Muuse Biixi oo Ka Cadhooday Talaabo uu Kala Kulmay Maamulka Madaarka Hargeysa

0

Hargeysa (Sayruuq)Guddoomiyaha Xisbiga  Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa shalay la dagaalamay Maamulka iyo Askarta Madaarka Cigaal ee Hargeysa, ka dib markii uu isku dayey in uu xoog ku galo Madaarka oo lagu soo dhaweynayey Mujaahid Axmed Mire oo dalka dib ugu soo laabtay..

Muuse Biixi ayaa isku dayey inuu baabuur  la galo qaybta VIP-da ee Madaarka ha yeeshee waxaa Maamulka Madaarku ku amreen in uu baabuurka meel loogu talo galay  uu dhigo , balse Muuse Biixi ayaa la sheegay in uu ka gaws adeygay arintaas wuxuuna  isku qaaday Meel kale oo shacabka loogu tallo galay, balse Halkiina waxa ka soo celiyey Askarigii ilaalinayey, waxaanu muuse uu ugu jawaabay miyaanad igaranayn isaga oo Askarigii la dagaalamay,  Muuse Biixi oo Cadhaysan ayaa ka soo booday Halkii laga soo celiyey, balse waxa isku dayey in ay Maslaxaan Maamulaha Madaarka Hargeysa,  isagoo la dagaalamay maamulkii.

Muuse Biixi ayaa la sheegay in isaga oo cadho Jiq ah uu ka soo cararay kana soo xafaray Madaarka dibna isaga oo noqday.

Si kastaba ha ahaatee muuse biixi ayaa ka soo firdhaday madashii wakhtigaas lagu soo dhawaynayay mujaahid axmed mire oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.