Muxuu Ka Dhiganyahay Afgembiga Dhicisoobay ee Amxaaradu?

0
Itoobiya Oo Faahfaahisay Xaaladda Gobolka Amxaarada

Muxuu Ka Dhiganyahay Afgembiga Dhicisoobay ee Amxaaradu?
W/Q Mukhtaar Libaax Salaax
Itoobbiya oo ah dal-weyne ka kooban sagaal dawlad-deegaan iyo laba maammul magaalo ayaa u muuqda in uu ka dhicisoobay afgembi lala damacsanaa in uu ka dhaco qayb ka mid ah. Kililka Amxaarada oo ah ka 3aad xagga kala horraysiinta deegaanka iyo xagga baaxadda dhulka iyo weliba ka labaad ee ugu dadka badan ayuu xalay ka dhacay afgembi aan u dhicin sidii loo rabay.Waxa la dilay madaxweynihii deegaankaas Dr. Ambachew Mekonnen oo ahaa aqoonyahan haysta shahaada PhD, kana soo jeeday gobolka Gondar, hore na u soo noqday la-taliyaha Ra’iisalwasaare Dr. Abiy Axmed intii aanu xilkan qaban. Dhimashada madaxweynaha waxa ku wehelinayay saraakiil sare oo xilal muhiim ah hayay, sida: taliyihii ciidamada qalabka sida ee Itoobbiya, mudane Seare Mekonnen, la-taliyihii madaxweynaha geeriyooday, Azez Wassie iyo kuwa kale.

Amxaarada oo la deris ah afar ka mid ah sagaalka kilil ee dalku ka kooban yahay iyo Suudaanta Waqooyi, ayaa isu arka in ay yihiin madhaafaanka iyo xundhurta isu-haysa Itoobbiya.Waxa in badan taariikhda dalkaas ka soo taliyay boqorro iyaga ka soo jeeda, sida: Atse Tewodros, Negus Fasilidas, Haile Selassie, Mengistu Hailemariam IKK. Luuqadda Qaranku ku wada xidhiidho ayaa iyada lafteedu ah ta u gaarka ah Amxaarada. Ka hor Addis Ababa na, caasimaddu waxa ay ahayd magaalada ugu weyn Deegaanka Amxaarada ee Gondar.

Hadda ba, ka dib dhicitaankii nidaamkii Dhergiga ee bilowgii 1990naadkii, in badan oo ka mid ah Amxaaradu waxa ay isu arkayeen dad mustawahoodii iyo kaalintii ay ku lahaayeen guud ahaan Itoobiya ay hoos u dhacday. Guuxa dad weynaha ayaa ku aroorayay qaybsashada khayraadka dalka iyo ballaadhinta kaabayaasha dhaqaale; iyo ta guud ee ka muuqanla’aanta hoggaanka sare. Ruxankii iyo kacdoonnadii lagaga soo horjeeday nidaamkii Hailemariam Desalign ee uu isaga laftiisu ka dhaxlay Meles Zinawi ayaa waddo ku soo wada riday qowmiyaddan iyo ta ugu ballaadhan dalka, tiro ahaan iyo dhul ahaan ba ee Oromada. Dadka oddorosa siyaasadda Itoobbiya markiiba waxa u muuqatay in labadan qowmiyadood oo ugu badan dalku aanay siyaasad ahaan midoobi karin, balse, danta riditaanka nidaamku ay kulmisay.

Amxaarada oo leh Ra’iisal-wasaare-xigeen iyo madaxweyne-sharafeedka dalku uma qudhqudhsana saamiga qowmiyadeed, oo badi siyaasiinta mucaaradku kuma qanacsana nidaamka Federaalka iyo siyaasadda guud ee xukuumadda hadda talisa. Afgembigan dhicisoobay oo la xaqiijiyay in uu ka danbeeyay Hoggaankii Nabadgelyada Deegaanka Amxaarada, Asaminew Tsige, oo isaga laftiisu ahaa maxbuus siyaasadeed ka hor Abiy Axmed ayaa diraya farriin cad oo lala akhriyi karo kacdoonnadii deegaanka.

Gebagabadii, abwaan M. I. Hadraawi ayaa laga hayaa:
Ba malee wax iman kara
Berritiyo ayaamaha
Ifafaale daymood

Haddii siyaasadda iyo dedaallada Dr. Abiy Axmed ee badi ku taxan isdhexgalka Geeska iyo hagaajinta manqadadda bariga iyo guud ahaan Afrika aanu in ka badan gelin gudaha, iyada oo deegaan waliba xaabadii gubi lahayd hoos taallo, jabhadihiina ay soo xeroodeen, afgembigani waxa uu iba-fur u noqonayaa isbeddel weyn oo ka dhaca dalka, qaabayn karana muuqaalka guud iyo is-haysashada dal ahaaneed ee Itoobbiyada maanta.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.