Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Oo Burco Si Cajiib Ah Ugula Dabaal Degay Taageerayaashiisa+Sawirro

0

Burco(Sayruuq) Musharraxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa damaashaadka ololaha doorashada Madaxtooyada kala qayb galay tobanaan Kun oo taageerayaasha xisbiga Waddani ah kuwaas oo ku dabaal degay fagaaraha Khayriyadda Burco iyo jidadka magaalada. Hoggaamiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo masuuliyiin miisaan leh ayaa wehelinayay musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo bulshada gobolka Togdheer ku qaabishay dhoollatus laga dheehanayay midnimada Burco iyo rabitaanka reer Togdheer ee isbedel dalkan ka dhaca.

Taageerayaasha oo ku labisan calanka liimiga ah, islamarkaana sita sawirrada musharraxiinta Waddani ayaa hafiyay jidadka magaalada, sidoo kalena waayay meel ay kala istaagaan kadib markii ay cimidh noqotay fagaaraha khayriyadda iyo jidadka soo gala. Taageerayaasha ayaa isugu jiibinayay hawl ku dhigyo ay ku muujinayaan rabitaankooda isbedel iyo kuwo ay ku ammaanayaan musharraxooda. Hal hays ay taageerayaashu si weyn ugu qalinayeen ayaa ahaa ‘Cirro Aabbo) kaas oo Musharrax Cabdiraxmaan Cirro Mahadnaq iyo farxad kaga hal celiyay. Taageerayaasha oo saan baabuurta noocyadooda kala duwan si weyna looga dhex arkayo gaadiidka waaweyn ayaa ku dawaafayay magaalada.

Musharraxa Madaxweynaha Waddani Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa si weyn ugu mahadceliyay bulshada gobolka Togdheer gaar ahaana magaalada Burco. Waxa uu ku ammaanay sida ay ula dhacsan yihiin isbedelka uu wado waxaanu tilmaamay in Burco iyo guud ahaan gobolka Togdheer caan ku yahay bilawga kacdoonada isbedelka laga soo bilaabo xilligii gumaysi diidka, halgankii dib u xoraynta ee SNM iyo dhaqdhaqaaqyo kasta oo isbedel oo Somaliland ka dhaca. Waxa uu sheegay in ay Burco tahay xaruntii halgameyaasha, mucatacallimiinta iyo suugaan yahanka Somaliland.

“Maanta shacabku wuxuu doonaya isbedel, isbedelkiina idinka hoggaaminaya waxaana muujinaya isu soo bixiinan. Wuxuu ka jawaabaya (Isu soo bixiinu) hadalkii shalay ee Cali Marreexaan ee ahaa ‘Waddani wuxuu ka baxay saaxadda’ nin baa lagu yidhi ‘Faraskaagu wuu heeryo xun yahay oo wuxuu yidhi ‘Saadambaad garan’ waxaanu leenahay Burco hadal xumadiinii way ka jawaabtay oo waxay kaga jawaabtay waxaas aad arkaysaan. Maanta waxa la tartamaya tartan xalaal ah, waxaa lagu tartamaya barmaamij, barmaamijkeena waanu soo bandhignay dadkana waanu ugu celcelinay,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Musharraxa Madaxweynaha Waddani waxa uu reer Burco xasuusiyay ballanqaadyadii Kulmiye u sameeyay reer Burco 2010 laakiin, aanay 7 sannadood kadib waxba ka fulin “Waxaynu qiimaynayna xukumadda hadda joogta iyo Burco iyo ballanqaadyadeedii; Ballanqaadyadii Kulmiye waxa ka mid ahaa in ay dhisayso garoonka diyaaraddaha ee Burco, diyaaradi ma timaadda oo ma dhisan yahay? Waxay ballanqaaday in ay garoonka ciyaaraha ee Alamsey dib u dhisto oo roog cagaaran dhigto, Ma yaalla rooggii cagaarna? Maxaa ku dhacay, wuu dumay saw maaha? Waxay ballanqaaday in ay Suuq Casri ah dhisto, suuqiina wasiir Cali Marreexaan ayaa baloodhaystay. Waxay ballanqaaday xukumaddu in ay dadkii caydhoobay dib u dejin u samayso oo la dejiyo, waxaanu soo marnay shalay dadkii abaaroobay halka ay degeen, wax la siiyo iska daaye waxay yidhaahdeen ‘maalin walba waxa naloogu goodiya oo naloogu hanjaba in cagaf nala marinayo’ waliba waxay aad uga cawdeen badhasaabka hadda jooga. Waxay yidhaahdeen waxa nala yidhi ‘meelihii aad wax ku aasi jirteen kuma aasan kartaan dadkii horena kala baxa’ wali hore uma maqal wax sidaas oo kale ah. Walaalayaal gobollada Togdheer, Sool iyo Sanaag dadka ku abaarsaday ee ku caydhoobay waxa lagu qiyaasay ilaa 47000 qof. Waxa jiray lacago badan oo loo ururiyay oo la yidhi ‘dib ayaa loogu xoolaynaya’ cid la xooleeyay miyaad aragteen? Lacagtii meeday? Ma Kulmiye ayaynu waydiina? Kulmiyaw ka jawaab dee,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo taageerayaashiisu uga garaabayeen su’aalaha uu waydiinayay. Waxa uu sheegay in xukumaddiisu dib u dejinayso dadka abaaraha ku caydhoobay, islamarkaana la samayn doono hay’ad ka hor tagta abaaraha waxna ka qabata.

Musharraxa xisbiga Waddani waxa uu bulshada gobolka Togdheer waydiistay codkooda “Waxaan ahay musharrax, waxaan reer Togdheer iyaga oo midaysan waydiisanaya codkooda, cod midaysan baan raba oo aan Bari iyo Galbeed midna ahayn ee Togdheer ah,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo bulshada hor taagnayd ugu jawaabta ‘codka waanu ku siinay’ waxaanu ku jawaabay “Waad mahadsan tihiin, ana waxaan badbaadin doona Qarankan oo aan dhibka haysta ka badbaadin doono; oo ay ugu horayso sixir bararka aafeeyay noloshada Somaliland dhammaanteed,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in uu leeyahay waayo aragnimo 40 sannadood ah oo uu nidaamka dawladnimada ka soo shaqeeyay, sidoo kalena ay hareero joogaan khubaro dunida laga yaqaano oo horumar gaadhsiin kara dalka, islamarkaana citiraaf keeni kara.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu caddeeyay sababta aanu Madaxweyne Siilaanyo u dhalliilin “Waxyaabaha inta badan la I waydiiyo waxa ka mid ah maxaad Madaxweyne Siilaanyo wax uga sheegi wayday? Horta waan idiin sheegaya ee Madaxweyne Siilaanyo tartami mayno, waxaanu tartamayna Muuse, Odayga waynu u sii ducaynayna wixii uu u qabtay Qaranka wuu u qabtay si wanaagsan oo gobanimo leh ayaynu u sagootiyayna, Muusena waanu tartamayna. Muuse waxaanu leenahay barnaamijkaaga dadka u soo bandhig, Kulmiye waxaanu leenahay been ku badin maysid, been abuurna laguma badiyo, ma sawirro been ah baa lagu badiya? Waxaanu leenahay aan tartano mujaahidnimadaada iskaga faan haddii aad doonayso,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Musharrax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in aanu Muuse Biixi Somaliland u qaban inta uu Cirro ahaan u qabtay “Waxaan anigu qaba oo aan rumaysnahay inkasta oo aanan Qaaxo tagin in aan Qaranka Somaliland uga faa’iido badna qaar Qaaxo joogay oo laakiin, Hagardaamo ula joogay oo dhib ula joogay. Anigu markii aan Moosko joogay raggii aan soo saaray ee mutacallimiinta ahaa ee PHD-da sitay waa kuwan hareerahayga jooga. Boqolaal Ayaan soo saaray wada dhakhtarro ah oo qaar dawladda ku jiraan, qaar Maraykan joogan, qaarna Burco joogaan maanta. Waxaan leeyahay waxa aan qaranka ku darsaday umay qaban rag maanta xil idinka doonaya,” Sidaas ayuu yidhi Musharrax Cabdiraxmaan Cirro.

Hoggaamiyaha xisbi mucaaradka Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in ay shalay bookhdeen meelaha ay degan yihiin dadka ay abaaruhu xoolaha ka saareen, islamarkaana ay u sheegeen in xukumadda Kulmiye ugu hanjabtay in ay cagaf galinayso. Waxa kale oo uu sheegay in aanu Musharrax Muuse Biixi Cabdi kala fahansanayn xuquuqda bani’aadamka iyo ilaalinta xaqa dadka laga tirada badan yahay ‘Calaamadda Waddani iyo calaamadda Kulmiye waxay ku kala duwan yihiin; Kulmiye waxa uu ololihiisa ku saleeyay qabyaalad, muu qarsan ee laba beelood ayuu ku sheegay. Somaliland waa beelo badan oo heshiiyay waynu midaynayna inagu oo taas waynu kaga duwan nahay. Inagu Somaliland ayaynu midaynayna, Somaliland ayaynu walaalaynayna, Somaliland baynu wax isugu darayna, Somaliland baynu horumarinayna,” Sidaas ayuu yidhi hoggaamiye Xirsi.

Hoggaamiyaha Waddani waxa uu si cad uga jawaabay arrinta Muuse Biixi Cabdi ololaha ka dhigtay ee ah in xisbiga Waddani Xamar gaynayo Somaliland “Kulmiye horumar kama hadlaan oo horumar may keeneenin, waxay olole ka dhigteen Xamar baa la tagaya, waar Xamar yaa tagaya? Ma Waddani baa Xamar taggaya? Iyaga tagaya haddii ay cidi tagayso. Ninka taagta daran ee laga badiyo ayaa lagu yaqaana Aflagaadada oo lagu yaqaana in uu gidaar kale isku qaado. Wadaad baa Wadaad kale ku yidhi waar Diintu sidaas maaha ee sidaas ka daayo wuxuu ku yidhi ‘Salliga Nabigaad diidan tahay’ hadda Salliga Nabigaba lagama hadlayn, Kulmiye imika wuxuu leeyahay Salliga Nabigaad diidan tahay waar Salliga Nabiga lagama hadlayn ee Waysada laga hadlaya. Waar Kulmiyow Somaliland baa lagu tartamaya ee dalka wax la kaalay, Xamar waa Xamar oo waynu kala go’nay laba dawladood baynu kala nahay maxaad ugu halliilaysa?,” Sidaas ayuu yidhi hoggaamiye Xirsi oo intaas raaciyay in aanu Kulmiye la tartami Karin Waddani inta uu kala qaybinta bulshada ku mashquulsan yahay, islamarkaana aanu Kulmiye guul ku gaadhi Karin siyaasad ku salaysan been abuur iyo borobagaando. Waxa uu taageerayaasha ku boorriyay in ay amniga iyo anshaxa doorashada ilaaliyaan, islamarkaana aanay ka jawaabin muwaadiniin xisbiga ah oo xukumaddu si xaq darro ah u xidhay.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Ismaaciil Aadan Cismaan(Ismaaciil Yare), Ambasadoor Axmed Safiina, Kaaliyaha saxaafadda Musharrax Cirro Muniir Axmed Cigaal, Lataliyaha Musharrax Cabdiraxmaan Cirro ee khaarajiga Faadumo Siciid, safiirka wareega ee Waddani Marwo Suhuur, Madaxdhaqameed, masuuliyiinta Waddani ee gobolka Togdheer, Qurbejoog iyo madaxdhaqameed ayaa khudbado u jeediyay kumanaanka ka tirsan taageerayaasha Waddani kuwaas oo hadalkoodu daarna dhalliisha hannaanka ololaha Kulmiye in ay bulshada ku dardaaran in ay codkooda siiyaan musharrax Cabdiraxmaan Cirro, sidoo kalena dhawraan ammaanka iyo anshaxa doorashooyinka.

Image may contain: 10 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 1 person, crowd and outdoorImage may contain: 3 people, crowd, sky and outdoorImage may contain: 2 people, crowd, sky, tree and outdoorImage may contain: 32 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 2 people, crowd and outdoorImage may contain: 29 people, people smiling, crowd and outdoorImage may contain: 9 people, crowd and outdoorImage may contain: 2 people, crowd, sky and outdoorImage may contain: 2 people, crowd and outdoor

Sayruuqnews

Burco-Somaliland

Contact@sayruuq

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.