Muuse Biixi Oo Ambassador Shir Kula Yeeshay Ergooyin Aan Degmada Axmed Dhagax U Matalin Golaha Dhexe

0

Hargeysa (Sayruuq)- Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa saaka shir doceed la yeeshay xubno lagu sheegay inay ka tirsan yihiin ergooyinka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, gaar ahaana kuwa ka soo jeeda degmada Axmed Dhagax.

Tiro aan ilaa hada la ogayn intay ka kooban yihiin ayuu Muuse Biixi Hotel Ambassador ee magaalada Hargeysa isugu yeedhay, waxaana la sheegayaa in aanay guud ahaan ka mid ahayn ergooyinka Kulmiye ugu jira golaha dhexe ee xaafada Degmada Axmed Dhagax, kuwaas oo laga soo uruuriyey suuqyada magaalada Hargeysa.

Goob joogayaal ayaa u sheegay Sayruuq in aanay dadkaasi matalin golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, iyaga oo sheegay inay yihiin dad shacab ah oo laga soo uruuriyey suuqa magaalada Hargeysa. Saxaafada ayaan loo ogolaan badankeeda inay gudaha u galaan goobta uu shirku ka socdo.

Wixii warar ah ee ka soo kordha wararka dambe ee Sayruuq kala soco

 

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.