Murrashaxa UCID oo Caddeeyey in Mucaaridku Muujiyey Garawshiyo ah inay ka Tanaasulaan Mawqifkoodii Adkaa

0

“Sharci maaha in Golaha Guurtidu afduubto heshiiska xisbiyadu gaadheen, halka ay ka ahayd in guurtidu heshiisiiso marka khilaafyadu dhacaan”

 “Hogaaminta dhabta ah waxa lagu gartaa marka qofku qaato khaladka uu galo, yidhaahdana khaladkaas waan galay ee ha laga iga saamaxo, kadibna uu ka bixiyo raaligelin”

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo lagu soo dhaweeyey madaarka Hargeysa

Hargeysa (Sayruuq)- Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Md. Jamaal Cali Xuseen, ayaa caddeeyey in xisbiyada mucaaridku sameeyeen garawshiyo ah inay ka tanaasulaan mawqifkooda muddo-kordhinta, halka ay ka ahayd in madaxweyne Siilaanyo noqdo cidda tanaasulka leh, maadaama loo sameeyey muddo-kordhin aan sharciga ku fadhiyin.

Jamaal Cali Xuseen

Md. Jamaal Cali Xuseen oo madaarka Hargeysa lagu soo dhaweeyey shalay, kadib markii uu ka soo laabtay safar uu ugu maqnaa dalalka Yurub iyo Waqooyiga Ameerika, waxa uu sheegay in xisbiyadu eegeen danta shacbiga reer Somaliland, sidaas darteedna uga tanaasuleen mawqifkoodii adkaa ee la xidhiidhay muddo-kordhinta loo sameeyey xukuumadda KULMIYE iyo Golaha Wakiillada.

“Madaxweyne Siilaanyo waxa doortay dadka reer Somaliland, waxayna ahayd inuu dadkiisa soo hor istaago oo waxan oo khaladaad ah ee jira wax ka qabto, haddii aannu xisbiyada nahayna waa ka aannu ka sugayno garawshiyo, mar walbana annaga oo xisbiyada mucaaridka ah ayaa tanaasul samaynaynay anaga oo eegayna danta shacbiga reer Somaliland ayaannu garawshiyo samaynaynay, halka ay ahayd in hoggaamiyaha dalka sameeyo garawshiyaha, mar walbana heshiis ayaa na lala gelayey, haddana waa la nagaga baxayey heshiisyadaas,” ayuu yidhi Md. Jamaal Cali Xuseen.

Waxa kaloo uu xusay in qodob dastuuri ah awood u siiyey Golaha Guurtida inay sameeyaan muddo-kordhin marka doorashooyinku u qabsoomi waayaan duruufo adag oo ay ka mid yihiin colaado, dagaalo, duufaano iyo masiibooyin dabiici ah, balse marka aanay xaaladahaasi jirin ay sharci noqonayaan waxa lagu heshiiyo oo qudha.

“Xisbiyada qaranka iyo xukuumaddu wax ayey ku heshiiyeen (in doorashooyinku dhacaan bisha December 2016), markaa sharci maaha in Golaha Guurtidu afduubto heshiiska xisbiyadu gaadheen, halka ay ka ahayd in guurtidu heshiisiiso marka khilaafyadu dhacaan ma ahayn in iyagu afduub sameeyaan marka heshiis la gaadho oo ay qalalaase geliso, dad wanaagsan oo Xaaji Cabdi-waraabe ka mid yahay ayaa ku jira Golaha Guurtida, laakiin Guddoomiyaha guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan sida uu u hadlayey ee qalafsanayd ma ahayn si guurtinimo, waxayna ahayd inuu dadka isku soo dhaweeyo,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Murrashaxa xisbiga UCID, ayaa sheegay in haddii madaxweynuhu ku soo saari waayo digreeto lagu cayimayo maalinta doorashada muddada toddobaadka ah ee ka hadhsan shantii sanno ee la doortay xukuumadda KULMIYE ay u qaadan doonaan in aannu doonayn doorasho, lana aamini karin xukuumadda talada haysa.

“Iyadoo xukuumaddu heshiis nala gashay, waqtigii sharciga ahaa ee la doortayna ka hadhsan yahay hal toddobaad oo qudha (26 June), waxa aan aad uga xumahay in inaga oo galnay bil ramadaan oo aanay ahayn in aynu dhexgalno siyaasad, ayna ahayd in dadka quluubtooda la isku sifeeyo, madaxweynuhuna arrintaas hogaaminteeda uu qaato, soona saaro digreeto lagu taageerayo heshiiska xisbiyada, haddii muddada toddobaadka ah ee u hadhsan uu ku soo saari waayo digreeto maalinta doorashadu dhacayso, markaas annagu wax aannu u qaadanayaa in aanu madaxweynuhu doonayn doorasho haddii arrinkaasi jirana ay isla ogaayeen Golaha Guurtida, lana khiyaameeyey xisbiyada qaranka.”

Md. Jamaal Cali Xuseen, ayaa sidoo kale ka hadlay raaligelintii Daahir Rayaale Kaahin ka bixiyey go’aankii uu xisbigii burburay ee UDUB ugu wareejiyey Md. Cali Maxamed Warancadde oo ah wasiirka daakhiliga Somaliland, isla markaana xilligaas ugu diiday in Jamaal Cali Xuseen noqdo murrashaxa madaxweynaha ee UDUB.

“Marka hore waxa aan halkan ka sheegayaa in aannu aqbalnay raaligelinta iyo garawshiyihii uu sameeyey madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo sharaf iyo qadarin naga mudan, waanan soo dhawaynaynaa garawshiyahaas oo aanu leenahay waa tallaabo cusub oo u wanaagsan madaxda qaranka, arrintaasoo runtiina dhif ku ah madaxda Afrikaanka ah oo inta badan aan garawshiyo ka bixin khaladaadka ay sameeyaan,” ayuu yidhi Md. Jamaal Cali Xuseen, isagoo intaas ku daray; “Waxa la ogyahay in xukuumadihii hore ee Somaliland soo maray oo xukuumaddii Rayaale ka mid ahayd iyo inta madaxweyne Siilaanyo xilka hayeyba waxa jira khaladaad badan, haddana mar qudha may jirin cid garawshiyo ka samaysa, laakiin Md. Daahir Rayaale Kaahin wuu ku dhiiraday, tusaale ayuuna mudan yahay, hogaaminta dhabta ahna waxa lagu gartaa marka qofku dadka soo hor istaago ee uu qaato khaladka uu galo, yidhaahdana khaladkaas waan galay ee ha laga iga saamaxo, kadibna uu ka bixiyo raaligelin. Md. Rayaale wax badan ayuu dalkan ka soo qabtay oo shan doorasho oo aan dhiig ku daadan oo xalaal ah ayuu qabtay oo indhaha caalamka inagu soo jeediyey.”

Murrashaxa xisbiga UCID oo faahfaahin ka bixiyey ujeedada safarka uu ku maqnaa iyo dalalka uu soo maray, waxa uu yidhi; “Muddo laba bilood iyo badh ah ayaan ka maqnaa dalka, waxaanan soo maray ilaa shan dal oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Norway, Maykanka, Canada iyo Imaaraadka Carabta oo aan socod ku soo maray, waxaanan u maqnaa oo safarkaygu khuseeyey danta xisbiga UCID iyo danta shacbiga reer Somaliland, iyadoo dalalka aan maray la kulmay taageerayaasha xisbiga UCID, shacbiga Somaliland asxaabta waddamada la saaxiibka ah Somaliland oo inaga caawiya arrimo badan oo ay ka mid yihiin dhinacyada dhaqaalaha iyo dimuqraadiyadaba, waxaanan mar walba iska xog-waraysanaynay xaalada ay ku jirto Somaliland, meelaha ay inaga caawin karayaan iyo tacabka ay ina gelin karayaan, haddii ay noqoto dhinaca doorashooyinka, mashaariicda iyo dhaqaalahaba.”

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.