Muxuu Siilaanyo Ka Yidhi Mudo Kordhintii Daahir Rayaale ee 2009-kii?

0

Hargeysa(Sayruuq)-Madaxweynaha hada Axmed Maxamed Siilaanyo oo mudo xileedkiisii uu ku dhawyahay gabaabsi isla markaasna mudo kordhin ay u sameeyeen golaha guurtida taas oo aanay ogolayan xisbiyada mucaaradka ah ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa khudbad xog waran ah oo uu siinayay qurba joogta reer Somaliland ee dalka Ingiriiska sanadii 2009-kii kaas oo uu kaga hadlaayo wakhtiga doorashada ka dhiman ee la kordhiyay cida dalka sii maamulaysa.

Axmed Siilaanyo ayaa wakhtigaas xukuumadii Rayaale u aqoonsanaa muumul kumeelgaadh ah oo aan lahayn awoodo buuxa oo xukuumadeed, waxaanu sida oo kale xisbigiisu miiska soo saartay in dawlad wadaag ah la dhiso inkasta oo aanay isku wada raacin.

Hadaba halkan ka akhriso khudbadaas xogwaranka ah ee uu bixiyay madaxweynaha hada wakhtigii uu mucaaradka ahaa “Arimaha doorashooyinka marka laga tago meeshaas( Mudada la kordhiyay) maxaa inaga gaadhsiinaaya, maantaynu joogno iyo maalintaas doorashada la galaayo yaa inagu simaaya, waxay yidhaahdeen(UDUB)  ( yaa nagu simi lahaa anaga uun ma cid kale ayaad leedihiin ha ku fadhiisato anagaa nala doortaye,) mayee anaga nalama dooran oo ku fadhiisan mayno idinkana way idinka dhamaatay.’

“ Wakhtigaas wada hadalku noo socday waxa dhanka kalena ka socday wada tashi xisbi markaas Labdayada xisbi mucaarad waxaanu isla soo qaadnay dawlad wadaag ah oo noqota mid lagu gaadho doorashada, waxa la yidhi madaama oo nidaamkeenu aanu ahayn ka Ingiriiska ee uu yahay ka Maraykanka maxay tarayaan wasiiradaasi, inaga wasiiradeenu waa shaqaale oo nidaamka raysalwasaaraha waxa wax gooya golaha wasiirada laakiin inaga waa nidaam madaxweynahu uun uu wax gooyo. Xisbigu waa uu shiray (Kulmiye)  markaas hadii sadex afar shan wasiirba lagu siiyo maxay dhaamayaan kuwa imika la shaqeeya, maxaynu ke eedaynaynaa ee aynu ku ceebaynaynaa hadaynu dawladii kula jirno, dawlada la gali maynee waxooda ha qudhunsadeen inaguna waynu iska shakiyaynaaye, markaas hadalka oo kooban xisbiga ayaa goostay in aanay ka qaybgalin dawlada, waxa uu ahaa go’aan xisbi, nimankaas waxooda u daaya waa waxaynu ku caayaynay ee aynu ku dhaliilaynee.”

Siilaanyo oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Doodo faro badan ayaanu ka galnay iyagiina waanu u bandhignay oo waxaanu nidhi iska dhaafa dawlada idiinku iman maynee laakiin arinta meesha taalaa waxa weeye anagu maamul kulmeelgaadh ah oo inagu simaaya wakhtiga doorashada ayaanu idiin aqoonsanahay(UDUB). Taas aad ayay uga gilgisheen laakiin waa la aqbalsiiyay oo labada xisbi ee kale waa ay isku raaceen.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.