Musharraxiinta Somaliland Oo Aqbalay Xidhitaanka Internet-ka Xilliga Doorashada

0
Madaxweyne Biixi Oo Iska Fogeeyay Masuuliyadda Caqabadaha Doorashada Hor Taaggan

Hargeysa(Sayruuq) Guddida doorashooyinka ayaa iclaamiyay in baraha Internet-ka ee bulshadu ku kulanto la xidhi doono 13 November marka la soo xidho goobaha cod bixinta, islamarkaana ay xidhnaan doonan ilaa natiijada doorashada lagu dhawaaqayo. Arrintan waxa ka qayliyay hay’addaha xuquuqal iisaanka ee maxalliga ah iyo kuwa dibadda laakiin, xisbiyada ayaa arrintaasi aqbalay.

Eng Faysal Cali Waraabe musharraxa xisbiga UCID ayaa sheegay in ay danta dalku ku jirto xidhista baraha bulshada ‘ Waa danta dalkeena waxaanan anagu u daba fadhina wixii sharci soo baxa ee doorashada ku saabsan Komishanka waanan u hoggaansamayna,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal.

Musharraxa Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanay sharciga u eegayn xidhista baraha bulshada laakiin, ay u hoggaansamayaan maaddaama Komishanku go’aamiyay “Nimankani(Komishanku) waa garsooreyaal xisbiyaduna waa ciyaartoy garoonka ku jira, siidhi waduhu wixii gooyo ayuun baanu aqbalna ma nidhaahno ma sharciba maxa ka dambeeyay iyo maxa looga jeeda wixii ay soo gooyeen Komishanku waa aqbalayna waanan ku raacsanahay,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Muuse.

Musharraxa Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa isna sheegay inkasta oo ay arrintani mid cusub tahay uu aqbalay “Inkasta oo ay aniga igu cusub tahay haddana arrintaas xisbi ahaan waanu qaadanay waanan aqbalnay,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cirro.

Qaar ka mid ah hay’addaha xuquuqal iisaanka maxalliga ah ayaa sheegay in aana xidhista baraha bulshadu sharci ahayn sidaas awgeedna ay dacwad ka dhan ah u gudbiyeen maxkamadda.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.