Murrashax kasta oo ku guuleysta doorashada madaxtooyada Somaliland badhtamaha November 2017 waxa miiska u sii tuuran boqollaal mushkiladood oo dhakhtarin u baahan doona.

0

 

Waxa uu dhaxli doonaa, sidii Axmed Siilaanyo ee Julay 2010, khasnado haawanaya oo faaruq ah iyo Q A A N midabbo badan yeelan doonta.

Waxa arrimahaas lagaga bixi karaa:

1. Geesinnimo iyo hal-adayg go’aan qaadasho iyo ku-dhac yeesha oo labac-labacnimo; beerka jecli, xaydha jantay, ka dheer tahay oo ka dhimbiil qaadanaya aqoon iyo waayo-aragnimo ka soo dhambalmaysa socotada waayaha iyo sooyaalka ummadda la doonayo in la dabiibo bugtooyinkeeda.

2. Dhismaha xukuumad kooban oo tayo leh oo loo cuskanayo qaayo-soorrada “karti iyo hufnaan, qof habboon iyo halka uu ku habboon yahay oo loo igmado.

3. In laga fogeeyo reeraha iyo qabyaaladdu in ay door ku yeeshaan xulitaanka xubnaha xukuumadda cusub. Waa in murrashaxa guuleystaa reeraha ka soo miidhaa labeenta kartida iyo hufnaanta leh ee ku jirta haddii uu doonayo in xukuumaddiisu xawaare ku dhaqaaqdo ay ku hawl-gasho.

4. Waxa uu u baahan doonaa maaliyad ka soo kabasho ah xilliga kala guurka oo ah dhawrka bilood ee hore.

5. Hirgelinta isirrada maamul wanaagga ee banyaalnimada (daahfurraanta) iyo isla xisaabtanka oo noqda ballaysin taabbaqaada, fadal-qaadka horeba.

Ayaamaha hore intani waa biyo-kama-dhibcaan in loo qumaa ka soo dhalaalkoodu.

Berrina waxa loo baahan fulinta qorshayaashii iyo hawl-qabadyadii horumarineed ee qaybaha qaranka iyo bulshada ee lahaa:

* Sugidda amniga iyo kala dambaynta.

* Kobcinta dhaqaale iyo kor u qaadka heerka nolosha bulshada.

* Hagaajinta xeerarka iyo caddaaladda,

* Dib u habaynta iyo tayaynta waxbarashada iyo caafimaadka.

* Xallinta dhibaatada biyo la’aanta, xaalufka iyo abaaraha soo noqnoqda.

* Aqoonsi raadintii, iwm.

“Waxba hayska daba ridin
Deegaanta laacdee
Ma og tahay dalluuma
Iyo deyrka hoos yaal!”

Qalinkii Maxamed Baashe

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.