Muxuu Jilaaga Caanka ah ee Van Damme Ka yidhi Nebigeena

0
Muxuu Jilaaga Caanka ah ee Van Damme Ka yidhi Nebigeena

Muxuu Jilaaga Caanka ah ee Van Damme Ka yidhi Nebigeena.

Jilaaga caanka ah ee Jean-Claude Van Damme ee oo tirsan Shirkadda Filimada ee Hollywood oo waraysi siiyey mid ka mid ah TV-yada Carabta ayaa amaanay Nebi Muxummed scw.

Van Damme oo ka warramayey noloshiisa ayaa waxaa la waydiiyey talada uu u gudbinayo dhallinyara jimicsata ee haddana isticmaala kiniinada iyo walxaha jidhka dardar geliya, waxaanu sheegay in kiniinadaasi ay waxyeelaynayaan jidhka, isaga oo ugu baaqay in ay raacaan nidaam cunteed caafimaadka u roon, ayna iska yareeyaan hilibka.
Muxuu Jilaaga Caanka ah ee Van Damme Ka yidhi Nebigeena

Van Damme oo markaa 55 jir ahaa ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata yidhi: ” Carabta, iyo Muslimiintu waxay isticmaali jireen cuntooyin badan oo caafimaadka u wanaagsan, markaa dhallinyartu waa in ay cuntooyinkaa raadsadaan, Nebi Maxammedna waxa uu ahaa nin maskax badan oo ku dedaala waxyaabaha jidhka u roon, kana dheeraarada waxyaabaha dhibaya, sidaa awgeed dhallinyaradu waa in ay isaga ku daydaan”.

Waxaa xusid mudan in Van Damme uu yahay jilayaasha ugu caansan dhinaca Action-ka ee shirkadda Hollywood, isaga oo isku darsday jidh-dhisnaan iyo gacan fudayd. Waxaanu ku guulaystay horyaalka feedhka ugu dhakhsaha badan sannadkii 1976.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.