Muuse Biixi Ma Cadhu La Soo Guryo Noqday.??

0

Hargaysa(Sayruuq) Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Murashaxa Xisbigaas, ayaa kamid ahaa waftigii Madaxweynaha ee dalka ku soo laabtay Maanta.

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada London ee Caasimadda Ingiriiska, waxa laga soo sheegayay wer-wer jiif iyo joogba u diiday oo uu ka qaaday siyaasiyiin miisaan ballaadhan ku dhex leh bulshada oo maal mihii u danbeeyay ku biirayay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo tartan xoogani ka dhaxeeyo Xisbiga KULMIYE.
Markii wajigiisu ka soo muuqday albaabka diyaaradii siday waftiga, waxay kamaradaha Saxaafaddu qabteen Murashaxa Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo wajigiisa cadho aan yarayn iyo werer laga dheehan karaayo.

Walbahaarka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo cadhada ka muuqatay waxa sii xaqiijiyay kadib markii uu ku gacan saydhay inuu Saxaafadda la hadlo. Wararka hoose ee ay helayso shabakada Somalilandtoday.com, ayaa sheegayaa inuu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE u cadhaysnaa xubnihii Wasiirada Xukuumadda ee dalka ku sii sugnaa iyadoo wararku tilmaamayaan inuu Muuse Biixi Cabdi sito liis Wasiiro ah oo uu rabo in loo magacaabo.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.