Musharrax Cabdinaasir Yuusuf Qodax

0
Musharrax Cabdinaasir Yuusuf Qodax
Musharrax Cabdinaasir Yuusuf Qodax
Ciyaartoy-Siyaasi-Academic
Inta badan haddii musharrax la ammaano, dadku waxa ay u qaataan kan wax ammaanayaa in ay musharraxa isku jifo yihiin ama uu yahay ka u sharraxan.
Mr. Qodax oo waxoogaa aqoonta aan u leeyahay idinla wadaagi doono maaha musharraxa jifadaydu soo sharraxaday, ka ku xiga iyo ka kusii xiga toona maaha, waxa aan sidaa idiin leeyahayna waxa aan ka afeefanayaa in aydaan warkayga meesheennii yarayd ula kicin, Soomaalida ayaa cidda ay hayb ahaan kala fogaynayso tidhaahda Dameerohuuduna isma
gayaane Qodax waa:
1. Ciyaartoy
Qodax waxa uu ahaa ciyaartoygii hore ee xaafadda iyo garoonka Guryo-Samo illaa haddana waa uu sii wadaa, qofka si uun jimicsiga ugu dhex jiraana inta badan waa qof firfircooni iyo karti badan.
2. Siyaasi
Qodax waxa uu ku ababay siyaasadda waxa aanu isagoo aad u da`yar jago sare ka qabtay Xisbiga Ucid, intaa uu wax dhaliilayayn wali kuma arag isaga oo ku hadlaya hadallo ku dhisan kala qaybin bulsho, nacayb, shakhsiyad weerar iyo u kala abtirin ummadda ah, waxaana ka muuqata bisayl iyo khibrad siyaasi ah.
3. Aqoonyahan (Academic)
Qodax waxa uu dibloom sare oo Bangiyada Islaamiga ah (Postgraduate Diploma in Islamic Banking and Finance) ka qaatay mu`assasada waxbarasho ee aan ka shaqeeyo, aqoontanna waxay innaga caawin kartaa in ay innaga hor istaagto cabashooyinkeennii hore ee golaha wakiiladii ee ahaa in ay ansixinayaan Bangiyada Ribada ku shaqeeya, shariciyadda iyo xeerarka kasoo horjeedda Diinta iyo Dhaqankana waa in aqalka gudihiisa lagula dagaalamaa inta aanay debedda innoogu soo bixin oo macnaheedu yahay waa in aynu dooranaa dad hor istaaga haddii kale waa calaacalkeennii.
4. Qodax waxa aan muddo dheer ku arkayay isaga oo ku xidhan tafsiirka qur`aanka kariimka ah ee Sheekh Cismaan Cali Xuseen ka dhigo Masjid Al-Huda, Qodax waxa uu kaga duwan yahay dadka kale ee dhagaysta tafsiirka waa qofka kaliya ee aan arkay isagoo si aqoon ah u dhiganaya oo sita kitaabka hareeraha safxadda ku tafsiira kalimaadka culuculus islamarkaana qalin ku note-garaysanaya xaashida dusheed, taas oo ay iiga iftiimeen laba qodob:
b. In uu yahay qof Diin ahaan u dedaalaya taas oo muujinaysa wanaag iyo kalsooni iyo,
t. In uu yahay nin u diyaar garoobay aqalka uu tagayo oo lagu magacaabo sharci dajin si uu u hor istaago wixii ka socda ee sharciga Rabbi ka hor imanaaya.
Ugu danbayn waxa aan ku leeyahay kollaytaba haddii aad codaynayso cidda aad u codaynaysaa ha noqoto cid ku suntan wanaag iyo waxtar bulsheed oo aan berri ummadu hiifin, haddi jufadaadu kaa wanaagsan soo sharraxday waa wanaag haddii ay jibir jaan waddona fadlan ka fiirso.
Codkaaga u meel day
Ciddii kuugu xigta
Oo Ceesaan aan ciidaminaynin
Haddii aad u cugaysona
Calaacalka jooji hadhowto

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.