Murashax: Qasab may ahayn inaad Guulaysato

0
Bulxanow Maya !

Murashax: Qasab may ahayn inaad Guulaysato, dedaal keliya ayaa lagaa rabay, waanad dedaashay !

Labada shay ee ugu muhiimsan nolosha ee aan gacanta ugu jirin qof binu aadam ah, waa Risiqaaga Iyo goorta Nafta lagaa qaadayo ee aad dhimanayso, labadaas arrin qof dunida guudkiisa ku nool oo Alle la wadaagi karaa ma jiro, haduu jiri lahaa oo Alle uu ogolaan lahaa inay cidi la wadaagto Awoodiisaa u gaarka ah, qofba qofka kale ayuu Risiqa ka jari lahaa ama cimrrigiisa uu gaabin lahaa.

Hadaba Murashax marka u horreysa ogow in Allaha awooda badani uu yahay kan wax door-doora ee isugu Awooda u dambaysa leh qof kastaa siduu u noolaanayo, shaqada uu helayo, masuuliyada uu qabanayo Iyo meesha uu Risiqiisu ka imanayo.

Qofka Aadamaha ah waxaa laga rabaa inuu dedaal la yimaado oo keliya , isla markaasna uu ogaado in dedaalka natiijadiidu ay Ganacta Alle oo keliya ku jirto, qof ku jecelna kuma geyn karo meel aan Alle kuu qorin, qof ku necebna kaama joojin karo meel uu Alle kuu qoray.

Murashax ogow hadaad maanta hadhay inaad berri soo bixi doonto Insha Allah, imisa dhacay ayaa aakhirka guulaysta, ha werwerin, ha is canaanan, cidna ha u cadhoon, waxaad si dhab ah u yiqiinsataa in Allah uu yahay ka aan kuu qorin inaad doorkan Xildhibaan noqoto, lagana yaabaa in khayr kuugu jiro.

Haddii aad doorkan soo bixi weyday ha niyad jabin, hana ka hadhin himiladaada ah inaad yoolkaaga gaadho, Guul-darradan imika kugu timi ayaa ah bilowgii guushaada, sababtoo ah qof aan guuldarrooyin la soo kulmini guulo rasmi ah ma gaadho.

Ugu danbayn bal eeg inta qof ee inta cidla la taagay hadana aan niyad jabine weli soo taagan ama guulaystay,

Meel fogba adoon eegin miyaanay shalay ahayn markii Madaxweyne Muuse inta banaanka la dhigay la go’doomiyay ka dibna uuBeertiisii iska tegay isaga oo aan buuq isku furin oo aan is dhiibin, miyaanay noqon keligii oo dhinac ah iyo Xisbigii Kulmiye Iyo Xukuumadii oo dhinac ah, miyuu niyad jabay? Miyuu quustay? Miyuu is dhiibay? Jawaabtu waa Maya! Intuu si deggan u fikiray ayuu soo rogaal celiyay oo kursigii Dalka ugu sarreeyay uu ku guulaystay.

Imisa goor ayuu Faysal Cali Waraabe Doorasho ku dhacay, imisa goorse ayaa Xisbigiisa lagu kala yaacay? Ismuu dhiibin, muu niyad jabin, si yar oo deggan ayuu dib isu abaabulay oo maanta ku yahay Hogaamiye Saameyn weyn ku leh Dalka, Xisbigiisuna uu ka dhigay mid jirrido adag ku taagan oo aan la dhayalsan karin.

Ugu danbayn waxaan usoo jeedinayaa Xukuumada iyo Xisbiyada Qaranka in dhalinyaradaas Murashaxiinta ahaa ee hadhay wixii gacan ah ee loo geysan karo lagu taageero, fursado shaqana lala raadiyo.

Somaliland ha guulaysato

X Wasiirk Kaysar

Comments

comments

Leave a Reply

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.