Musdambeedka Musharraxa KULMIYE Oo Kulan Codsi Taageero Ah La Yeeshay Xildhibaano Iyo Siyaasiyiin Kasoo jeeda Koonfurt iyo Koonfur Galbeed Ee Hargeysa Balse Kala Kulmay Shardi Adag Oo Dhigaya Inay Maayarnimada Hargeysa Kusoo Wareejiyaan

0

Kulan Siyaasadeed Qado Iyo Qayilaad Ah Oo Ay Jilbaha Isku Dareen Xildhibaano Deegaan, Siyaasiyiin Iyo Taageerayaal Musharraxa Xisbiga KULMIYE Ah Iyo Dhiggooda Koonfurt iyo Koonfur Galbeed Ee Hargeysa Oo Lagu Falanqeeyey Taageero Beeshaasi U Fidiyaan Musharrax Muuse Biixi Iyo Codsiyadii Adkaa Ee Dhinaca Kale

Hargeysa (Sayruuq) – Warar hoose oo AY Warbiihinta soo gaadhay ayaa shaaca ka qaaday in maalintii Khamiistii ee aynu soo dhaafnay ay guri kuyaala Magaaladda Hargeys kulan Qado ah kuyeesheen koox Musdabeed siyaasadeed u ah Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Beesha Koonfur iyo Koonfur galbeed ee Hargeysa ,kuwaasi oo la sheegay inay ka wada hadleen Arimo door ah oo ay ka mid ahaayeen sidii loo sii xoojin lahaa Taageeradii uu Xisbiga Kulmiye ku lahaa Bulshada degan Gobaldda Maroodijeex ,Hawd, Daadmadheedh ,Saaxil iyo Togdheer .
Illo Wareedyo Madax bannaan oo Wargeyska Foore ka helay Kulankaasi ayaa tibaaxay in Kooxda ka socotay dhinaca Xisbiga Kulmiye ay iskugu jireem Xubno Xildhibaano Golaha Deegaanka Hargeyska ka tirsan iyo Siyaasiyiin kale,halka kooxda kale ee ka socotay Bulshada degan Gobaldda Maroodijeex ,Hawd, Daadmadheedh ,Saaxil iyo Togdheer ay iyaga lafteeduna iskugu jireen Xubno Xildhibaano ah oo ka tirsan Golaha deegaanka Hargeysa iyo Siyaasiyiinta kaga jirta Xisbiga Kulmiye,Waxaana warkani intaa ku daray in markii ay Wada qadeeyeen ay markii dambe yeesheen Kulan qayilaad ah oo aad la isku xog waraystay islamarkaana lagu faaqiday arimo badan oo uu mid waliba dhinaciisa ku soo bandhigay sidii loo sii xoojin lahaa Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Beesha degta Gobaldda Maroodijeex ,Hawd, Daadmadheedh ,Saaxil iyo Togdheer.
Sida War Bixintan aanu ku helnay,kulankan oo ahaa kulan in muddo ah loo balansanaa Qabsoomidiisa,islamarkaana Nuxurkiisu ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa Xoojinta Taageerada Xisbiga Kulmiye oo ay dabada ka wadeen Musdambeed uu dhawaan samaystay Musharaxa Kulmiye ayaa Waxa ay Siyaasiyiintii ka socotay Bulshada degan Gobaldda Maroodijeex ,Hawd, Daadmadheedh ,Saaxil iyo Togdheer ku soo bandhigeen sida ay diyaar ugu yihiin inay dhisaan Musharaxa Xisbiga Kulmiyen Muuse Biixi Cabdi,iyagoo dhinaca kalena kulankaasi Ku soo bandhigay arimaha Beelaha ARAB soo xero galin kara ee ay ku iman karto inay si daba la’ u taageeraan Xisbiga Kulmiye. Waxa ay Xubnahaasi soo qadimeen Dhawr boos oo mihiim ah in lasiiyo,sida Maayarka Magaaladda Hargeysa oo ay sheegeen in Beesha Musharaxa Kulmiye iska soo wareejiso,oo loo magacaabo Xubin ka Tirsan Mudaneyaasha Golaha Deegaanka Hargeysa ugaga jira Beeshaasi,oo qaarkood la sheegay inay joogeen Kulankaasi,iyagoo sidoo kalena codsaday in xagga Dawlada iyo Xisbiga Kulmiye-na laga siiyo Boosas Muhiim ah,kuwaasi oo ay sheegeen inay ku qancin karaan Beesha ay ka tirsan yihiin inay si mugleh u taageeraan Kulmiye islamarkaana ay dhisaan Musharax Muuse Biixi Cabdi,sidii ay u soo dhiseen Madaxweyne Siilaanyo.
Kulankan ayaa ku soo beegmaya wakhti Beesha Degta Gobaldda Maroodijeex ,Hawd, Daadmadheedh ,Saaxil iyo Togdheer ay u Xuubsiibteen inay ka soo dhex muuqdaan Xisbiyada Mucaaridka ah iyagoo mudooyinkii ugu dambeeyay si weyn u saluugsanaa Hanaanka Hogaamineed ee Madaxweyne siilaanyo iyo Hogaanka Xisbigiisa Kulmiye,lamana garan karo sida ay Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye u fulin doonaan Arimahani warkani ku Xusan iyo saamaynta kaga iman karta Cida ku fadhida Kuraasta ay dalbadeen.

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.