Muuse Biixi Oo Waji Gabax Kala Kulmay Laascaanood+Muuqaal

0

Laascaanood(Sayruuq) Musharraxa xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool kaga qayb galay ololaha doorashada Madaxtooyada halkaas oo uu kala kulmay in aanay u soo bixin dad badan sida uu filanayay.

Isu soo baxa kooban ee uu halkaasi kaga qayb galay waxa hadheeyay buuq ka dhashay culimo diiday heeso loogu talo galay in xisbiga looga qaado fagaaraha kadib markii culimo arrintaasi ka soo horjeedsatay halkaasna uu buuq ka abuurmay. Arrimahan ayaa sababay in musharrax Muuse Biixi si degdeg ah galinkii horeba uga soo baxo magaalada Laascaanood.

Muuse Biixi ayaa xalay u hoyday magaalada Laascaanood waxaanu hore u soo maray magaalada Berbera oo uu kaga qayb galay ololihiisa. Muuse ayaa u muuqday in uu saluugay tirada dadka ugu soo baxay Berbera waxaana arrintaas laga dheehanayay khudbadda uu u jeediyay reer Berbera oo ahayd hal mirir, iyada oo la filayay in uu arrimo badan oo ay tabanayaan lagala hadlo.

Sayruuqnews

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.