Muuse, Faysal Iyo Cirro Oo Ku Kala Aragti Duwan Habka Citiraafka Somaliland Loo Raadinayo

0

Hargeysa(Sayruuq) Inka badan Rubuc Qarni oo Somaliland xorriyaddeeda kala noqotay midawgii Soomaaliya laguma guulaysan citiraaf Somaliland dunida ka hesho. Ma jiro qorshe dejisan oo citiraaf raadin ah oo looga qiyaas qaato waxa la qabtay iyo waxa dhiman laakiin, xisbi walba ajande uu wato ayaa lagu odorosa waana mid ka mid ah waxyaabaha muhiim ah ee ololaha lagu galo.

Musharraxiinta Madaxtinimada Somaliland Faysal Cali Waraabe, Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cirro ayaa bulshada u gudbiyay farriimahoodii u dambeeyay ee qorsheyaashooda citiraaf raadinta kuwaas oo u muuqda in Somaliland wakhti kale oo dheer raadin doonto in dunidu aqbasho qaddiyaddeeda.

Muuse Biixi Cabdi ayaa u arka in wada hadalkii xukumadda Kulmiye la  bilawday Soomaaliya yihiin kuwo fashilmay oo aan midho dhalin “Wada hadalladii hore may ahayn kuwo midho dhal ah waxaanay ku socdeen jaho khaldan,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Muuse oo qorshihiisu yahay in wada hadallada laga wareejiyo Imaaraadka iyo Turkiga lana helo dhexdhexaadiyeyaal daacad ah iyo wada hadallo xaqiiqda ku salaysan.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa rumaysan in Somaliland marka hore dhexdhexaadiso beelaha Soomaaliya una samayso dawlad ay ku midaysan yihiin si ay Somaliland iyo Soomaaliya ugu wada hadlaan si la mid ah 1960 markii la midoobay “Soomaaliya lama heshiisiin dhexdooda, waxaanu doonayna hannaan salka ka soo bilaamay oo ah in aanu halkan shir ugu qabano iyaga lagu heshiisiinayo. Marka ay qaab dawladeed oo la mid ah 1960 yeeshaan aanu wada doodno sidaas ayaanu u aragna danta  bulshadayada,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.

Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa aamminsan in wada hadalka Soomaaliya la sii wado lana balaadhiyo madasha wada hadalka oo laga qayb galiyo dhexdhexaadiyeyaal caalami ah “Mabda’a ahaan waxaanu doonayna in aanu xallisano khilaafkayaga iyada oo loo marayo wada hadallo nabadeed. Waxaanu dib u eegayna wada hadalladii hore iyo caqabadihii jiray, kadib ayaanu bilaabayna wareegyo wada hadal oo cusub iyada oo hiigsigayaga u dambeeya yahay in ay soo baxdo natiijo ah laba dal oo daris ah,” Sidaas ayuu yidhi musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Sida uu marar badan sheegay wasiirka arrimaha dibada Somaliland waxa jiro caqabado waaweyn oo siyaasadda iyo dhaqaalaha saamayn ku leh oo Somaliland kala kulantay citiraaf la’aanta laakiin, qorsheyaasha musharraxiinta ayaa u muuqda I jiid aan ku jiideedii hore uga dhexaysay Soomaaliya iyo Somaliland in ay halkii ka sii socoto maaddaama aanay hayn nidaamyo cusub oo loo maro aqoonsi raadiska.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.