Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Oo Kulan La Qaatay Safiirro Beesha Caalamka Ah Kalana Hadlay Caqabado Doorashada Ka Dhashay

0

Hargeysa(Sayruuq) Safiirro tiro badan oo ka socday wadamada Yurub iyo beesha caalamka ba, ayaa kulan xasaasi ah Hargeysa kula qaatay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) iyo saraakiil kale oo tirsan Xisbigaasi.

Kulankan ay safiirradu la yeesheen Murashax Cirro, ayaa ahaa mid khuseeyey arrimaha Doorashada iyo weliba sida oo kale caqabadahii kala duwanaa ee soo wajahay Xisbiga WADDANI si ay si dhab ah xog-oggaal ugu noqdaan qaabkii ay u dhacday Doorashadu iyaga oo sida oo kalena kala hadlay xidhiidhada diblomaasiyaddeed ee ay wada yeelan doonaan haddii uu ku guuleysto Doorashada Madaxtooyada Somaliland.

“Waxaanu hotelka Ambasador kula kulanay Wefti ka socda dawladdaha midawga Yurub iyo dalal kale oo ay ka mid yihiin Norway, Sweden, Biljim, iyo dad badan oo kale. Waa dawladdaha caawiya nidaamka dimuqraadiyadaynta iyo doorashooyinka, marka waanu uga warranay xaaladda talooyinna waanu kala qaadanay,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiyaha kumeelgaadhka ah ee Waddani Cabdiqaadir Jirde oo saxaafadda uga warbixiyay kulanka.

Waxa uu intaasi raaciyay in ay uga warrameen tacadiyo loo gaystay xisbiga intii doorashadu socotay “Waxaanu u sheegnay in masuuliyiintii xisbiga qaar xidhxidhan yihiin qaarna dhaawacyo soo gaadheen sida: Faadumo Siciid oo kale, waxa intii aanu halkan fadhinay naloo soo sheegay in Xamse Khayre(Madaxii ololaha xisbiga) lagu xidhay Gabiley, Cabdirisaaq Kildhina dhaawac la gaadhsiiyay(Guddoomiyaha ololaha Waddani gobolka Maroodijeex). Waxaanu u sheegnay waxaas oo dhan iyo wixii sharci ah ee aanu ka cabanayno,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiqaadir Jirde.

Waxa uu intaasi raaciyay dhacdooyin sharci darro ah oo dhacay intii codaynta iyo tirinteeda lagu jiray “Waxaynu ognahay in meelo badan ay ka dhaceen waxyaabo aan nidaamka waafaqsanayn oo xeerkii la bedelay oo lagu tuntay ama goobo ha ahaato ama markii sanaaduuqda la soo qaadayay oo Muraaqibiinta laga reebay ha ahaatee, in markii degmada ama gobolka la keenay dadkii noo joogay qaar laga soo saaray ama loo hanjabay sida Gabiley oo kale, meelo badana cabashooyin naga soo gaadhayaan, waxaanu ugu ballanqaadnay cabashooyinkaasi iyaga oo qoran in aanu la wadaagno halkii ay ku habboonaayeena aanu gaadhsiino oo aanu anagu sharciga uun la tiigsanno wixii xeerka jabiyay iyo sida ay wax u dhaceen sida ugu dhakhsaha badana aanu soo saari doono warsaxaafadeed aanu kaga cabanayno waayo waxa jira meelo badan oo muraaqibiintayada laga soo saaray oo la wada ogyahay,” Sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Guddoomiyaha Kumeelgaadhka ah ee Waddani waxa uu sheegay in ay jiraan meelo codka la tiriyay muraaqibiinta Waddani oo aan joogin, meelaha qaarna tirinta codadka ay ka qayb galeen badhasaabo culays ku ah muraaqibiinta Waddani. Waxa uu sheegay in goob Jaamacadda Hargeysa agteeda ah dad la soo diray galeen iyaga oo iska dhigaya Komishanka laakiin, goor dambe la ogaaday lana xidhay waxaanu sheegay in wixii sharci darro ah ay hay’addaha sharciga u gudbin doonan sidoo kalena siin doonan warbixin waafiya waddamada reer Galbeedka ee u kuur galaya doorashada.

Geesta kale waxa uu sheegay in Danjireyaasha reer Galbeedku ku boorriyeen in maalmahan doorashadu socoto ay is dejiyaan, islamarkaana xakameeyaan taageerayaashooda “Taageerayaashayada waxaanu leenahay meel wanaagsan bay maraysa, natiijo wanaagsan baa noo soo baxaya is dejiya aynu sugno natiijada. Waxaanu uga digayna dadkan isticmaala baraha bulshada oo imikaba dadka qaar qorayaan xisbigaasa helay iyo xisbigaasa helay iyo intaasa lagu kala helay in aanay waxaas fidin waa been ee wax soo baxay ma jiraan ee yaan dadka la sii guubaabin oo aan dadka la sii kicin, marka taasna waanu uga digayna kuwa xisbigayga taageera iyo kuwa asxaabta kale taageeraba waxaan leeyahay ka jooga midhkaas waa halise qofka sameeyana xeerka qabanaya,” Sidaas ayuu yidhi Cabdiqaadir Jirde.

Bulshada Somaliland ayaa isniintii si nabad ah u dhiibta codkooda waxaanay indhaha ku hayaan natiijada doorashada oo ku timaadda codkooda oo si hufan loo tiriyay cid walbana farta laga saaro codka ay heshay.

Image may contain: 4 people, people standing and suitImage may contain: one or more people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 personImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 2 people, people sittingImage may contain: 4 people, people smiling, people standing

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.