Muslimiinta Ingiriiska oo Digniin ka Bixiyey Carwo Lagu Aflagaadaynayo Nabi Muxamed oo Lagu Qabanayo London

0
Muslims attend Friday prayers on a rainy first day of Ramadan, at the courtyard of a housing estate next to a small BBC community centre and mosque in east London July 20, 2012. REUTERS/Chris Helgren (BRITAIN - Tags: SPORT OLYMPICS RELIGION TPX IMAGES OF THE DAY) - RTR354N5

Saddexdii qof ee muslimiinta Ingiriiska ahba hal qof ayaa aamisan in qoorta laga jaro cidkasta oo aflagaadaysa Nabi Muxamed (SCW)

London (Sayruuq)- Muslimiinta ku dhaqan dalka Ingiriiska, ayaa si weyn uga cadhooday carwo la doonayo in lagu soo bandhigo sawir-gacmeedyo lagu aflagaadaynayno Nebi Muxamed (SCW), taasoo lagu qaban doono magaalada London bisha September ee sannadkan 2015.

carwada shaydaanka

Kooxo cunsuriyiin ah oo ka soo horjeeda shareecada islaamka, ayaa ballanqaaday inay soo bandhigi doonaan carwo lagu muujinayo wayxaabo lagu aflagaadaynayo Rasuulkeenna suuban (NNKHA), isla markaana lagu ceebaynayo diinta islaamka, iyadoo la oghayahay in Nebi Muxamed yahay ka ugu khayrka badan ummadda Ilaahay oo dhan, cay iyo aflagaadana aan waxba lagu yeeli karin, balse cidda falkaas ku kacdaa ay ku mutaysanayso cadaab iyo cadho Alle oo qudha.

Hasayeeshee, muslimiinta ku dhaqan Boqortooyada Ingiriiska, ayaa si xoogan uga cadhooday falkaas la doonayo in lagu aflagaadeeyo Nabi Muxamed (SCW), waxayna culimada muslimka ah ka digeen saamaynta ka dhalan karta arrintaas.

“Tallaabada la doonayo in lagu soo bandhigo sawir-gacmeedyo lagu aflagaadaynayo Nabi Muxamed waa mid la doonayo in lagu ceebeeyo, laguna jeesjeeso sharafta iyo dulqaadka ummadda muslimiinta ah ee ku dhaqan UK, arrintaasina waa mid lagu doonayo in is nacayb iyo colaad lagu dhex beero Boqortooyada Ingiriiska.” Sidaa waxa yidhi Azad Ali oo ah Guddoomiyaha Madasha Badbaadada Muslimiinta ee dalka Ingiriiska oo la hadlay telefishanka Al-jazeera oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay.

Waxa kaloo uu sheegay in muslimiinta ku dhaqan dalka Ingiriisku doonayaan inay si nabadgelyo iyo wadahadal ah kaga hortagaan in aan la qaban carwada lagu aflagaadaynayo Nebi Muxamed, isla markaana ay dawladda iyo hay’adaha ammaanka ee UK kala shaqayn doonaan sidii loo joojin lahaa carwadaas, isagoo xusay in haddii arrintaas lagu guul-daraysto aanay masuul ka noqon doono cawaaqib-xumada ka dhalata aflagaadooyinka Nabi Muxamed (SCW).

“Cidkastaaba waxay rumaysan tahay in cawaradaas iyo sawirrada lagu soo bandhigayaaba ay yihiin qaar ku salaysan cunsuriyad iyo jinsi-nacayb, waana tallaabo cadaawad lagaga samaysanayo dadka muslimiinta ah,” ayuu yidhi Azad Ali.

Kooxda qabanqaabinaysa carwada lagu aflagaadaynayo Nabi Muxamed, ayaa ku dooday in ujeedadu tahay sidii ay u difaaci lahaayeen xoriyatul-qawlka, iyagoo sidoo kale xusay inay bandhigooda ku marti-qaadeen nin siyaasi ah oo u dhashay dalka Holland oo la yidhaah Geert Wilders si uu halkaas hadal uga jeediyo, iyadoo la ogyahay in ninkaasi caan ku yahay nacaybta islaamka iyo aflagaadooyinka Nabi Muxamed, taasoo sii xoojinaysa cadhada dadka muslimiinta ah qaadeen, waxaanna laga cabsi qabaa in bandhigaasi sababo kacdoono ay sameeyaan dadka muslimiinta ah.

Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Golaha Muslimiinta dalka Ingiriiska oo la yidhaah Miqdaad Versi, ayaa sheegay in aanay u dulqaadan doonin falalka nacaybka ah ee lagaga soo horjeedo diinta islaamka iyo Nabi Muxamed, isagoo xusay in aan dalka UK laga ogolayn in laga sameeyo tallaabooyin ama ficilo lagu kicinayo nacaybka diimaha.

Kacdoono iyo mudaharaadyo waaweyn ayaa ka ka dhacay dunida muslimka sannadkii 2006, kadib markii wargeys ka soo baxa dalka Denmark daabacay sawirro lagu aflagaadaynayo Nabi Muxamed (NNKHA), iyadoo sidoo kale laba nin oo muslimiin ah dileen 12 qof oo ka shaqaynayey wargeys ka soo baxa dalka Faransiiska bisha January ee sannadkan 2015, wargeyskaas oo dhawr jeer daabacay sawiro aflagaado ku ah shareecada islaamka.

Dhinaca kale, warbixino kala duwan oo hore loo soo saaray, ayaa lagu muujiyey in muslimiinta ku dhaqan Ingiriisku aad uga soo horjeedaan in aflagaado iyo cay loo gaysto diinta islaamka, iyadoo la ogaaday in hal qof oo ka mid ah saddexda qof ee muslimka ah ee ku nool Ingiriisku ay aaminsan yihiin in qoorta laga gooyo cid kasta oo aflagaado u gaysata nabi Muxamed (SCW) iyo diinta islaamka.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.