“Muuse Biixi Waxaan Leeyahay Mujaahid Nimo CV Kuu Noqon Meyso Ee Wax La Kaalay “..Siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xassan .

0

Siyaasi Cali Xaaji Xassan Wasiirkii hore ee wasaarada madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa uu markii ugu horeysay si adag ula hadley gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj.Muuse Biixi .

Muddane Xirsi oo ka hadlaayey furitaanka shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani ayaa waxaa uu sheegay in uu mujaahid Muuse biixi u soo jeedinayo in aanay Mujaahid nimo CV ama tariikh nolaleed u noqoneyn ee uu la yimaado arin kale oo uu dadka cod kaga kasbanayo .

Sidoo Kale Siyaasi Xirsi waxa auu sheegay in aanay jirin cid dafiri karta in uu mujaahid soo ahaa balse maanta maalintii aan la joogin ee la yimaado wax kale oo uu dadka ku kasban karo waxaana uu yidhi

“war wax hagaagsan la kaalay bi,i waayee Cv na kuu noqon meyso Muhaahid baan soo ahaa , lakiin in aad mujaahid aheyd cidi kaa dafiri mayso maalintaas lakiin maanta mujaahid nimo waxba ku tari mayso ee wax hagaagsan la kaalay ” ayuu yidhi siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xassan .

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.