifoon ah aanu ku soo arkin. Samiira seddexda wakhti ayaa hal mar hablo wax cunto ah u keenaan. Dhibkan iyo dhaawacanna waxaa kala wayn, siday isku seegeen Kaynaan. Usbuuc markay Samiira cisbitaalka taalay ee ay rajo uun qabto in Kaynaan cisbitaalka ugu iman doono.

 

Waxay darreentayna in kharashka jiifka cisbitaalku ku sii badannaayo, waxay go’aan ku gaadhay in ay lambarkii hooyadeed garaacdo, una sheegto wixii dhib ay la kulantay. Isla markaana ka codsato in loo soo diro kharasha cisbitaalka iyo kharash ay gaadhiga dib ugu soo raacdo.  Gaadhigii soo qaaday ayay dib ugu noqotay Samiira, iyadoo niyad jabsan oo cago-jiid ah, gaadhigii markuu Magaalada Lowya-caddo u jiro 20km ayuu taayir u baxay. Rakaabkii gaadhigaa saarnaa waxaa ku dhaawacmay Samiira iyo Islaan da’ahayd oo keliya. Samiira bir ayaa ka gashay gadhka hoostiisa. Waxaana dilaacay in ilaa afar qodob la tolikaro iyo jilibka midig oo jug ka soo gaadhay oo isna barar keenay. Samiira oo caafimaad qabto rajo guur oo wanaagsanna leh ayaa ka baxday Magaaladii ay ku dhalatay ee Djibouti. Waxaanay ku soo noqotay iyadoo seddex nabar qabta, quusna ka taagayn riyadii guurka ee sannadkii ugu danbeeyay ba hurdada u diiday.

 

Samiira Somaliland iyo safarba way ka xanaaqi jirtay. Intaa ba waxaa ka sii daran in Kaynaan ka warqabay mudadii ay cisbitaalka ku jirtay, guriga uu magaalada ka dagan yahayna wuxuu ku yaalay cisbitaalka dhabarkiisa. Isla subaxdii Samiira la keenay CIsbitaalkaba uu ogaaday in qofka dhexda ku soo dhaawacmay ay Samiira tahay.

 

Ahmed: Sheekadaa illa sii dheeraatay saaxiib’e aan ku sii dhoweeyo’e, inna keen. Meesha lagu sheekaysanayay, waxay ahayd xafiiska Ahmed. Kulankaa waxaa ku xigay, kulan ay wada qaateen Samiira iyo Maxamed Amiin oo aad u cadhaysan oo aad mooddo inuu degdegayo sheekadooduna sidan ayay ku bilaabmatay;  

Samiira: habeen wanaagsan gacaliye.

Maxamed Amiin: fadhiiso aniga caawa habeen wanaagsani agtayda ma yaal’e!.                           

 Samiira: maxaa dhacay ee aad maqashay?!                                                                      

 Maxamed Amiin: waxaa dhacay oo aan maqlay inaad i khiyaantay oo aad iga qarisay wax badan oo noloshaada ku saabsan. Waxa kale oo badanna beenbaad iiga sheegtay!

 

Samiira: Maxamed Amiin. Marmarka qaar beenta waxaa kugu kalifaya wakhtiga iyo duruufaha nololleed!.

Hore waxaan u sheekaysanay rag badan midkasta oo ogaada taariikh nololleedkaygii hore waa iga tagaa, lakiin waxaan raadinayaa nin qadarka aaminsan oo aan iigu cannaanan waxii Allah ii qoray inay igu dhacaan. Runtii aniga nasiibkayga yaa xun, hablihii aan asaxaabta ahayn intooda badan waa la guursaday, waxaanay ku nool yihiin nolol wanaagsan. anigana marba qofkaan aamino ee aan jeclaado ayaan waayayaa, xaqiiqdii waxaan ahay wado calaf ninkasta oo aan la sheekaystaanaa hore ayuu u guursadaa gabadh kale, midkasta oo ballan igaga baxana nabsi baan ku ogahay. isku soo wada geeyoo nolosha adduunyada markaan is idhaa maanta ayay kuugu dhawdahay guur iyo nolol macaan oo raaxo ku dheehantahay ayay iga sii durugtaa oo calool xumo iyo ciil ii baddalaan farxada iyo rayn raynta. laakiin waxa iigu naxdin badnayd, iigu saamayn badnayd, iiguna murugo badnayd. Goor aan jeceyl wadaagay wiil aad u macaan badnaa.

 

Wuxuu ahaa nin aan aad u jeclaa oo daacad ahaa, oo aan sheekaysanay muddo yar. Waxuu ka soo jeeday Reer sabool ah, waxuuna waayay adduun uu igu soo doonto, isaga oo aan ii sheegin ayuu habeen madaw u dhaqaaqay tahriib, markaan muddo warkiisa moogaa Ayaan maqlay inuu wiilkaasi ku dhintay bada u dhaxaysa Libya iyo Italy. qisadaasina waxay ahayd tii iigu yaabka badnayd. Walow uu jiray wiil kale oo isna dhintay iyadoo sheeko noo socota laakiin wiilkaasi wadnaha ayaa istaagay, macalinna uu ahaan jiray.

 

Waxaan odhan karaa inankaa biyaha badda ku dhintay darraadday ayuu safarkaa u galay sababta geeridiisana waxbaan ku leeyahay sidaan qiyaasayo. Isagoo safar ugu jira inuu nolol fiican ila qaato ayuu naaftiisa waayay.

Salaadkasta oo aan tukanayana ilaahay waxaan u baryaa inuu janatu-farduusa ka waraabiyo. Aniga rag hore oo badan ayaa iga tagay ina xumeeyay. Adiguna haddii aad igaga tagayso war laguu soo sheegay ama aad leedahay maxaad waxaa iiga qarisay adiga haddaan ku waydiiyo.

arrin aad ogtahay inay idin kala gaynayso qofka aad jeceshay ma u sheegi lahayd?! Fadlan bal booskayga soo istaag oo si daacadnimo ku dheehantahay iigu jawaab.

Anuu khalad kee baan galay? Maxaan galabsaday? Maxaa  la igu nacayaa? Adigu wax xumaan ah ma igu aragtay? 

Maxamed Amiin: waxaan kuugu jawaabo ma aqaan! Anna hada ayaan kaa tagayaa dibna iima arkaysid.

 

Sidaa ayuu Maxamed Amiin kaga tagay Samiira iyo Djiboutiba. Waxaanu u soo dhaqaaqay dhinacaa iyo Hargeysa. Markuu Maxamed Amiin Hargeysa yimiday wuxuu falawgeed galay siduu isku illawsiin lahaa Samiira. Walaw iyadu ay tilifoonkiisii raadisay oo ay dhowr jeer la soo xidhiidhay.

 

 Maxamed Amiin waxuu bilaabay sheeko kale, waxaanay is barteen inan la yidhaa Hoodo.  

Hoodo waxay ahayd inan ka soo jeeda qays ladan. Waxaanay ahayd inan dabeecad wanaagsan oo qurux badan. Hoodo waxay aad iyo aad u jeclayd dhoofka isna Hoodo ayuu aad u jeclaa. Muu dooni jirin inay ka dheeraato. Hoodo inta badan waxay tagi jirtay Addis- ababa oo khad uga socday. Waxaanay ku guuldarraystay dhowr goor oo hore, intaa waxii ka danbeeyay Hoodo waxaa u suurto gashay inay tagto turkiga oo ay ka sii baxdo dhinacaa iyo giriiga.

 

      19th March 2013.  waxay ahayd casar dheer. Maxamed Amiin oo aad u farxasan ayaa maqaaxi Magaceeda Caddaani Cafateria la yidhaa oo suuqa hoose ee Hargeysa ku taal fadhiya ayuu tilifoon u soo dhacay. Tilifoonkaas oo sheegaya in Hoodo ay gashay Europe isla markaana dhakhtar ku yaal dalkii qaabilay ay ilmo ku dhashay. Uurkaasi waxay sii qaadday intii ay jidka ku jirtay.

Maxamed Amiin ciil iyo calool xumo way u dhammaatay, inantan dhexda ku sii xumaatay, indhihiisa ayuu ka jecel yahay. In badanna uu kala taliyay inay dalkeeda aaminto. Hasayeeshee, way ka dhaga adaygtay.Maxamed Amiin markuu quus ka gaadhay Hoodo. Waxuu u soo janjeedh samay dhincaa iyo Samiira waxaanu dareemay in uu nabsi qaatay.

 

28th February 2014. Samiira waxaa dhacay meherkeedii. Markuu Maxamed Amiin Samiira la soo xidhiidhay, waxay Samiira u sheegtay in ay goortan ay xaas tahay. In badanna ay ka dhur-sugtay oo ay soo garaacday, bal inuu cadhadaa ka soo laabto.

Maanta oo ku-aaddan 21th.7.2015.  Samiira waxay degantahay guri ku yaal xaafadda la yidhaa “seestaa” oo ah xaafad dheegga ku haysa badda seestaa, guri qabow badan oo muraayadahiisa banaanka laga erko biyaha bada, isla markaana ay soo gaadhaan dhurbaaxooyinka mawjadaha badda ee xambaarsan naacawda macaanka iyo udugga badan.

Dhammaad. “ Rabbow kuu magan, Rabbow mahaddaa”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.