“Muuse Arrinta Wuxuu Ula Jeeda Beel Gaar Ah,” Cirro

0
Guddoomiyaha xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa si kulul uga hadlay hadallada madaxweyne Biixi xisbiga Waddani kula xidhiidhiyo Soomaaliweyn waxaanu tilmaamay in ay arrintaasi noqon karto mid Somaliland kala dirta.

“ Muuse, madaxda xisbigiisa Kulmiye iyo xukuumaddiisuba waxay caadaysteen kuna soo celceliyaan in uu xisbiga Waddani iyo taageerayaashiisuba gacan saar la leeyihiin Soomaaliweyn, waxaan umadda u sheegaya in Muuse iyo gacan yareyaashiisu u adeegsadaan ku celcelinta arrintaa kala qaybinta bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland ee ay ahayd in ay mideeyaan.
Balse waxaan idiin sheegaya in ay Muuse shakhsiyan u dheer tahay arrintaas adeegsigeeda in uu ula jeedo beel gaar ah oo reer Somaliland ah danta uu ka leeyahayna ay tahay kala haynta iyo kala qaybinta umadda reer Somaliland ee walaalaha ah arrintaas oo sun iyo waabay ku ah dawladnimadeena, sida taxalkana u cunaysa Qaranimadeena iyo wada jirka umadda.
Waxaan cambaaraynayna si aan madmadow ku jirin dhaqanka noocaas ah ee uu ku dhaqmayo madaxweyne Qaran oo ay ahayd in uu umaddiisa mideeyo waxaanu uga digayna haddii uu hore ugu macaashay uguna dano siyaasi ah oo kooban ha ogaado maanta in ay sababi doonto kala dirka umadda iyo burburka Qarannimada ay soo dhisteen,” Cabdiraxmaan Cirro

Sayruuqnews
Hargeysa-Somaliland

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.