Musuqmaasuq dalka ma ka jiraa ???

0

Musuqmaasuq dalka ma ka jiraa ???
By::Barkhad-Ladiif M. Cumar.

Sanadkii 2015-kii ayaa Sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) oo mashaariic waaweyn dalka ka hirgaliyey ay koox wariyeyaal ah u qabteen tobabar caalami ah oo ku saabsanaa sidii saxaafada Somaliland uga qaybqaadan lahaayeen maamul wanaaga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee bulshadda Somaliland.
Su’aashii kowaad ee nala waydiiyey waxay ahayd dalka Musuqmaasuq ma ka jiraa ??, si fudud waxaanu ugu jawaabnay Haa.., haddana waxa nala waydiiyey maxaad usoo bandhigi waydeen oo aad uga hadli waydeen, waanu ka aamusnay, intii ka jawaabtayna wax macquul ah kuma hadal, waxanay ahayd masuuliyad ay dayaceen.
Sidoo kale, waxa nala waydiiyey dhinacyada horumarka inta badan warbaahintu kama hadashay, waayo ayaa nala waydiiyey, taasna jawaab macquul ah maanu bixin.
Sanduuqa SDF wuxuu dalka ka fuliyaa mashaariic faro badan sida wadooyinka, Ceelel, beeraha iyo Biyaha, waana sanduuq ay lacagta ku soo shubaan dalalka saaxiibka la ah Somaliland sida Ingiriiska iyo Denmark, haseyeeshee, mashaariicda waaweyn xiitaa wariyeyaasha ayaan ka war qabin inay dalka ka socdeen mashaariic noocaas ah.
Ka dib markii ay arkeen in warbaahin la’aani hawshu socon Karin,isla markaana ay arkeen inay saxaafaddu qayb ka noqon karto horumarka ay rabaan iyo isla xisaabtanka ayey mashaariicda ay fulinayaan ku dareen inay dhaqaale lagu tobobarayo wariyeyaasha, kuwaas oo loo tobobarayo dhinaca horumarka.
Mar kasta oo horumar la doonayo waxa la adeegsadaa saxaafadda oo dhinaca horumarka loo jiheeya iyo inay ka hadlaan arrimaha bulshada, sidoo kale, saxaafada waxay qayb ka noqon karta dawlad wanaaga iyo la dagaalanka musuq maasuqa waa hadii uu qaran rabo inuu horumar gaadho.
Markii soomaalida la aamini waayey ayaa madax looga dhigay khuburo ajanabi ah, balse waxay wada shaqayn toos ah wada yeelanayaan wasaaradda Qorsheynta oo qaranka u qaabilsan jaagoonta qorshaha qaranka, wayna adag tahay in musuqmaasuq ama wax is daba marin ka dhacdo, waayo waxa ilaashanayaa dalalkii lacagta ku shubay oo xisaab adag ka sugayo iyo mashaariicda la qortay fulinteedda.
Wariyeyaasha waxa loo tobarayey baadhitaanka saxaafadda (investigate journalist ) iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen horumarinta bulshada, isla markaana khaladaadka jira iyo wixii wanaag ah ee jira ay saxaafadu soo bandhigto, maadaama oo saxaafadda soo gudbiso hadba wixii caqabado ku ah bulshada iyo waxay ka qabatay hay’adaha ay khuseyso dhibaatooyinkaasi jira.
Tusaale wasiir ama siyaasi baa warbaahinta ka sheegaya inuu mashruuca biyo balaadhinta caasimadda maanta la bilaabayo, intaas uu sheegay wax dhaafsiisan warbaahintu war kama hayso, maalintaas baana ugu dambaysa dadka la soo gaadhsiiyey mashruuc hebel waa la bilaabay.
Shaqada warbaahintu maaha inay hadal wasiir uun soo gudbiso ee waa inay dabagashaa, mashruucaasi maanta la dhagax dhigay ma dhamaaday, ma gacan bidixeyn baa ku dhacday, muuu guulaystay mise hadal uun bay ahayd, waxaas oo dhami waxay ahayd shaqo u taalla wariyeyaasha, oo hadii dabagal lagu samayn lahaa masuulkaasi haddii uu alla ka baqi waayo wuxuu ka baqi lahaa inuu ceebeebo oo dadku maqlaan inuu mashruucii uu bilaabay guul daraystay amaba waxba ka qaban ee hadalkiisu ahaa uun qawda maqashee waxna ha u qaban.

Halkee ka bilownay markii tobabarku noo dhamaaday:

Sanduuqan SDF markii uu tobabarkii noo dhameeyey wuxu dalbaday in iyaga lagu bilaabay shaqada dabagalka oo mashaariicdii ay qabteen warbaahintu soo qiimayso oo si madax banaan loola xisaabtamo oo dadkii wax ka ogaa iyo deegaanadii laga fuliyey wax laga waydiiyey, wixii caqabad ah, xumaan iyo wanaagba barnaamijyo madax banaan laga soo diyaariyo, si hawshaasi u hirgashana waxay noo sheegeen inay abaal marino ku bixinayaan cidii barnaamijkaasi dabagalka mashaariicdoodda warbixino ka diyaarisa.
Bal waa kee soomaali ku odhanaya aniga I qiimee oo abaal marin aan kugu siiyo xumaantayda iyo wanaagayba si madax banaan usoo diyaari oo kalsoonida intaas leeg isku qabba ???.
Nasiib wanaaag waxaan ka mid ahaa wariyeyaashii abaal marinta lagu siiyey ee soo bandhigay mashruucyadaasi faa’iidada ku jirta, dhibaatada ay dadku kala kulmeen iyo samaan iyo xuman wixii aan ku soo arkay mashaariicdaasi, waliba wixii khaladaad ee aan ku arkay waxaan wax ka waydiiyey isla madaxda hay’ada SDF iyo wasaaradihii ay la shaqaynayeen, kadibna warbixintii aan ka qoray waxaan ku daabacay wargeyska Saxafi oo markii aan daabacay u geeyey sanduuqa SDF, taas oo ay igu gudoonsiiyey kaalinta kowaad.
Haddii, xukuumadda Somaliland nidaamkaasi qaadato oo warbaahinta ku casuunto mashaariicda fulinayaan oo mid walba cidda khuseyso wax laga waydiiyo natiijada soo baxda waxay madaxweynaha ka caawin lahayd la dagaalanka musuqmaasuqa, dawlad wanaaga iyo inay shacabka iyo dawladu isku xidhmaan.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.