Muxuu Maxkamadda Ka Sheegay Cabdi Ilay?

0
“Waan ka aammin baxay Maxkamaddan,

Muxuu Maxkamadda Ka Sheegay Cabdi Ilay?
Sida uu muujinayo muuqaal laga duubay fadhigii shalay ee maxkamadda la soo taagay Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnaha la xidhan waxa dood kulul ka dhiibtay Cabdi Ilay oo ku baanay waxyaabihii uu ka soo qabtay Itoobiya isaga oo marag gashaday xisbiga haya talada Itoobiya.
Cabdi Ilay ayaa cabasho ka muujiyay xaaladda xabsiga isaga oo sheegay in aanu helin xuquuqihii uu maxbuus ahaan u lahaa, islamarkaana ehelkiisa iyo qareenkiisa aanu arag waxaanu ku dooday in uu yahay qof jecel Itoobiya kuna faanaya.
Hadalladiisa waxa ka mid ahaa:-

Qareenkayga waa la ii diidey In aan la kulmay
Xuquuqdaydi aan laha ma helo
Waxaan ahaa qof dalkiisa u daacad ah oo horumarkiisa iyo Midnimada dalkiisa kasoo shaqeeyey
Iyo weliba xaqiijinta himiloouinka wadanka.

Waxaan shaqooyin waaweyn ka qabtay gudaha wadanka iyo dibadiisaba waxaan ahay qof xoojinta dalkiisa qayb kasoo qabtay Taas waxa marag iiga ah dawlada federalka iyo xisbiga EPRDF.

Weli waxaan ahay qof kufaana wadankiisa wanan ku faani doona mustaqbalka
Waxaan codsanaya In xuquuqdii aan mudnaa la isiiyo.

Waxan cidsanaya lakulanka qoyskayga in la ii ogolaado Oo culayska la isaaray la iga qaado.
“Cabdi Ilay Wuxuu Isku Dayay In Uu Baxsado,” Booliska
Maxkamadda Oo Mar Kale Go’aan Ka Gaadhay Cabdi Ilay

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.