Muuse Biixi Oo Wasiir Cukuse Ku Eedeyey Erayga Boogta Ku Noqday Ee “Aniga Oo Wax Dila Kara Duco Qaadan Maayo”

0

Hargeysa (Sayruuq)-Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ayaa markii ugu horaysay ka hadlay eryo boog ku noqday oo mar kasta loo soo qaado, gaar ahaana xiliga la duraayo ee siyaasadu cirka isku shareerto.

Barnaamijka Su’aalaha ee Horn Cable Tv oo siyaasiyiinta inta badan xooga saara ayaa xalay soo casuumay gudoomiyaha KULMIYE waxaana su’aalo fara badan oo la weydiiyey ka dhashay arrimo xiisa badan oo la xidhiidha siyaasada Somaliland iyo shaqsiyada Muuse Biixi Cabdi.

Gudoomiyaha KULMIYE ayaa la waydiiyey su’aasha boogta ku noqotay ee ah “Aniga Oo Wax Dila Kara Duco Qaadan Maayo”. Waxaanu Muuse kaga jawaabay arrintaas mid aan la filayn oo ah in kalmadiisa la leexiyey, waxaanu sheegay inuu arrinaa ka dambeeyey wasiirka warfaafinta ee Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo uu sheegay inuu si qaladan umada ugu turjumay xili uu ka mid ahaa saxafiyiintii faro ku tirska ahayd ee ka hawl galji jiray xiligaas Somaliland.

Muuse Biixi ayaa sheegay inuu kalmadaas ka soo qaatay Gabay uu Hadraawi u tiriyey koonfurta Soomaaliya xiligii dagaaladu ka dhaxeeyeen labada dal ee Somaliland iyo Somalia, waxaanay ku jirtay Gabaygii Dabahuwan, taas oo ay eraydiisa ka mid ahaayeen

 

Dirirtaan dhanna u dhicin

Dillo aan cuskanoo

Dabar ugu badheedhaa

Docna ima hor-taallee

Waxaan dani I yeelsiin

Is dugaashan maynoo

Dalqad baa ka taallee

Ilaa laysu dayn baxo

Waa duurxul nabadduye

Anigoo wax dili kara

Duco qaadan maayoo

Nolol kuma dardaarmee

Haba diirran oloshoo

Danba haw gilgilatee

Aaway dawladdii Xamar?

Sayruuq.com

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.