Mustaqbalka Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland: Shalay iyo Maanta UDUB IYO KULMIYE.

0
Mustaqbalka Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland: Shalay iyo Maanta UDUB IYO KULMIYE.

Mustaqbalka Siyaasadda Arrimaha Dibedda Somaliland: Shalay iyo Maanta UDUB IYO KULMIYE.
Waxa qoray, Nuuradiin Diini
Doorka siyaasadda ee Arrimaha Dibedda Somaliland, hoos u dhaca ku yimid intii uu talada dalka hayay Xisbiga Kulmiye waa mid u baahan in la xuso, is barbardhigana lagu sameeyo meeqaamkii ay joogtay Kulmiye ka hor iyo halka ay maanta joogto.
Wixii ka horeeyay 2010-kii Siyaasadda Arrimaha dibedda Somaliland, waxa ay ahayd mid macno weyn samaynaysa. Waxaana qadiyadda Somaliland lagu falanqeeyay goleyaasha waaweyn ee Diblamaasiyadda adduunka. Waxaana marar badan la soo qaaday in Somaliland aqoonsigeeda badka la soo dhigo.
2005-tii, waxa ay Xukuumaddii Rayaale ku guuleysatay in olole aqoonsi raadis oo ay ku gaala bixisay Dalalka Qaarada Afrika, gaar ahaan kuwa Galbeedka Afrika oo uu Madaxweyne rayaale wakhtigaasi ku tegay safarro uu kula kulmay madaxweyneyaal, taas oo keentay in qaddiyada Somaliland soo jiidato Midowga Afrika, waxaanay Somaliland u soo direen guddi xaqiiqo raadin ah, oo ka socday Midowga Afrika.
Sida aynu ogsoonahay january [2008]. Waxa si rasmiya loogu marti qaaday, Washington Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin. khaas ahaan’ booqashadaasi oo ay si rasmiya u aqoonsatay waaxada arimaha dibada maraynkanku. (U.S. Department of State.) Waxaana safarkaasi ku wahelinaayay Madaxweyne Rayaale. Wasiirkii Arimaha Dibada Cabdilaahi Maxamed Ducaale, iyo qaar ka mida goolihiisii wasiirada.
Booqashadaasi Maraynkan ee Mr Rayaale waxa ka dhashay in sannadkii [2008] bishii february 3deedii ay Somaliland soo booqato, si rasmiyana u timaado. Kaaliya arimaha dibada iyo afirika ee U.S. Mrs. Jendayi Frazer. ( Assistant Secretary of State for African Affairs Jendayi).
iyada oo ay ku weheliyaan Ambassador John M. Yates, oo ah diblomaasi ruug cadaa ah fadhigiisuna yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, xilligaasina ahaa wakiilka gaarka ah ee arrimaha Soomaaliya u qaabilsan Maraynkanka. Iyo wakiilka Mareykanka ee Itoobiya, Danjire Don Yamamoto.
Dr. Frazer, waa sarkaalkii ugu sareeyay ee Mareykan ah ee cag soo dhiga jamhuuriyada tan iyo markii ay dib ula soo noqotay madaxbanaanideeda 1991, dibna Soomaalilaan umuu iman qof dhigeeda ahi.
Safarkaasi Dr. Frazer ay ku timid Somaliland, wuxuu ahaa mid taariikhiya oo lagaga wada hadlay arrimo waa weyn oo ay ugu muhiimsanayd sidii loo aqoonsan lahaa Somaliland. Una noqon lahayd dalka mida aduun weynaha.
Waxaana xusid mudan in waftigaasi balaadhan ee ka socday Dalka Maraynkanku uu la kulmay wakhtigaasi Sadexdii Xisbi qaran ee “Udub, Kulmiye, Ucid”. Iyo Urur siyaasadeedkii “Qaran”.
Booqashadaasi waxa ka soo baxay arrimo mihiima oo ay ka mid yihiin in kor loo qaado si gaarana loo qiimeeyo wixii mucaawimo ah ee la siinayo Somaliland, khaas ahaan dhanka wax soo saarka, siyaasadda, caafimaadka iyo waxbarashada. Sidoo kale waxay ay sheegtay Dr. Frazer in arrimaha aqoonsiga ee Soomaalilaan loo daayo (AU) midowga Africa oo Maraynkankuna la shaqayndoono.
Sida aynu wada ogsoonahay waxa isbeddelay dhaqdhaqaaqii siyaasadeed ee Soomaalilaan saamayntii ay ku lahayd arimha geeska africa. Waxaana markasta xubin sharafeed laga siin jiray xilligaasi Somaliland shirarka midowga Africa ee Adis ababa. Waxaana la xusuusan karaa doorkii muhiimada lahaa ee uu ciyaaray Wasiirkii Arimaha Dibada Somaliland Mr.Cabdilaahi Maxamed Ducaale, oo si toosa uga qayb gali jiray shirarkaasi.
Xukuumaddii UDUB ee xilligaasi waxa ay abuurtay saaxiibo badan oo Somaliland ku yeelato guud ahaan adduunka iyo Africa. Waxa muuqatay yididiilo weyn oo ay shacabku ka qabeen in mar uun la aqoonsan doono qarankoodan curdinka, waxaana muuqatay shaqooyin waaweyn oo ay qabatay xukuumaddii Udub ee xilligaasi gadh-wadeenkana uu ka ahaa Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin.
Markii la doortay 2010kii Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Siilaanyo shaqada ugu weyn ee lays lahaa wuu qabanayaa waxa ay ahayd inuu keeni karo Ictitaaf Caalamiya oo markaasi sanka soo saarnaa taasi oo uu ku fashilmay. Iska daa in uu keene waxa lumay meeqaamkii siyaasaddeed ee Somaliland ku lahayd adduunka. Guul-darada ugu weyn ee laga dhaxlay intii uu talada hayay Madaxweyne Siilaanyo waxa weeyi in uu ogolaaday in “ku meel-gaadhkii laga saaro xukuumadda federaalka ah ee soomaaliya” beesha caalamkuna u aqoonsato dal-a-haan.
Madaxweyne Muuse Biixi oo talada dalka haya muddo saddex sanno ah ma muuqato wax qorshaa oo uu ka leeyahay siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland. Ma jirto wax la taaban karo oo uu soo kardhiyay. Waxaana la odhan karaa hoosbaa looga sii socdaa marba marka ka dambaysa halkii aynu joognay siyaasiyan, qadiyadana noocan ahina waa mid mugdi galin karta hab socodka siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland . Waxaana si weyn u muuqata guud ahaan beesha caalamku in ay hadda u janjeedhaan dhanka Xukuuda FD Somaliya, taasi oo faro galin weyna ku haysa Soomaalilaan.
Xukuumada Farmaajo waxa ay ku guulaysatay in ay Muqdisho ka maamusho Hawadii Jamhuuriyadii Somaliya ilaa 1991kii oo Nayroobi kiinaya laga maamulaayay, waxaanay ka helaan dhaqaale badan. Sidoo kale waxa ay ku guulaystay maamulka Bada cas isaga oo dhawaana mu magacaabay masuul u qaabilsan maamulka badda cas. Sidoo kale waxa u suura gashay in la soo mariyo dhammaan wixii deeqaa ee ay bixiso beesha caalamku. Arimahaasi

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.