Muxuu Daarna Calaacalka Madaxweyne Muuse Ee Arrinta Waddani? Faallo

0
MD Biixi Oo Ay Dadka Siyaasadda Xiiseeyaa Ka Sugayaan Isku Shaandhayn Sal Balaadhan

Hargeysa(Sayruuq) Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay si rasmi ah loogu dhaariyay xilka. Munaasibad ay ka qayb galeen dad lagu qiyaasay 1500 qof ayuu xilka kula wareegay. Hase ahaatee waxa madasha ka maqna xisbiga mucaaradka ah ee Waddani. Bulshada Somaliland ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi inka badan 40% ayaa codkooda siiyay Mudane Cabdiraxmaan Cirro inkasta oo Waddani rumaysan yahay in uu doorashada ku guulaystay laakiin, lagaga shubtay. Ka maqnaanshaha Waddani ee xilwareejinta ayaa muujinaysa in Madaxweyne Muuse Biixi la kowsanayo mucaaradad adag oo kaga imanaysa xisbiga Waddani.

Madaxweyne Muuse Biixi oo indhaha ka laliyay habkii doorashadu u dhacday ee muranku ka taaggan yahay wuxuu shalay u gar dhigtay xisbiga Waddani “Waxaan u gudbayaa doorashada iyo xanafteedii, waxaan diyaar u ahay oo tallaabooyinkeediina qaaday haddana aan wada wax allaale wixii xanaf ka dhacay doorashadii in aan bogsiiyo oo waliba aniga la igu jiifsado oo xisbiga Kulmiye lagu jiifsado oo walaaladayada wax tirsanaya qaboojino. Iyagana walaaladayada wax tirsanaya waxa laga raba in ay gar qaatan oo gogosha soo fadhiistaan. Waxbaan kaa tirsanaya kuu soo fadhiisan maayo, waxbaan kaa tirsanaya gar qaadan maayo, dee waad dhan tihiin odayaal, madaxdhaqameed iyo dad waaweyne miyay na qabata? Diyaar baanu u nahay in aanu goob walba ugu tagno, waanu u tagnay, xaruntoodaanu ugu tagnay, waanu wada shirnay madax dhaqameedkooda, waanu heshiinay, wixii ay igu amreen waan qaatay waana la arki doona aniga oo waliba ogol dadkii codka badan keenay ee guusha keenay in aan ku jiifsado iyaguna ay dulqaatan. Waxaanu ka sugayna walaaladayo in ay gar qaatan oo nabadda ku yimaaddan,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo shalay ka hadlayay xafladda caleemo saarka.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa ka hor caleemo saarkiisa kulamo la qaatay madaxdhaqameed iyo ganacsato ka soo jeeda beelaha Garxajis ee xisbiga Waddani salka ku hayo. Sidoo kale waxa hadalkiisa ka muuqda in uu hoggaanka Waddani jecla in uu la kulmo laakiin, Dr Cabdiraxmaan Cirro kama dhoofay dalka.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa si weyn ugu ololeeyay in xisbiga Waddani gacansaar la leeyahay Soomaaliya, islamarkaana haddii la doorto uu Xamar gaynayo Somaliland. Arrintan kursi ka riixashada ku salaysnayd ayaa dadka siyaasadda Somaliland falanqeeya ku saleeyaan in aanay eedda noocan ahi ku koobnayn Dr Cabdiraxmaan Cirro laakiin, ay taabanayso Beelaha Garxajis waana sababta ay xanaf badan ololihii doorashada ugu yeeshay arrinta noocan ah. Taageerayaasha Waddani ayaa maalmihii la soo dhaafay baraha bulshada ku bandhigayay in haddii ololihii Madaxweyne Muuse iyo xisbigiisa loo raaco uu hoggaaminayo dal ugu yaraan 40% Xamar doonayso kuwaas oo ay ula jeedaan taageerayaasha Waddani ee hore loogu ribeeyay in ay Xamar rabaan.

Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa waraysi dhawaan laga qaaday ku sheegay in uu siyaasadda hadda kaadh casaan ah u gashanayo taas oo loo fahmayo in uu xukumadda Madaxweyne Muuse dardarka u saarayo mucaaradad kulul. Waddani waxa fadhiisin ka dhigtay siyaasiyiin Kulmiye ahaa oo ay kala fogaadeen Madaxweyne Muuse xilligii uu guddoomiyaha ahaa. Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Kulmiye ayaa dhawaan sheegay in mucaaradad jilicsan oo Waddani ku dhaqmay kursiga seejisay. Arrimahan waxa loo arka in Waddani qorshaynayo mucaaradad adag oo uu ku naqdiyo nidaamka Madaxweyne Muuse Biixi.

Arrimahan si uu iskaga fardaamiyo Madaxweyne Muuse waxa la filaya in uu sadbursiimo ka siiyo xukumaddiisa beelaha uu ku xoog badan yahay Waddani sida hadalkiisa laga dheehday. Tan lafteedu waa mid ku kicin karta degaannada uu codka badan ka helay Kulmiye. Madaxweyne Muuse oo ay caqabado badan horyaallan waxa la eegi doona tubta uu ku hoggaamiyo Qaranka taas oo ka bilaamaysa caddaaladda laga dheehdo golihiisa wasiirrada iyo tallaabooyinka ku xiga ee uu qaadi doono. Khudbad fiican oo uu jeediyay caleemo saarkiisa waa mid midho dhal noqonaysa haddii ficil u bedelo, taas oo ku xidhnaanaysa sida uu u hoggaamiyo dalka isaga oo kasbanaya quluubta bulshada.

Sayruuqnews/ Faallo

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.