Muslimiin Masjid Lagu Xasuuqay

0
Muslimiin Masjid Lagu Xasuuqay

Muslimiin Masjid Lagu Xasuuqay
Muuqaallo naxdin ah ayaa ka soo baxaya masaajidka dadka lagu laayay ee ku yaalla dalka Australia oo afartan qof ku dhimatay kadib markii niman hubaysan rasaas ku fureen dad salaadda Jimce tukanayay.

Dad kala duwan ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay ka mid yihiin carruur.

Qof goob jooge ah ayaa warbaahinta stuff.co.nz u sheegay in isaga oo ku tukanaya masaajidka Al Nuur uu maqlay rasaasta. Wuxuu sheegay in uu arkay xaaskiisa oo dhulka jiifta oo mayd ah.

Nin kale ayaa sheegay in uu arkay carruur rasaas lala dhacay “Dhiig ayaana meel walba daadsanaa” ayuuna intaas ku sii daray.

Qof goobjooge ah ayaa Idaacadda New Zealand u sheegay in uu maqlay rasaas uuna arkay afar ruux oo dhulka yaalla iyo “dhiig meelwalba daadsan”.
Halkan Gujid oo ka akhriso faahfaahinta weerarka iyo khasaaraha ka dhashay

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.