Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Oo Caddeeyay Sababta Aanu Madaxweyne Siilaanyo U Dhalliilin

0

Hargeysa(Sayruuq) Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu caddeeyay sababta aanu Madaxweyne Siilaanyo u dhalliilin “Waxyaabaha inta badan la I waydiiyo waxa ka mid ah maxaad Madaxweyne Siilaanyo wax uga sheegi wayday? Horta waan idiin sheegaya ee Madaxweyne Siilaanyo tartami mayno, waxaanu tartamayna Muuse, Odayga waynu u sii ducaynayna wixii uu u qabtay Qaranka wuu u qabtay si wanaagsan oo gobanimo leh ayaynu u sagootiyayna, Muusena waanu tartamayna. Muuse waxaanu leenahay barnaamijkaaga dadka u soo bandhig, Kulmiye waxaanu leenahay been ku badin maysid, been abuurna laguma badiyo, ma sawirro been ah baa lagu badiya? Waxaanu leenahay aan tartano mujaahidnimadaada iskaga faan haddii aad doonayso,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo shalay kumanaan qof oo reer Burco ah la hadlayay.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in aanu Muuse Biixi Somaliland u qaban inta uu Cirro ahaan u qabtay “Waxaan anigu qaba oo aan rumaysnahay inkasta oo aanan Qaaxo tagin in aan Qaranka Somaliland uga faa’iido badna qaar Qaaxo joogay oo laakiin, Hagardaamo ula joogay oo dhib ula joogay. Anigu markii aan Moosko joogay raggii aan soo saaray ee mutacallimiinta ahaa ee PHD-da sitay waa kuwan hareerahayga jooga. Boqolaal Ayaan soo saaray wada dhakhtarro ah oo qaar dawladda ku jiraan, qaar Maraykan joogan, qaarna Burco joogaan maanta. Waxaan leeyahay waxa aan qaranka ku darsaday umay qaban rag maanta xil idinka doonaya,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Sayruuqnews

Hargeysa-Somaliland

Contact@sayruuq.com

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.