Muxuu Farmaajo kaga Jawaabi Weedhaha Museveni?

Uganda Ayaa Ciidamada Ugu Badan Oo Muqdisho Ka Hawlgala Ku Leh AMISOM

0
Muxuu Farmaajo kaga Jawaabi Weedhaha Museveni?

Muxuu Farmaajo kaga Jawaabi Weedhaha Museveni?
Campala(Sayruuq) Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni oo shalay ka hadlayey shir ku saabsanaa garsoorka dalkiisa ayaa sheegay inay jiraan dalal aan dowladnimo ka jirin, isla markaana aan maamul laheyn, Soomaaliya ayuu tusaale u soo qaatay.
‘Dalal badan oo waxaa jira aaney ka jirin dowladnimo, waa iska jiraan ee ma laha maamul dhulka ka wada taliya, Soomaaliya ayaan tusaale ahaan u soo qaadan karnaa, Kuwa badan ayaa jira laakiin ma sheegayo sababo diblomaasiyadeed awgeed,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Uganda.

Dalka Uganda waa dalkii ugu horeeyey ee ciidamo nabad ilaalin u soo diro Soomaaliya March 2007, waa ciidamada ugu badan ee AMISOM ilaa 6,223 oo ciidan.

Uganda ciidamadeeda ka jooga Soomaaliya waxaa ay ka howl-galaan Sector 1 oo ka kooban Gobolka Banaadir (Mogadishu), iyo labada Shabeelle midda dhexe iyo midda hoose.

Hadalka Yoweri Museveni ayaa qayb ka ahaa khudbad dheer oo uu jeedinayay taas oo uu qayb ahaan kaga hadlay madax bannaanida siyaasadeed ee dalalka Afrika iyo saamaynta gumaysigii reer Yurub ka tagay oo uu sheegay in wali doonayaan in ay wax dawladaha Afrika qabanayaan farta ugu fiiqan ama kaliya ay qabtaan waxay qabta yidhaahdan.

Museveni Waxa hadalkiisa laga dareemaya in aanu Soomaaliya waxba iskaga tirinayn maaddaama uu dalalka kale ee jira carrabka ka dhawray isaga oo ka baqaya in xidhiidhkooda diblamaasiyadeed xumaado waxaa se la eegaya sida ay uga jawaabto Soomaaliya iyo waxa uu Farmaajo ka odhan doono.

Sayruuqnews
Sayruuqnews@gmail.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.